Dakhliga Cashuurta Degmada Arabsiyo , moganaanta shacbiga iyo Musuq Maasuqa dulhoganaya Maamulka Q2aad

0

Maqaaalkeenii hore waxaynu ku soo qaadanay kuna xusnay dakhliga cashuurta ardiyada ee guryaha iyo seesaska oo cadadkoodu aynu sanadkii ka dhignay 165 000 000S/sh.

maqaalkan oo ah kii labaad waxaynu ku kaga hadli dakhliga liisamada ganacsiga meheradaha ee sanadlaha ah.
Degmada arabsiyo degmo ahaan waaa degmo D ah. Liisamada ganacsiga waxaa lagu saleeyaa darajooyin ama levels kala sareeya. levelkastaana  wuxuu leeyahay xadi lacageed oo ugaara. Tusaale ahaan:
  • liisanka ganacsiga meheradaha  heerka koowaad waxaa laqaadaa 1200 000S/sh
  • liisanka ganacsiga meheradaha  heerka labaad waxaaa  cashuur u dhaxaysa 500 000S/sh ah ilaa 700 000S/sh ah
  • Liisanka ganacsiga meheradaha heerka sadexaad waxaa la qaaadaa cashuur udhaxaysa 500 000S/sh  ilaa 300 000S/sh ilaa 400 000S/sh ah.
  • liisanka ganacsiga meheradaha heerka afraad waxaa la qaadaa lacag u dhaxaysa 100 000S/sh  illaa 250 000 S/sh
Celcelis ahaan Tirada meheradaha Arabsiyo hadaynu  usoo qaadano 100 meheradood, Celcliska cashuurta laqaadana aynu ka dhigno 300 000S/sh ah,
Waxaa inoo soo baxaya wadarta dakhliga cashuurta liisamada meheradaha ganacsiga ka soo gala  dawlada hoose ee arabsiyo sanadkii  taranta celceliska lacagta iyo meheradaha.
 100m meheradood  X 300 000S/sh =30 000 000S/sh
GABAGABADII DAKHLIGA LIISAMADA MEHERADAHA  GANACSIGA EE ARABSIYO SANADKII KA SOO GALAA WAA
30 000 000S/sh ah sanadkii.
lasoco qaybaha danbe oo aynu ku soo qaadan doono dakhliyada kale ee dawlada hoose arabsiyo,
AHMED MAHAMED CIIDLE