Madaxweyne Obama Oo Haweenay 76-Jir Ah U Diray Warqadii Ugu Horaysay Ee Muddo 50-Sano Ah Aqalka Cad U Diro Dalka Kuuba

0

Arabsiyo News—-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa warqadii ugu horaysay muddo 50-sano ah u diraydalka Kuuba, waxaanay ahayd mid jawaab ah oo uu si gaar ah ugu diray haweenay 76-jir ah oo u dhalatay dalkaas, taa soo iyadu warqad hore ugu soo dirtay.Haweenaydan oo lagu magacaabo, Ileana Yarza, ayaa warqadeeda ugu soo qortay, codsi ay si gaar ah ugu dirayso Madaxweyne Obama, inuu gurigeeda ku booqdo marka uu booqashada taariikhiga ah ku tago dalka Kuuba, halkaas oo ay sheegtay inay ku siin doonto fujaan Bunka dabiiciga ah ee jasiirada Kuuba