{"id":9992,"date":"2015-06-02T16:50:07","date_gmt":"2015-06-02T16:50:07","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9992"},"modified":"2015-06-02T16:50:07","modified_gmt":"2015-06-02T16:50:07","slug":"warbixin-xiiso-badan-oo-ka-faalootay-xaaladda-caafimaad-ee-dhanka-maskaxda-ee-ay-ku-sugan-yihiin-shacabka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/06\/02\/warbixin-xiiso-badan-oo-ka-faalootay-xaaladda-caafimaad-ee-dhanka-maskaxda-ee-ay-ku-sugan-yihiin-shacabka-somaliland\/","title":{"rendered":"Warbixin Xiiso Badan Oo Ka Faalootay Xaaladda Caafimaad Ee Dhanka Maskaxda Ee Ay Ku Sugan Yihiin Shacabka Somaliland."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Warbixin dhinaca caafimaadka ah oo la soo saaray, ayaa iftiimisay in xannuunka maskaxdu aad ugu badan yahay dadweynaha ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo warbixintu xustay in shanta qof ee dalka jooga laba ka mid ah dareemayo xaalad caafimaad oo dhinaca maskaxda ah<br \/>\nWarbiintan oo lagu daabacay wargeys arrimaha caafimaadka ka faalooda oo la yidhaah The Lancet, kana soo baxa dalka Ingiriiska, waxa lagu shaaciyey in aanay jirin cid aqoon caafimaad leh oo si buuxda uga hawlgala sidii loola tacaali lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa khataraha caafimaad ee dhinaca maskaxda ah ee hadheeyey dadweynaha reer Somaliland.<\/p>\n<p>dadka-Somaliland<br \/>\nWaxa kaloo warbixinta soo baxday oo qayb ka mid ah wargeyska Jamhuuriya soo qaatay lagu sheegay in aanay hay\u2019adaha caalamiga ah iyo dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu isku hawlin sidii loo raadin lahaa dhaqaale lagu maalgeliyo wax ka qabashada xannuunka dhinaca maskaxda ah ee haleelay inta badan dadweynaha ku dhaqan Somaliland, iyadoo wargeysku iftiimiyey in aannu xannuunka maskaxdu ahayn mid sababay in dadka Somaliland waashaan ama noqdaan qaar xaaladoodu halis tahay, balse sida warbixintu tilmaantay waxa jira xannuuno saamayn fudud ku yeesha maskaxda oo la dareemo inuu hayo dad badan oo reer Somaliland ah.<br \/>\n\u201cInkastoo xasilooni iyo ammaan buuxa ka jiro Somaliland, haddana, waxa weli la sii dareemaya xaaladaha caafimaad ee dhinaca maskaxda ah oo ay ka tageen dagaaladii ka dhacay dalka, iyadoo la ogaaday in shanta qof ee nool Somaliland laba ka mid ah laga helayo degannaansho la\u2019aan dhinaca maskaxda ah (mental health disorder), waxaana muuqata in aanay jirin cid weli u dhaqaaqday inay wax ka qabato xaaladahaas caafimaad ee dhinaca maskaxda ah, sababtoo ah qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah waxa qudha oo ay lacag ku bixiyaan ama taageeraan xaaladaha gargaarka degdeg ah oo qudha.\u201d Ayaa lagu yidhi warbixintan oo lagu falanqeeyey dhinacyo badan oo caafimaadka Somaliland la xidhiidha, balse wargeyska Jamhuuriya ka soo qaatay qaybta khusaysay xannuunka dhinaca maskaxda oo qudha, isla markaana qaybaha kale aannu ku soo gudbin doono caddadyada dambe ee wargeyska haddii Ilaahay yidhaah.<br \/>\nHaweenay la yidhaah Susannah Whitwell oo ka tirsan cusbitaalka King\u2019s College iyo weliba sanduuqa la yidhaah Tropical Health &amp; Education Trust Somaliland Partnership (KTSP) oo la shaqeeya kulliyadaha dhinaca caafimaadka ee Jaamacaddaha Somaliland, ayaa wargeyska The Lancet ee warbixintan diyaariyey u sheegtay in dadku inta badan qarsadaan xannuunka maskaxda, taasina ay sababtay halis ah in khatarta xannuunkaasi sare u kacdo.<br \/>\n\u201cMa jiro cid qudha oo u dooda ama u dhaqdhaqaaqda daryeelka xannuunka dhinaca maskaxda oo hadda heerkiisu sareeyo, waxaanna jirta in dadku inta badan ka xishoodaan inay sheegtaan xannuunkan ama iska baadhaanba, sidaas darteed way adag tahay in dadka la daweeyo,\u201d ayey tidhi Susannah Whitwell oo shaqadeedu tahay inay ka talo-bixiso xaaladaha caafimaad ee dhinaca maskaxda, waxayna intaas ku dartay; \u201cxaaladaha caafimaad ee dhinaca maskaxdu waxay saamayn ku yeesheen hal qoys oo ka mid ah shantii qoys ee ku nool Hargeysa, iyadoo 70% dadka xannuunka dhimirka ka cawda la silsiladeeyo.\u201d<br \/>\nWarbixinta uu baahiyey wargeyska arrimaha caafimaadka ka faalooda ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale lagu sheegay in isticmaalka jaadka ama qaadka iyo balwadiisu yihiin waxyaabaha ugu badan ee sababab, isla markaana sare u qaada heerka xannuunka maskaxda, iyadoo ragga ku nool Somaliland intooda badan cunaan qaadka ama jaadka.<br \/>\nHay\u2019adda caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in qaadku yahay badeecad ganacsi oo meel kasta mara, isla markaana dhawr jeer maalintii soo gala degaannada Somaliland, iyadoo hay\u2019adaasi xustay in jaadku yahay shay aan meelna ku joogsan oo si isku mid ah u gaadha goobaha ammaankood fiican yahay iyo meelaha colaaduhu ka jiraanba, taasoo sababtay in dadku si dhib yar u heli karaan isticmaalkiisa.<br \/>\nDrs. Susannah Whitwell oo ka tirsan cusbitaalka King\u2019s College, ayaa sheegtay in muddo ka wadeen Somaliland sidii looga taageeri lahaa dhinaca caafimaadka iyo manhajka jaamacadahaba si loo helo dad aqoon u leh dhinaca caafimaadka oo olole ka gala daryeelka iyo daaweynta dadka qaba xannuunka dhimirka.<br \/>\n\u201cWaxa ka jira Somaliland in aan la haysan dad bartay caafimaadka oo si gaar ah ugu takhasusa cudurada dhimirka ama sidoo kale maba jiraal kalkaaliyeyaal caafimaad oo arrintaas wax ka bartay, sidoo kale waxa aan la haysan khubaro aqoon u leh cilmi-nafsiga iyo weliba daryeelka dadka la nool xannuunka dhimirka,\u201d ayey tidhi Drs. Susannah.<\/p>\n<p>Source: Jamhuuriya<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Warbixin dhinaca caafimaadka ah oo la soo saaray, ayaa iftiimisay in xannuunka maskaxdu aad ugu badan yahay dadweynaha ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo warbixintu xustay in shanta qof ee dalka jooga laba ka mid ah dareemayo xaalad caafimaad oo dhinaca maskaxda ah Warbiintan oo lagu daabacay wargeys arrimaha caafimaadka ka faalooda oo la yidhaah The [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9993,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-9992","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Ba","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9992","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9992"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9992\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}