Somaliland: Bulsho Aan Cidna Umaqnayn Ceella U Qodnayan!“Ubaxa Baaqiga Hadhay Badbaadiyaay”
Fikirkayga Shakhsiga ah: waxa aan u arkaa in Xukuumadda Somaliland ku Fashilantay kuna guul daraysatay In Ubixii Dalka ay ka badbaadiso badaha ay sidii Baalalayda oo kale ugu Daa’danayaan.
In La Dhiso Dhismayaal tira badan oo Dawladeed iyo Laamiyo waxa ka qiima badan in la dhiso Nolosha hal qof, Dawladaha ka jira Caalamkan aynu ku noolahay waxa dhacda in ay is ku dhacaan Laba Dawladood iyada oo isku dhacaasina kabilaamo hal qof oo loodilay sifo khaldan ama loo xidhay waxa dhacadaba inay xidhiidhkooda kalafurtaan (Cilaaqaadkooda Dublamaasinimo iyo Safaaradahooda Kala qaataan)
hadii ay dhacado masiibo intay doontaba ha leekaatee waxa ay Dawladaha qaarkood sameeyaan wakhti ay murugo ahaan u xusaan sida inay dejiyaan oo hoos u dhigaan calanka Dawladaas, ama ay u sameeyaan xus gooniya sida in ay aamusaan wakhti daqiiqado ah.
Dawladahaas aynu kor ku soo xusnay ee heerkaas ay ka joogaan qiimaha dadku, ku darsoo waxa ay u badanyihiin kuwa gaaladda ah, Hadaba marka dadka gaalada ah noloshoodii Qiimahaas aduunka ka leedahay bal is wayadii tii muslimka ahayd qiimeheedu intuu leeg yahay?!
Habqanka iyo Socdaalka Dhalinyartii Ubaxa u ahaa wadankeenu ay ugu dhuyaalayaan wadamadda debadda waa mid mudodheer wadankeena ka taagan una muuqataba wax iska caadiya inay noqotay, Geerida naxadinta leh iyo Murugadda Hadhaysa maalin walba qaar inaga inaga mid ah hadii ay Dawladdi jirto waa midaan Damiirka badqabaa sii eegankarayn.
Waxaad Ogtihiin in Dhalintii Somaliland ay ku hoobatay Doonidii ka baxday wadanka Masar oo ay ku dhinteen Boqolaal qof oo intooda ugu badanina ay ka soo jeedeen Dalkeenna Xumuumadda Somaliland waxa ay u muuqata mid wax dareenna








