MAACAAGU YUU NOQON
MID XUMAAN KAMARAG KACA
SIDA MACAMUUSAHA QAAR
QOFBA MAALIN YUU XIDHAN
MAALKAAGU YUU NOQONIYO
MASALAHA RASUULKIYO
MID MASAAJID LAGU GUBO
(Ibraahim gadhle)
Waxaa la yaab ah in nin la yidhaa Bawlici sh.Daud oo sida ka muuqata magiciisa sita magicii sheekhu baladka Arabsiyo ee aanu aadka ujecelnahay, karaamo iyo qadarina agtayada ku lihi uu qoraal soo galiyay mid ka mida shabakadaha ku sheegay in horumar balaadhan uu ka jiro dagmada Arabsiyo isla markaana uu ku aflagaadeeyay mid ka mida dhalinyarta Arabsiyood(AHMED MAHAMED CIIDLE).
Caqli celin iyo jawaab kooban hadaan siiyo inkastoo qoraalkiisu uqalmin wax jawaab in laga bixiyo waxaan usheegi lahaa laba qodob oo ah.
- Gudoomiyaha Arabsiyood ee aad leedahay horumar balaadhan ayuu Arabsiyo ka sameeyay maanta oo taariikhdu tahay 19/07/2015 wuxuu hor istaagay biyo galin lagu samaynayay masaajidada Arabsiyood. Biyo galintaas oo uu waqfi ahaan ku maalgalinayay ganacsade CALI CARAB OBSIYE.Waxaanan ku xasuusinayaa in masaajidadaas biyaha loo diiday uu sheekhoogu yahay sh.Daud macalin. Markaa Bawliciyow ama sh.Daud taageer ama gudoomiye botoriye taageer.
- Waxaad qoraalkaaga ku sheegtay in Ahmed mahamed Ciidle waalan yahay .Jawaabta qodobkaas kuma wada siin karo waayo magac sheekh ayaad sidataa laakiin wax yar baan kaa odhan.Anigu waxaan ahay nin horumarka dagmadiisa danaynaya oo aan wax madmadaw ahi ku jirin. Laakiin siday adiga saaxiibadaadii aad isku dhawaydeen noo sheegeen waxaad ahayd ninkii DAYDAYGA ahaa ee 1994 ka mid ahaa jabhadii laamida Arabsiyo marta dadka safarka ah ku dhici jiray ee naf iyo maalba goynjiray. Tusaale hadaan usoo qaato mid ka mid ficiladaadii waxshiga ahaa waxaa ka mid ahaa .
- Maalintaad mulkiilihii shirkadii Qaadka ee 447 aad wadada ugashay ee aad rasaasta ooda kaga qaaday,kadibna aad fulaynimo waxaad ka qabto aad beertiina orod ku tagtay , Intaa kumaad jogine aad geed canbe ah dhakada uga baxday!!! Caqligaad ku keentay inaad geed canbe ku badbaadaysid ayaad maanta maamul fadhiida oo dib u socod ah ku taageeraysaa ,aflagaadana nimaan ku aqoon ugu gaysanaysa.
Alla mahadleh
W/Q Axmed Maxamed Ciidle
NB Shabakada Arabsiyonews ma damaanad qaadi karto fikir uu soo qoray shaqsi kaas oo ku cabiray dareenkiisa waxna lagama waydiin karo ee shabakadu waa mid gudbisa uun afkaarta kala duwan ee akhristayaashu usoo diraan








