Markii madaxweynuhu xilka u dhiibay wasiir Xuseen Cabdi Ducaale Runtii May jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo wasaaradda Macadanta iyo Biyaha ka socday amma shiidal baadhis ama macaadin ah taaso markaa dadaal weyn uu u galay wasiirka macdatu , sida laga wada warqbana Dalkeenu dal la ictiraafsan yahay maaha ,badidoon iyo ictiraaf raadinta wasiirkan waxaa xil dheeriya iska saaray markaa uu shirir caalmiya ah oo macdanta ama saliida ah ba ka qeyb galo , Talaabada Kowaad ee laga rabaa waa inuu Somaliland u sharaxo ka soo qeyb galaayaasha taaso aduunweynuhuna laga iibinayo waxaynu khayraad iyo hantida cageegta dhulkeena Hoostiisa ifka loogu soo saarayo .
Xaqiiqatan Maanta Dalka Waxaa Jooga Afar shirkadood oo caalmi ah kuwaaso Heshiisyo caalmiyana la galay xukuumada Somaliland taasina kumay iman ciyaar iyo wadooyin fudud waxay ku timi magaca Somaliland oo dunnida la deeqsiiyey islamarkaana laga dhaadhicaayay Madax-banaanida Dalkeena iyadoo Khayraadkeena laynagu haysto oo la leeyahay waxaa laydinka maamula Soomaaliya ayey U Hirgashay wasiirka magaca u soo hooyaya Somaliland guul .
Shirkii u danbeeyay ee Somaliland Lagu maalgashanayey ee ka Qabsoomay Dalka Uk Gaarahaan Caasimada London Wasiir Ducaale waxaa waraysiyo siiyey Warbaahino caalmi ah oo ka mid yahay Telefishanka faaqida horumarka Ganacsiga iyo Tijaaradda ee the Arise Global Business kaaso Bar bilowgiiba Barnaamijka ku furfurtaya Hadaladan “Shirkaddaha shidaalka adduunka ayaa mar kasta raadiya gooba cusub oo ay saliid ka soo saaraan ,kuwaas oo u tartamaya inay shiidaal ka soo saaraan dalka Somaliland oo xuduud la leh Ethopia , dadka ku nool waaxa lagu qiyaasa 3.5 million, Somaliland waxay dawladnimadeedii dib ula soo noqtay 1991-kii oo ka hoos baxday Somalia ,waqti xaadirkan Somaliland waxa dalal badan rabaan inay maal-gashadaan”.
Wariysida Noocaas ah waxay soo jiidasho iyo soo dhaweyn ba kala kulmaan dadyawo farabadan oo dunida dacaldeeda ku nool , oo an wax war ah maqal iyo muquul amaba qoraal ah hore uga Hayen dalkeena kuwaaso ku so dhiirada baadigoobka Buqcadan Barkaysan , Akhristow hadaba qodabaadas aan soo tiriyey waxay maragmadoon u yihiin in wasiir xuseen cabdi ducaale Magacii Somaliland meel mariyey gaadhsiyeyna meel aad u sareeysa , taasina waxay u tahay isaga shaqo tiisa shiidal kolkasta uu garab wado Danjiraha wasiirada Dalkan uu u yahay Ku dayasho .
Horamarka Somaliland waxay u baahantahay dad sidaas oo kale aqoon fiican Waayo aragnimo iyo isfagarad u leh waxay ka shaqeynayaan si ay midha dhal fiican ugu sameeyan shaqadooda .
Suaasha is wadyiinta mudan waxa weeye , Goorma ayey Bulshada Somaliland u bislaan doonta iney meel uga so wada jeestaan Faafinta ,sheegida ,kor-u-qaadida ,Qadiyada Somaliland oo looga fadhiyo yar iyo weyn inuu ka noqdo danjire goorkasta iyo meelkasta?