Barnaamijka Caafimaadka iyo diyaarintii Axmed Maxamed Ciidle

0

Ac dhamaan akhristayaasha shabakada Arabsiyomedi.com  waxaan  halkan ka bilaabi doonaa anigoo mgacaygu yahay Axmed Maxamed Ciidle barnaamijyo taxane ah ku waas oo aan ku soo dabaci doono kana hadli doona caafimaadka

FAALIG

Faaligu wuxuu ka mid yahay xanuunada keena dhimashada dagdaga ah wadankeena, sidoo kalana sababa qofka oo laxaadkiisii kala dhantaalmo amaba curyaama. hadaba iyadoo taasi jirto waxay dhakhaatiirteenu qirayaan inay aad u yaryihiin dadka garanaya xanuunkan wuxuu yahay iyo astaamaha lagu garto qofka marka uu faalig ku soo socdo.
qormadan oo noqondoonta mid taxane ah waxaa laguugu soo gudbib macluumaad sharxaya xanuunkan,sidaad uga hortagi karto faaligu in aanu kugu dhicin iyo sida marka aad barato calaamadaha iyo astaamaha lagu garo faaligu marka uu soo socdo ay ubadbaadinayso nolosho dadka aad jeceshahay ee qoyskaaga iyo sxiibadaa.

MUXUU YAHAY FAALIGU?
Faaligu sidiisaba waa *dhaawac maskaxeed*.wuxuu ku dhici karaa qofkasta yar iyo waynba. faaligu wuxuu dhacaa marka dhiig ku socday meel ka mida maskaxda uu joogsado amaba gaadhiwaayo.unugyadii maskaxda ee qaybtaa uu dhiigu ka joogsaday ayaa waxaa ku dhaca oxygen la aan ka dibna waa ay dhintaan..
marka ay dhintaan unugyada maskaxda ee qaybtaa maskaxdu waxa meesha ka baxaya awoodii maamul ee qaybtaasi ay haysay sida xusuustii maskaxda,ka shaqaysiintii muruqyada.
sida uu faaligu u saamaynayo qofka waxa ay ku xidhan tahay goobta uu kaga dhacay maskaxda iyo inta dhib uu gaadhsiiyay qaybtaasi..wad
tusaale ahaan qofka uu faaalig fudud ku dhacay waxaa laga yaaba uu dhibaatooyin yar yar la kulmo sida awood yari mudo kooban ah oo ka dareemo gacan amaba lug.. halka qofka uu faaligu xoog ugu dhacayna uu dhaxlayo qalayl ama curyaanimo dhinac jidhkiisa ah midig ama bidix oo aan ka soo kabasho lahayn. amaba uu lumyo awoodii hadalka.. dadka qaar ayaa ka soo kabta faaliga hadana boqolkiiba shan iyo todobatan dadkaasi waxaa ka sii muuqata laxaad daridii.
NOOCYADA FAALIGA.
Faaliga waxaa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah HEMORRHAGIC STROKE IYO ISCHEMIC STROKE

Lasoco Qaybha danbe  iyo ka faaidaysi wacan

Axmed Maxamed Ciidle

ahmed.ciiidle@gmail.com

Arabsiyo/Somaliland