Yuhuuda iyo Maraykanku fikirkoogu wuxu ku dul wareegayay sidii meesha looga saari lahaa saddex xagalkan helista ah, waxana ay arkeen inay fududahay in la khalkhal gelin karo, lana wiiqi karo awooda ciidan ee ay leedahay wadanka Suuriya. Sidaa awgeed, Yuhuuda iyo Maraykanku waxay hindiseen qorshe lagaga saaro Suuriya wadanka Lebnan oo ay amaankiisa ilaalin jireen muddo dhan 29 sanadood in kastoo ay reer galbeedku u arkayeen kuwa xoog ku haysta.
Si haddaba looga saaro ciidamadaas meesha waxa qarax lagu khaarijiyey oo lagu dilay Raiisal wasaarihii wadankaas Rafiiq Alxariiri oo kamid ahaa raggii ugu cadcadaa ee ka qayb qaatay dib u heshiisiinta wadanka Lebnon, sanadku markuu ahaa 2005.
Muran dheer iyo is qab-qabsi kadib waxaa Qaramada Midoobay isu sheegtu ku khasabtay wadanka Suuriya inay iskaga baxdo wadanka Lebnaan. Isla sanadkii ku xigay sanadkaas oo aha 2006 Israel waxay weerar ku qaaday Koonfurta wadanka Lebnon..
Halkaas waxaad ka fahmi kartaa in Israel xidhiidh la lahayd ka bixitaanka ciidmada Suuriya, waayo haddii ay soo weeraraan iyadoo ay Suuriya kujirto waxaa iska cad inay isu dhici lahaayeen labada ciidan.
Sanadkii 2011 waxaa si fudud u dhashay waxa loo yaqaan Gu’ga Carabta (Rabiicul carabi ama Arab Spring), balse aan ani u aqaan jaxiimul carabi ama Naartii carabta, waayo waxaa isbedlay waxyaabo farabadan oo aan wadamada carabta u roonayn sida, Wadamada Libya, Yemen, Suuriya iyo Masar waxaana ka soo yeedhay wadamadaas waxaan iyaga iyo cid kasta oo ka naxdaa aanay ku farxayn.
Libya Qadaafi meesha ayuu ka baxay balse waxaa loo kala baxay Maleeshiyaad iyagu isu maqan oo is dagaalaya iyo qabiilo. Yemen Cali Cabdalla Saalax, isna meesha kuma habsaamine wuu ka baxay laakiin wadankii waxaa qabsaday Xuuthiyiin oo weli haddaa lagu soo dabaali kari laayahay nabadda.
Masar waxaa qabsaday hogaamiye ciidameed kale kadib markii Maxamed Mursi oo ku galaystay doorasho xor iyo xalaala la afgenbiyey oo meesha laga saaray. Suuriya waxa Iyana sidoo kale ka bilaabmay mudaharaadyo noocaas oo kale ah, balse ka fool xun, muddo marka ay socotay wuxu isu bedelay dagaal sida Libya iyo Yemen oo kale, ilaa haatana taagan.
Haddaba suaashu waxay tahay, haddaynu si guud mar ah u fahanay waaqica ku xeeran suuriya, dawladaha carabta aragtidoodu maxay ahayd, ee iyaba boqortooyo ama dhaxaltooyaba ku haysta xukunka wadamadooda??
Aragtida Carabta
Carabtu waxay u arkaysay in Bashaar oo meesha ka baxaa ay u fiican tahay, maslaxada carabta maadaama uu Bashaar yahay nin Shiici Calawi ah oo xidhiidh dhow la leh wadanka Iran ee ay Carabta cadaawada xumi ka dhaxayso. Dhinaca kale marka aynu ka eegno qadiyadaas waxa iska muuqda in Iran, iyo Suuriya ay taageeraan xulafada ruushka iyo China, dhinaca kale ee wadamada Carabtana ay taageeraan Maraykan iyo xulafadiisa.
Taasi oo keentay cadaawad ba’an inay u qaadaan Bashar Al- Asad, si haddaba taas loo sharciyeeyo waxa la amray Culimada inay fatwoodaan in waxa ka socda wadanka Suuriya uu jihaad yahay, lana caawin karo.
Culimadiina umay fiirsane way ka dhawaajiyeen fatwa ay ugu yeedheen in wadanka daalim kaafir ah haysto tahayna in lala dagaalamo oo lala jihaado.
Suaalaha ka soo ifbaxaya waxaa kamid ah:
- Bashar Al Asad wuxu wadanka haystaa in kabadan dhawr iyo tobon sannadood intaas oo dhan hadduu gaal yahay maxaa lagu adeecayay?
- Haddii waxa meesha ka socdaa uu Jihaad yahay, waayo ay culimadu iyagu ugu horreyn waayeen oo uga qayb qaadan waayeen ileyn waa jihaad, jihaadka qofka ku dhintaana waa shahiid, shahiidkuna waa darajo kamid ah darajooyinka ugu sareysa ee qof Muslim ahi gaadho, sidoo kalena qofkaas wuxu helayaa Martabad aad u saraysa Janada dhexdeeda, sida ku xusan Quraanka, iyo Axadith-ta Rasuulka CSW.
- Haddiiba aan aqbalno inuu Jihaad yahay, qofka muslimka ahi firqadee buu ku biiraa?
Waxaynu ognahay inay jiraan in kabadan 30 firqadood oo wada jihaad doona, kuwaas oo iyagu dhexdooda waxba isu reebin isuna hambayn.
Haddii aan ka dhawaajino qaar kamid ah magacyadooda waxaa kamid ah, Ciidanka xorta ah, ciidanka axraarta, Jabhatu Shaam, Jundul Aqsa, Daacish, Ciidanka Nusra iwm
La soco Qaybaha Dambe ………………………………..
W/Q: Cabdiraxman Mixile
Cyberjaya Malaysia
Tell: 0060182319764
Email: 4807060@gmail.com
Blog: www.mihile24.blogspot.com
Website: www.mihile.webs.com
Facebook: www.facebook.com/AbdirahmanMihile











