KALSOONIDA NAFTA Q2aad W/Q: Abdirahman Mihile

0

Haddaba sidee ku kasban karaa ama ku soo ceshan karaa Kalsoonida Naftayda:

Kalsoonida naftu waa shay la kasban karo, ma ogtahay in 6% lagu soo dhasho kalsoonida laakiin, la kasbado 94%, waxana kamid ah meelaha lagu kasbado, deegaanka uu qofku ku nool yahay, habka tarbiyadeed ee loo soo koriyey ama loo soo barbaariyey.

Haddaba talaabada ugu muhiimsani waa inaad u diyaar garawdo oo u xadhko xidhato sidii aad u xaqiijin lahayd kalsoonida naftaada tan ugu muhiimsani waa inaad ogaato halka aad manta taagan tahay, iyo meesha aan rabo inaan gaadho.

Samayso marka u horeysa list waxqabadkaaga ah oo tilmaamaya waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee noloshaada aad soo qabatay, sida inaad door muhiima ah ka soo ciyaartay waxqabadka xisbi, urur ama madal dhalinyareed, koox kubadeed imtixaan aad ku guulaysatay iwm.
Ka fikir meelaha aad ku xoogan tahay iyo meelaha aad ku liidato, iskuna day inaad kala soo baxdo, xalka meelaha aad ku liidato iyo caqabadaha kaa hor iman kara noloshaada.
Ka fikir waxyaabaha kuu muhiimka ah, halkeen taaganahay manta? halkeen rabaa inaan gaadho?  sideese ku gaadhi karaa? (action plan) {Jadwal waxqbad}.
Dadku waa laba nooc, dad saameeya bulshada iyo dad aan saamayn, tusaale ahaan              maalintii dad badan ayaa dhinta dunida laakiin keliya dad gaar ah uun baa lawada              maqlaa waayo?… waa dad saameeyey dunida oo can ka noqday markaa adna ka fikir            maxaa lagugu xasuusan doonaa geeridayda dabadeed, mise waxaan u dhiman doonaa        sida dadka caadiga ah oo kale, kadib bilaw inaad qorato hadafyadaada nolosha.

Bilaw inaad maamusho caqligaaga iyo fikirkaagaba, adigoo Iska ilaalinay is barbardhiga khaldan ee aad ku samaynayso naftaada, iyo nafaha kale,  tusaale ahaan waxaa lagayaabaa inaad hoos isu dhigto haddii aad tahay qof aan cod-kar  oo aad is barbardhigto qof kale oo aftahan ah.
Iyo fikirada xun xun ee liita ee intabadan naftu kuugu sheekaynayso

Ku celceli erayada dhiiri gelinta u ah naftaada sida: waan qaban karaa, waan xifdiyi karaa, iwm. Waayo taasi waxay sababaysaa in maskaxdaada qaybta aan seexan ee loo yaqaan qalbi baadinka ay qabato hadalkaas markasta oo aad hawl ku dhaqaaqdana kuu fudaydiso inaad qabato waayo dhiiri gelin ayaad horey ka siisay.
Talaabada u dambaysa ee ah inaad gaadho kalsooni naf ahaaneed oo buuxda waa inaad naftaada ku jihaysaa hadafyadaa aad soo diyaarsatay inaad gaadho, kana dhawrto wax kasta oo hoos u dhigaya.
Dhamaad

Wabillahi Towfiiq!!!!!

W/Q: Abdirahman Mihile

post-graduate Candidate

Limkokwing University

Kuala lumpur Malaysia

Tell: 0060182319764

Email: 4807060@gmail.com

Facebook.com/Abdirahman Mihile