TODOBO QODOB OO MUSE BIIXI DHEERYAHAY MUSHARAXIINTA TAAGAN MUCAARAD IYO MUXAAFID

0

Marka ugu horaysa ILLAAHAY Baa Mahad iska leh Amaan idil keedna ILLAAHAY Bay u sugnaatay SUBXAANAHU WATACAALLAA.

Kadib waxaan jeclahay inaan ka hadlo Qormo siyaasadeed kooban oo ku qotonta xaqaa’iqa loolan siyaasadeedka ka dhaxeeya musharaxiinta jagada Madaxweyne ee doorashada mustaqbalka dhaw mucaarad iyo muxaafidba taasi oo aynu ku eegayno bisaylka siyaasada,adkaysiga duruufaha iyo wixii la mida

Siyaasiyiinta tartamaya oo kala ah

1-Muse Biihi Abdi (gudoomiyaha Xisbiga kulmiye)

2- Abdirahaman Mohamed Abdillahi (ciro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani)

3- Jamaal Ali Hussein (musharaxa xisbiga Ucid)

4- Mohamed Biihi Yonis iyo Abdi’aziiz Mohamed Samaale oo iyagu la xisbiys Mujaahid muse abdi Kuna kala bixi doonaan golaha dhexe ee dhawaantan ka dhicidoona caasimada,

Hadaba keebaa ah siyaasiga dalka iyo qarankani ubaahanyahay yaase ugu khibrad badan shantan siyaasi anigu waxaan qabaa todoba qodob oo muse leeyahay inaanay midna lahayn musharaxiinta kale ee tartamayaa.

Mujaahid muse biihi Abdi waa

1- HAL ABUURIHII GUURTIDII MADALWAYN EE ILAA IMINKA JIRA

2- WUXUU KAMID AHAA MUJAAHIDDIINTII XORAYNTA QARANIMADA SOMALILAND KUWII UGU FIRFIRCOONAA.

3- WUXUU KASOO QAYBQAATAY DIB U HESHIISIINTII IYO DIB U DHISKII QARANKAN

4- WAA NINKA GARANAYAA KANA WARHAYA CIIDAMADA QARANKA ILAA JIIDA HORE KANA SAARI KARA HADDII XAALAD DAGAAL DALKA SOO FOODSAARTO KUNA XIDHAN CIIDANKOO DHAN DABLE ILAA SARAAKIISHA.

5- CURUFKA QABAA’ILKA IYO SAAMI QAYBSIGA BEELAHA U LEH KHIBRAD WAYN.

6- WUXUU GARANAYAA QAYBAHA NOLASHA MIYI IYO MAGAALOBA TU DHAQAN IYO TU SIYAASADEEDBA OO NOLOSHEENU KU QOTONTO.

7- IYO TA UGU DANBAYSA OO AH RESISTANT KA AMA BISAYLKA SIYAASIGA AH TAAS OO MARKII HORE LAGU XAMAN JIRAY INAANU LAHAYN HADASE AAD MOODO INUU MADAXWEYNE SIILAANYO UDIRAY COURSE OO KOLBA KU SII DAAYAY KOOX WASIIRO AH OO KADABA RARI JIRAY KOLABA WUXUU IS YIDHH QABO TAASI OO MADAXWEYNE SIILAANYO YAQIINSADAY INUU MAANTA DALKA HOGAAMIN KARO…..

Markaa Waxaad moodaa inuu muuse leeyahay

Wuxuu Gaadhba Gaadh Noo badalay Goor Danbaad Timiye

Ninka soo gignaa baan ahay Tan iyo Geele haadqoyay

W/Q: farxaan Maxamed Cumar