Marwada koobaad ee dalkani JSL Aamin Waris Sh. Maxamed Jirde oo dhawaan aan daawaday waraysi xiiso badan oo ay siisay TV-ga HCTV ayaa waxay kaga hadashay arimo badan taariikh iyo duruufo lasoo maray wakhtiyo kala duwan, sidoo kale waxay jawaabo geesinimo leh ka bixisay su,aalo la waydiiday oo inta badan qaar kamida bulshadu ku xaman jireen iyadoo daboolka ka qaaday guud ahaanba dacaayadaasi ku tilmaadan iyo doodaasi kuwo jaban.
Marwo Aamina Waris waxay si qoto dheer oo hufnaan iyo miisaan culus uga sheekaysay taariikh nololeedeedii Guurkii dhex maray iyada iyo Madaxweynaha Qaranka JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay sidoo kale ka warantay Halgankii hubaysnaa ee Dalka Lagu horeeyey iyo kaalinta ay halkan kaasi ku lahayd iyadu marka laga tago Hogaamintii SNM ee Madaxweyne siilaanyo iyaduna Waxay ahayd Marwo Sayigeeda ku garabtaagneed Halgankaasi si weyna uga qeyb qaadatay halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey.
Marwada maanta ee Dalkeena Somaliland waxay ahayd marwadii xiligii dadkeenu ku jiray qaxa ee Dagaalka ba,an lagula jiray Rajiimkii Siyaad bare, waxay qeyb ku lahayd taakulaynta qaxoontigaasi oo sida wakhtigaasi dad goob jooga yaal ahi iisheegeen oo ku jiray qaxoontigaasi inay marwadu ahayd qofkii u qeybinaysay digidhadii iyo Viisayaashii ay dalalka caalamka ku geli lahaayeen taasina xiligaasi waxay ahayd geesinimo ay samaysay marwadu.
Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde waxaa la waydiiyey su,aal ahayd inay Iyadu xukunka Dalka wax ku leedahay ama ayba ka taliso sida dadka qaarkii ku doodaan balse marwadu arintaasi waa daadfaysay waxaana ay dooda noocaasiya ku sheegtay inay tahay dood jaban, iyadoo sheegtay in Dalku leeyahay Madaxweyne la taliyayaal, Wasiiro, iyo Maareyayaal hasa ahaatee iyadu ay tahay Marwadii Madaxweynaha waajibna loogu leeyahay inay Odaygeeda la taliso iyadoo hoosta ka xariiqday in xaq loogu leeyahay talo marwo nimo taasina aanay ceeb ahayn sidoo kale waxay xustay ragganimada iyo geesinimada xilkasnimada iyo hogaaminta Madaxweyne siilaanyo sidoo kale waxay bayaamisay inaan Madaxweynu ahayn qof khalad laga dhaadhicin karo uuna yahay qof cilmi aqoon iyo garasho ilaahay ku manaystay.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaabihii aan u bogay ee waraysigaasi intii aan daawanaayey aan ku arkay su,aal iyana marwada laga waydiiyey dhanka saxaafada oo had iyo jeer qaarkeed caadaysteen inay caydo oo aflagaadayso marwada qaranka, kuwaas waxay xustay inay yihiin kuwo ehel u ah ama ay saaxiibo ahaayeen, si gobanimo leh waxay Aamina waris u sheegtay inaan caydu dhibaynin sababtoo ah waxay sheegtay in cayda iyo xag xagashada uu leeyahay Kurigisu, sidoo kale waxay ka sheekaysay taariikh hore usoo bartay oo dhanka saxaafada ahayd taasoo laga sameeyey been abuur xili ay la shaqaynaysay Idaacada BBC-da oo ay Marwadu bixin jirtay Tababaro ayaa waxay sheegtay inay maalin u baxday iyada iyo Wariyaha Yoonis Cali Nuur Magaalada Marka halkaasina ay kasoo bixinaysay tababar dhanka saxaafada ah iyadoo saxaafadii xiligaasi ee dawladii Udub qortay in Aamina Waris Muqdisho aaday Siilaanyana uu Fariin u Faray Cabdilaahi Yuusuf oo Xiligaa talinaayey waxay xustay inay aad ula yaaben saxaafadii muqdisho arintaasi oo iyagu ka xishoodeen balse ay ku dhiiradeen been abuurkaasi inamadii iyo hablihii saxaafada Somaliland ee ay Eedada u ahayd hadii maalintaa wax ku dhici lahaayeena masuuliyadeeda iyagu yeelan lahaayeen.
Ugu danbayntii waxaan hanbalyo mahadnaq usoo jeedinayaa Marwo aamina Waris oo ah Marwo huwan sharaf ixtiraam maadaama ay tahay Marwadii qaranka, waxaan ka helay siday jawaabaha u bixinaysay oo ahayd si kalsooni iyo aqooni ku dheehan tahay waxaan ku amaanayaa marwo hawlkarnimadaada aqoonyahanimadaada iyo kartida aad leedahay waxaanad iftiimisay waxyaabo badan oo dadka ka qarsoonaa hanbalyo Marwo








