Sidee looga faa’idaysanyaa Fursadaha Shaqo – Berbera Port Project – Qore : Ahmed Maax Hassan (Maritime & Logistics expert)

0

Sidee looga faa’idaysanyaa Fursadaha Shaqo – Berbera Port Project – Qore : Ahmed Maax Hassan (Maritime & Logistics expert)

Waa marag ma doon in fursado shaqo oo mug wayn ay keeni doonto maalgalinta DP World ee Berbera Port.
Waxa loo bahan yahay xogo dawliya oo iftiiminaysa kaalinta aynu buuxinayno iyo in la is waydiiyo shaqaale nooceeya ayaynu leenahay oo baahida timaad ka jawaab.

Fursadaha Shaqo waxaan u kala qaybinayaa:

1) Shaqaalaha wajiga 1aad ee dhismaha Marsada cusub & dib u habaynta tii hore.

2) Shaqaalaha wajiga 2aad

  1. a) Shaqaalaha Maamulka dhexe iyo adeegyada Marsada Casriga
    b)Shaqaalaha maamulka sare ee hayada wadaaga SLPA & DPW Marsada gacanta ku haynaya.

Wajiga 1aad.

shaqaalaha tooska ah iyo kuwa shirkadaha qandaraaska ka qaadan doona Shirkadaha dhisaya dakada.

Waxa si aan xada lahay loogu baahan shaqaale murq-maalka ah iyo kuwo xirfada leh sida Nijaar, Wastaad, koranta (electricien) Alxamleh (welding), ilaaliyayaal (watchmen or security men), Dirwalo baabuurta waawayn(heavy trucks) iyo noocyada kale duwan ee agabka wax lagu qodo ama lagu raro.

waxa kale imanaysa in shirkado wadaniya ay ka helaan heshiiyo (sub-contracts) inay adeegyo iyo baahiyo maxaliya u qabtaan oo iyaguna kordhinaysa baahida shaqaale .

Wajiga 2aad.

Maamulka iyo maaraynta dekada (Terminal Container) casriya waxa kaalin wayn ka qaadanaya shaqaale xirfada sare iyo aqoon iyo waayo aragnimo u saaxiiba.
waxa loo baahanayaa mudnaanta koowaad la siin shaqaale logistic & transportation management aqoon ama waayo aragnimo u leh, engineers, legal experts, healthy & safety experts, etc kuwaas oo qayb libaax ka qaadan doona wadaaga shaqaalaha DP World ee gadh wadi doona waaxyaha maamulka.

kuma eeka oo kaliya shaqaalaha xafiisyada, waxa  loo baahanyaa wadayaal (operators) wiishashka (gantry cranes), RTG ( Mobil crane raseeya containers), Reach-stakers , Folklifts iyo qalab badan oo lagu shaqayn doono.

Hadaba su’aashu waxa weeyi ilaa intee ayaan dawlada ahaan iyo shicib ahaanba u diyaar nahay inaan sida ugu tayo badan qaybteena u qaadanaya.
waxa loo baahan yahay siyaasad tilmaamaysa xogta awooda xirfada iyo waayo aragnimo ee shaqaalaheena.

Inta dad badani ku wareersan yihiin ama ku yool yooltamayaa wareejinta dakada waxa ka mudan sideen uga midha dhalinaa shaqo abuurka dakada iyo  diyaargarawga guda iyo dibadba shaqaale heer maamul sare ilaa adeegyada hoose.

Dawlada Somaliland maxaa looga baahan yahay

1- Siyaasad cad oo qeexaysa hab qaybsiga shaqaalaha DPWorld/SL Ports Authority.
2- la furo ama la cayimo Xafiis diyaarinaya ama qiimaynta shaqaalaha si cadaalada
3- waa in gobolka iyo dagmooyinka wadankan laga qayb galiyo shaqooyinka loo baahdo.
4- tababaro shaqaale xaga farsamada iyo xaga aqooneed oo ku jaan go’an baahida adeegyada Marsada.
5. Tira koob xirfada ayaa ka qayb gali kara wajiga 1aad.
6. waa in la diyaariyo sida ugu dhakhsaha badan shaqaalaha (High Level) waayo arag u ah shaqooyinkan ama aqoobteeda leh oo ka mid noqda hayada wadaaga ah ee Maamulka loo dhiibayo .

Gabagabdii iyo gunaanadkii hadii dawlada iyo dadwaynaba aan la isku abaabulin ka faa’iidaysiga shaqa abuurka waxa iman doonta in xoogsato laga keeno India iyo Asians kale.

waxaan xasuusan ahay markii la dhisayay Doraleh Terminal Djibouti bilaw ilaa dhamaad iyo saamayntii shaqo.
Somaliland waxay kaga duwan tahay waxay haysataa ummad Tiro iyo tayoba miisaan leh .
waxa laga heli karaa xirfado iyo aqoon u babac dhigta DP World hadii si wanaagsan loo jaan gooyo.
Fursadan dahabka ah waa in mudnaanta koowaad la siiyo dhalinyarada faraha badan ee ka soo baxay Jamacadaha wadanka.

waxaan dawlada gaar ahaan SL Ports Authority iyo wasaarada shaqaalaha inay diyaariso shaqaalihii dhaqaajino lahaa hawshan qaran ee baaxada leh.

Maareeyaha Berbera Port  Eng.Ali xoodh xoodh oo aqoon iyo kartiba u leh maaraynta Mega Port Project imigana kalin wayna ka qaatay hirgalinta mashruucan waxa uu aad ugu baahan doonaa staff tayo leh kuwaas oo buuxin doona meelaha halbawlaha ah kuna xeel dheer maamulka wanaagsan ee xafiisyada.

Qof kasta oo carqaladeeya mashruucan maalgalinta Berbera Port iyo kuwa la mida waa qof diidan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland waan Danbiil qaran.
Dawlada waa in sharciga ka mar to.

Khayraadka dalka wadaniyiintu way u siman yihiin dagaanka ku yaalaan si dadban buu u manfacsan iyo magaalada oo camiranta.

Ilaah baa Mahadaa Leh

Somaliland Ha Waarto

Ahmed Maax Hassan
Maritime & Logistic Expert
Tel.0025277817718
amaaxh@gmail.com