NINKA UGU TAAJIRSAN QAARADA AFRICA EE DOONAYA IN UU IIBSADO KOOXDA KUBADA CAGTA EE ARSENAL IYO DALKA UU KA SOO JEEDO

0

Dangote ayaa ah ninka ugu qanisan qaarada Afrika. Sida la shaaciyay hantidiisa waxa ay gaareysa 10.9 bilayan doolar, waana ninka 67aad ee ugu qanisan caalamka sida lagu sheegay majalada caanka ah ee Forbes.

maal-qabeen

Hantidiisa ayaa si weyn u korodhay tan iyo markii uu isku dayay inuu iibsado Arsenal, waxaana uu ka lacag badnaa sida haatan uu yahay ka hor inta aysan qiimo dhicin lacagta dalkiisa Nigeria

Bilyaneerkan Qaarada Africa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Nigeriya ayaa mar kale qorshaynaya in uu saamiga ugu badan ka iibsado kooxda kubada cagta reer Uk ee Arsenal taasi oo uu sanadkii 2010 kii ku guuldaraytstay in uu ibsado,

Aliko Dangote oo ah ninka ugu maal qabeensan Qaaradan ayaa sanadkii 2014kii loo magacaabay in uu yahay shakhsiga aduunka ugu badan haysta isaga xilligaasi ka guulaystey Musharaxiin kula tartanmaysay jagadaasi,

waxaa ka mid ah hanti dhowraha South Afrika Thuli Madonsela, gabadha qoraaga ah ee reer Nigeria Chimamanda Ngozi Adichie, Agaasimaha guud ee SEC Arunma Oteh iyo madaxweynaha bankiga horumarinta qaarada Afrika Domald Kaberuka.