Daawo Sawirada Labo Tareen oo isku dhacay iyo qasaaro dhimasho oo ka dhashay

0

Arabsiyo News–Shil tareen ayaa ka dhacay gobolka Punjab ee dalka Pakistan kaasoo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Waxaa shilkan uu dhacay ka dib markii ay fooda isdareen labo tareen oo xamuul iyo rakaab kala waday .
Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhintay shilkan waxaana ku dhaawacmay in ka badan boqol kale kuwaasoo ka mid ahaa rakaabkii la socday mid ka mid ah tareenada isku dhacay.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Multan gobolka Punjab ka tirsan sida masuuliyiinta wadankaas ay sheegeen.

Darawalka tareenka xamuulka ah waday ayaa tareenka istaajiyay kaddib markii uu jiiray nin marayay wadada tareenka, waxaana intaas ka dib isna soo dardaray tareen kuwa dheereeya ah oo u socday magaalada Karachi.

Afar qaybood oo ka mid ah tareenka aaa qalibantay, waxaana halkaas gaaray shaqaalaha gurmadka oo tareenka dhexdisa ka soo saaray meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah.