MADAXWAYNE SIILANYO MAYA ISKU SHAANDHAYN IYO SAAMI BURSI BEELEED OO KU YIMAADA SULDAAN DUUR GALAY IYO QORI CAARADII

0

Waxa dhawaanahan aynu maqlaynay inay dhici doonto isku shaandhayn u madaxwaynuhu ku samaynayo golihiisa wasiirada taas oo lagu raali galinayo suldaanka la sheegayo inuu buuraha galay markuu soo dhamaaday muddadii ay beeshiisa jibril yoonis ka ahayd madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen tan iyo intii la asaasay jamhuuriyada Somaliland .
Suldaanka oo waagii dagaaladu ka socdeen gobolka awdal ee dalkii la isku odhan jiray Somaliya, halkuu difaaci lahaa u baxsaday halkaa iyo dalka kanada ayaa maanta gobolkii oo nagi ah ku dhawaaqay inuu haatan dagalaamayo mar lagu heshiiyay in nabad iyo wada jir lagu wada noolaado oo gobolkiina ku horumaray kana faa’idaystay nabadaa dhulkii hadhaysay.
La yaabid malaha waana astaanta fulayga inuu dhabarka jeediyo marka raggu ishayo marka nabad la gaadhana isasa soo qaadqaado.
Markaa iyadoo ay durtiiba iska soo gaba gaboobayso indhasarcaadkii iyo hummaagii dhalin yarta beenta loogu sheegay in wax la yidhaa saami ka maqan yahay gobolka awdal hase ahaatee xaqiiqada jirtaa tahay inuu u cadhooday marku ka arki waayay juffadiisii macaanka soo jaqaysay intii Somaliland jirtay ee uu sida adag u difaaci jiray qaranimada Somaliland paltak markuu Dahir Riyale ahaa madaxwaynaha ayaan haatan ku hinaasay in cid kale meeshii ka muuqato oo aan ahayn ardaagiisii.
Haddaba isagoo durbaanku aad u qaylo dheer isagoo gudihiisu madhan yahay waa sida la yidhaahdee, ayaa dawlada Somaliland ay hoos martay inay arinta ninkan ay fadhiisiso qiimaha ay lahayd iyo muggeedu intuu gaadhsiisnaa.
Haddii Sida wararka la sheegayaa ay rumoobaan oo ay isku shaandhayn loo sameeyo sababta ninkaa buurta galay oo aan dagaal aqoon u lahayn una haysta ciyaarta ay ciyaaladu ku ciyaaraan koobiyuutarada oo u malaha ku ciyaari jiray kanada, ayaa waxa ka dhalan kara:
In haddii isku shaadhayni dhacdo oo beesha suldaanka la siiyo saami aanay lahayn taasi ka dhignaan doonto guul toos ugu soo hoyatay suldaan wabar iyo dawladoo lugaha iska toogatay
In haddii dawladu wax is badil ah ku samaynayso saami qaybsigan haatan ku qotoma tirada guud ee shacabka Somaliland oo lagu badilayo saami qaybsi ku salaysan magac beeleed, waa in markaa si buuxda ay uga dhex muuqdaan beelaha kale ee la siman gadabursiga sida beesha ciise, harti iyo gabooyahuba si loo helo cadaalad siman oo beesha dhexe ay siiyaan sidoo kale beelaha kale qayb ka mid kuraastooda haatan ay ku haystaan tiradooda guud.
In wax isbadil ah oo haatan la sameeyaa ay sumcado darro iyo karaamo xumo ku tahay haybada dawladnimo oo hore khalad u gashay markii ay go’aan degdeg ah ku gaadhay in la badilo taliyihii hore ee ciidanka qaranka oo suldaan salebaan arintaa dawlada ka codsaday inkastoo ay dawlada kulmiye markaa ugub ku ahayd maamulka dawladnimo.
In wixii isku shaandhayn ah ee ka dhasha cagajuglayntani ay horseed u noqon karto khalkhal iyo burbur ku yimaada qaranimada Somaliland oo la arki doono kacdoon iyo suldaano kale oo ku dhawaaqa qaranimo dumis iyo qori qaadasho haddi loo ogolaan waayo sidoo kale codsigooda.
Gabo-gabadii dawlada Somaliland waxa looga fadhiyaa inay si degan oo garasho ku salaysan tahay ku xalliyaan wixii tabasho ah ee ay sheeganayaan beesha jibril yoonis oo ay ka dheeraato inay qaataan go’aano degdega oo ku keeni kara cawaaqib xumo iyo sumcad darro qaranimada oo kolba qofkii dano gaara leh kuna awr kacsanaya beeshiisa sida ninkan baasboorkii kanada jeebka ku sita dadka kelana dagaal u ka dhoofayo galinaya in wax isbadila haba yaraatee dartii loogu samayn nidaamka iyo hanaanka dalku ku dhisan yahay kuna soo dhisnaa tan iyo intii beeshiisu ka talinaysayba.
Waa in Dawladu iyadoo odayaasha sharfaysa ku dhiirataa u sheegida runta oo aany ka gabban inaanu jirin wax saami ah oo gobolka ka maqani oo ay waajibna ku tahay qof kaste oo reer Somalilanda in dhan looga soo wada jeesto xoojinta nabadgalyada iyo wada noolaashaha ay gobolka ku jirto dantiisu oo ay tahay ta u kaga horumaray gobolada barriga ee khaatumo seeg oo koogii ugu waynaa cali galaydh maanta u joogo xamar quudaraynayana in dawlada cusub bal jaguun laga siiyo markuu dadkiisii jiif iyo jog u diiday intii iska garatay mooyaane.

Alla mahadleh
Osman Roble
osmanroble1982@gmail.com