Bismilaahi Marka hore waxaan Maqaalkaygan Ku bilaabayaa,Magaca Eebe SWT,Marka xiga Waxaan idinku Salaamayaa Salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatu,Guud ahaan Shacabka Ku dhaqan J.Somalilan
.Anigoo ah Yaxye Cabdi C/laahi ahna Dhalinyarta waxku Barbaartay islamarkaana waxku bartay Dalkaygan hooyo ee  Somaaliland, hadii aan idiin iftiimiyo ula jeedada aan Maqaalkan uqoray anigoon uu yahay qoraalkaygii ugu horeeyay ee aan qoro wuxuu daaran yahay,Waajibaadkii xaqa ahaa ee uu Dalkaygu igu lahaa ayaan arkay kaalintaydii inaan ka ciyaaro,Muran dhuleedka kataagan Woqooyiga Dalka sida ka muuqata hordhaca Maqaalkayga oo ah Madasha Maanta iyo Muran Siyaasadeedka,Hadii aan idiin fasilo Maanta ayuu Dalkeenii Galay waji kaduwan kii hore ee aynu naqaanay,
Sababtu waxa weeyi Murankaa ka taagan Wowooyiga oo tiro ahaan ka kooban Lixgoobood ayaa furaya daliilo iyo Canaan in badan ka muuqatay hufnaantii lagu yaqaanay Siyaasiyiinteena iyo Guud ahaanba Asxaabta Qaranka oo umuuqda kuwa dhuuni Siyaasadeed ka dhigtay Meesha ay Ku Arkaan inay dabooli karto Danahooda Siyaasadood ee iyaga ugaarka ah,Sikasta ha ahaatee Xusbiyada qaranka iyagoon Kala lahayn Muxaafid iyo Mucaarid uu Midwaliba uu qabsado shirar jaraaid oo aan dan u ahayn Dalkan iyo Dadkan,kana fiirsan inay hantaaqo Ku yihiin jiritaanka Dalkeena kuwaasoo Colaadmooyee aan dheeflahayn,Siina hurinaya dhacdooyinka kuwan lamidka ah ee aan wali ladhamsystirin Xalkooda ama boogahooda ladhayay,intaas hadii aan tusaale raaciyo kaasoo lamida kan kataagan woqooyiga,
Wuxuu Noqonayaa hadii dhulka lagu helayo Qabiil ama dano kale oo siyaasi buunbuuninayo waxay tahay inaanay Sool kadhacdeen Diwaangalintu,Sobobtoo ah inuu Gobolka sool yahay Somaliland inkastoo aynu xuduud leenahay Buntland hadana ay hayb wadaagaan Dadkan Degan Sool iyo Buntland,waxa meesha kasaaray haybtii Xuduudaa,sida kaaga muuqata Togwajaale oo uu togu kalaqaybiyay bulshadii ahayd qoyska kaliya inagoo kadharagsan beerta Caanka ah ee Ayaan daran oo qaybna Aynu Cashuurta kaqaadano qaybna Ethopia wuxuunbay muujinaysaa inuu yahay Xuduudku lama taabtaan Ku dhisan danta Umadaha iyo wada jirkoodana Ku dhisan tahay,inagoo iftiimin doona dhibaatadaa aysiyaasiyiintu aykuyeelanayaan lixdaa goobood ee woqooyigu inagoo maqaalka labaad halkaa kasii amba qaadi doono; Lasoco  Yaxye Cabdi C/laahi Xandule








