Shirqoolka Suuriya…. (Qaybtii Koowaad)

0

Maanta waxaan qallinka u qaatay si aan u iftiinsho fitnada reer galbeed  ee dhiiga badan ku daadanayo ee ay ku fitnoobeen xukuumadaha carabta iyo weliba culimadooda ee sida shimbirka Baqbaqaa-ga ama Parrot-ka ugu fatwooda wax kasta oo ay rabaan siyaasiyiintooda wax ma garatada ah.

homs


Haddab, si aynu u fahno halka ay sartu ka qudhun san tahay ama salaadu ka xidhmi laadahay, waxaan isu dayi doonaa inaan ka eegno saddex jiho oo kala ah:

 

capture334

Hordhac Kooban 

Suuriya waa wadan ku yaal bariga dhexe gaar ahaan galbeedka aasiya. Dadkiisa waxa lagu qiyaasaa  21.53 Million (2010), wadankan wuxu ku yaala dhul istratiiji ah isagoo la jaara wadamo badan sida   Urdun (Jordan), dhinaca koonfurta,   dhinaca galbeedka badda Mediterraneanka, iyo wadanka Lebnon ama Lubnan, dhinaca Waqooyi Turkey, bari Ciraaq , iyo koonfur galbeed dhulka Falastiinta la haysto (Israel).

Suuriya waxay leedahay ilo dhaqaale oo xoogan kuwaas oo ah dallaga beeraha, iyo ceelasha shidaalka. Kuwaas oo ay ka soo hooyaan dhaqaale aad u ballaadhan, kuna filnaan kara wadanka oo dhan. Suuriya waxay ahayd malja iyo meel ay degaan falastiinida dhulkoogi xooga lagaga qaatay islamarkaana siisa falstiinida passport Suuriya ah si uu meesha uu doono u tegi karo.

Waa wadankee wadanka carabeed ee sidaa sameeyaa? Anigu ma aqaan mana maqal…….

{Aragtida Yuhuuda iyo Maraykanka}

israel-and-usa

Haddaba, tan iyo markii uu gacanta ku dhigay Bashar al- Asad xukunka wadanka Suuriya sanadkii 2000, waxa dawlada Yuhuuda u shaqaysa ee loo yaqaan Maraykanka farta ku fiiqi jirtay inuu nidaamkan la shaqeeyo argagixisada, ka hawl galsha Falastiin iyo Lebnon, (Xamaas iyo Xizbollah).

 Sidoo kale sanadihii 2003-2006 suuriya waxay noqotay jidka ay maraan qolooyinka Jihaad doonka ah ee aadaya wadanka Ciraaq. Taasi oo markii dambe dawlada Suuriya ay gacan bir ah ku qabatay.

Sanaddii 2006 ayay Israel isu dayday inay weerar ku qabsato dhulka koonfurta lebnon ee ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Shiicada ah ee loo yaqaan Xizbollah, taasi oo ay ku guul daraysteen.  Dagaalkaas kadib waxa cambaarayn cad hawada loo mariyey dawlada Suriya, laguna sheegay inay hub qayrul caadi ah siisay jabhada xizbullah.

Sanadkii 2009 ayay mar kale Israel isu dayday inay qabsato marrinka Qaza, taasi oo ay mar kale si fool xun ugu guul daraysatay. Waxana iskacad in jabhadaha ku xeeran Israel ay xoogaysteen gaadheena heer ay iska celiyaan. Waxaa meeshaas ka soo baxday qaacido cusub oo ah in la muquunin karo ciidankii ku faani jiray inaan weligiis la jebin, sidoo kale ciidanka Israel guul darro kalama kulmin weligiis carab oo ma aanay jebin marka laga reebo labadan guul darro ee isku xigay, oo aanay Israel ka gaadhin ujeedooyinkoodi dagaal. Taasi oo amakaag iyo afkalaqaad ku noqotay wadamadii dhisay dawlad isu sheega Israel ee maraykan iyo Yurubta Galbeed.

Isla sanadkaas waxa soo if-baxday inuu xoogaystay xidhiidhki u dhaxeeyey Afarta qolo ee midoobay ee kala ah Iran, Suuriya, Xamas iyo Xizbollah.

 

triangles

capture335
La soco Qaybaha Dambe inshaALLAH …..Iran waxa ay ka ciyaartay door aad u mihiim ah inay xoogaystaan Jabhadaha dagaalada ba’ani kala dhexeeyo Israel ee Xamaas iyo Xizbollah, kuwaas oo hanti iyo hub ka heli jiray Iran. Suuriya iyada doorkeedu wuxu ahaa door aan ka dhicin amase kaba sarreeya ka Iran, waayo Suuriya waxay marti gelinaysay madaxda Xamaas iyo qaar kamid ah Xizbollah oo deganaa Suuriya, sidoo kale waxay ahayd meesha isku xidha jabhadaha ee hubka iyo hantidaba loo soo dhigi jiray.
 

W/Q: Cabdiraxman Mixile   

    Cyberjaya Malaysia

Tell: 0060182319764 

Email: 4807060@gmail.com

Blog: www.mihile24.blogspot.com

Website: www.mihile.webs.com

 

Facebook: www.facebook.com/AbdirahmanMihile