Sargaalkii dhawaan ka soo baxsaday ururka Al Shabaab oo Sir fara badan Kashifay !!.(Daawo Muuqaal)

0

Mid ka mid ahaa Masuuliyiintii ururka Al Shabaab oo dhawaan ka soo baxsaday kooxdaas ayaa iminka waxa uu kashifay sir fara badan oo ururkaan u qarsooneed taas oo dad badan ka yaabisay .

Horjoogahaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Aadan Ibraahim waxaana gudaha ururka Al Shabaab looga yaqaanay (Ibraahim Nadaara) .

Sargaalkaan ayaa sheegay in sababta ku kaliftay in uu ka soo baxo ururka Al Shabaab inay tahay ka dib markii ay baneeysteen dhiiga Dadka Muslimiinta ah Maxkamad la´aan , waliba ay hareer mareen sharciyadii ururkaan u yaalay ka dib markii weeraradooda ay ku soo idlaadeen goobaha shacabka sida Hoteelada , Maqaayadaha IWM .