1. Waxbaarashada Somaliland oo maanta ka liidata waqtigii Qaxooiga DULCAD
2. Hoolka Golaha Deegaanka Burco oo dumay kadib markii uu u dulqaadan waayay magaaladii oo yeelatay laba Maayar iyo hal maayar-ku-xigeen
3. Wasiir yidhi “ Imaaraadku markuu dekeda inoo dhiso, Xidigaha Geeskana hanoo tayeeyo”
4. Ajaanibka xukuumadu wafti ahaan usoo dhawayso oo la ogaaday inay yihiin kuwa fooqyada muraayadaha Almuuniyamka ku xidhxidha
5. Agaasimayaal qayb libaax ka qaatay Qishkii imtixaanada wiigan
6. Hammiga wadaado badan oo dhaafi waayay afar xaas iyo xabaasuud
7. Wajaale—nin mirqaansan oo Jeeg Maraq ah ku waysaystay
8. Mid ka mid ah jaamacadaha Hargaysa oo u muuqata Doobile kadib markii qaybo kamid ah dharka si joogto ah loogu maydho( sawirka 2aad eeg)
9. Dadwaynaha ku tukada M asjidka Mubaarak oo wada mooshin ka dhan Imaamka Masjidkaas hagardaamo uu u gaystay Tabliiqa awgii
10. Berbera–Kuraasta maqaaxiyaha qaar oo lagu xidho Silsilad adag si aanay maqaaxida ku xigta loogu qaadan( eeg sawirka 3aad)
SULUB IYO TOBANKA MAANTA








