Saaxadii Siyaasada Dalka Oo Dhaafiwayday Wuu Igu Biiray,Waan Ka Biiray,Wuu Igu Biirin,Waan Ka Biirin,iyo Tolow Markay Dadku Wadda Biiraan Yaa Soo Biirin?Yaase Laga Biirin?Cajiib.

0

Yaabaye,Ma Yaabteen? Yaabteen Ma Yaabay?Yaabnaye Mawadda Yaabteen?Eegaye Ma Eegteen?Eegteene Ma Eegay?Eegnaye Mawadda Eegteen?Maqlaye Ma Maqasheen?Maqasheene Ma Maqlay?Maqalnaye Mawadda Maqasheen?Yaa U hadhin Yaa ka hadhin?Yaase u yeedhay? Yaase ka Yeedhay? Bal adba Jawab?
Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan ,oo hadaan alle saamixin,Inana siin Caqli,garsheed aynaan waxba Qori karneen,waxa Akhriyikarneen,Marlabaadkana waxaa ,Aaman ,Mudan-Warbaahinta , Akhristayaasha ,Gaar ahaan Kuwa Qaderiya ,Maamusa,Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.
Intaa ka dib waxaan idinka codsanayaa in bal qof walba isku dayo inuu ii soo sheego waxa uu qoraalkan ka fahmay ,siday ula eekaatay qoraalkan fahankiisu?waxaad ku dari lahayd ,waxaad ku kordhinlahayd ? waxaad ka nusqaaminlahayd? Iyo siday guud ahaan kula tahay iyo inaad jecelaysataytoona ,waanad mahadsantihiin.
Waxaad iigu soo sheegikartaa numberka:0634431347,facebookga mukhtaar nadaara,emailka Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com .
Waxaan Doonayaa inaan Manta ka hadlo iinsha alaah mawduucaa aan xagga hore ku soo sheegay ama aynu ku soo xusnay ,aan sii anba qaadee wadda hadalkaygee adna aad isha sii raaciside niyaddana aad ka jeclaatid hadalkee ,Maanta waxaa Dalkeenii Hooyo ee soomaliland uu ka bixi layahay waxa aad loola yaabo waxa uu qofka muwaadinkaa uu ka gubto malaha waxa yaalahaa qaar badan uumaan nasanoo waaban sheegaye manta waxaan ku Darayaa Qodob aan aad iyo Aad iyo Aad ula yaabay oo xataa Hadaaan Hurdo niyadayda aad ugu soo noq noqda waxa uu yahay qodobka aha “”WAAN KU BIIRAY WAAN KA BIIRAY WAAN KU BIIRIN,, Hadda bal ogaado waxaas waxay u haystaan Siyaasad ta ugu Qaalisan ,ha Ha ilaawine waxa ay ku Qanacsanyihiin Wuu igu biiray,xataa waxaa laga yaabaa inay iyaga Qudhodu dhawaan aynu ka maqalno waan u biiray? Cajiib cajiib aad baan uga xumahay in manta siyaasadii soomalialnd ay marayso Saaxadaa oo ay weliba ku qanacsanyihiin Masuulliyiin badan oo habeenka ay maqlaan Waala lagugu biiray Waxay seexdaan 24saacadood ,Waxay ku Hadlan Hadalo Khalal Geliyaa ,dhalaanka ,iyo Haweenka ,Sacabkana ay u tumaan Kuwa Dabka shida ,Qarafkana ay keenaan Kuwa Intaa ku Qanacsan ,Dabkana ay ku dhejiyaan Kuwa Heelan=( QQ+D+H ) Yanaan Hadlka ku dheeraane waxaan Habeen walba Maqlaa Maalinkasta Ogahay in halkii waxa kale lagu Mashquulilahaa ay dad badani ku mashquulsanyihiin aan Hebelkeeno Ha nagusoo biiree?Waar ileen Yaaban iyo war ma hadhadan Eega ,waar waxaan odhanlahaa bulshadda inta ka bad qabta shantan BBBBB Aynu ugu dhaarano in aanay siyaasadu sidaa ahayn dadka ku jahwareeray Soo biiritaanka ,Oo aynu u Tashano Caruurteena ,Ciyaalkeena ,Haweenkeenaan , oo aynu u sheegno in aanay Guushu ku iman sidan Ee ay ku timaado si sidan ka wayn Kana Hawl yar kana waayo aragsan ? kana Eedaab badan kana Maamus Roon kana Midnimo wacan ,Kana dhib yar kana dheef badan.
Aan Hadalka Saafee –Ujeedkana Guud mare Dhalinta Dareensiiyee Wayeelkana Maciinsiiyee AQoonyahankanaUsarbeebe,AQoonlaa,wahana ku Gantalee,Manta Dalku uma baahna Hebel ka biir Hbel u biir laakiin waxaynu u baahanahay Isbedel dhabaa Oo qofkii is bedel samayn karaya loo baahanyahay inuu yimaado Saaxadda laakiin Looma baahna Qawadda Maqshii waxana Haw Qaban.
Qoraalkaa dheer Intaa ayaan ku joojinaynaa way ii Hadhay Ee lasoco Soco Qaybta Labaad Oo aad u Faah –Faahsan iinsha allah. lasocoQaybta 2aad
Prepared:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)
Burao/Somaliland Mobil:0634431347
Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com