HIRDANKA SIYAASIYIINTA REER AWDAL EE LEH HANKA MUSHARANIMO EE XISBIGA WADDANI OO HALKII UGU SARAYSA MARAY IYO MUSHARAXII SHANAAD OO SHAACA KA QAADAY HANKIISA+MAGACIISA.

0

Boorama{AN}-Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal waxa maanta hankiisa siyaasadeed kaga dhawaaqay musharaxii Shanaad ee ka soo jeeda gobolkaasi doonaya in uu isku taago xilka jagada madaxwayne Ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

wasiir_cabdirisaaq2

Siyaasi C/rissaaq Cali Cismaan oo hore wasiir uga soo noqday Xukumada Madaxwayne Siilanyo soona qabtay xilka jagada wasiirka Dib u dajinta waxa u si rasmi ah u sheegay in uu ka mid noqon doono musharxiinta tirada belay ee calafkooda ka qaadi doona shirwaynaha loo balansan yahay bisha tobnaad ee Sanadka Tobankeeda ee xisbiga Waddani.

Musharaxan ayaana noqonaya musharaxi shanaad ee ka soo jeeda gobolka shaaciyana hankiisa ku xigeeneed ee Waddani taasi oo circa ku sii shareertay Hirdanka loogu jro hanashada booskaasi.

Waxaana la filayaa in booskaasi uu saamaynta ugu badan ku yeesho xisbiga Da,da yare e Waddani oo aan wali arag wax hirdan siyaasadeed oo dhexdiisa ah isla markaana looga cabsi qabo in hadiiba booskan si cadaalad ah loogu kala gar soori waayo han maaganayaasha reer Awdal uu ku waayi karo cudud ka mid ah qaybta shirwaynaha ka dhex tirsada Cadaalad daro.

 

Borama Desk

Arabsiyonews@gmail.com