{"id":9814,"date":"2015-05-30T13:03:10","date_gmt":"2015-05-30T13:03:10","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9814"},"modified":"2015-05-30T13:03:10","modified_gmt":"2015-05-30T13:03:10","slug":"xukuumada-sland-oo-fasaxday-qaxootiga-dalka-somaliya-ee-ka-sooqaxay-dalka-yamen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/05\/30\/xukuumada-sland-oo-fasaxday-qaxootiga-dalka-somaliya-ee-ka-sooqaxay-dalka-yamen\/","title":{"rendered":"Xukuumada S\/land oo fasaxday Qaxootiga dalka Somaliya ee ka sooqaxay dalka Yamen"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ku dhawaaqay in dib\u00a0 loo fasaxay qaxoontiga u dhashay koonfurta Somalia kadib markii dhawaan xukumaddu mamnuucday qaxoontiga koonfurta u dhashay ee Somaliland soo gaadhaya.waxa uu sheegay in hadda laga bilaabo ay sidii caadiga ahayd u iman doonaan doonyaha iyo maraakiibta sida qaxoontiga Somalia.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha gudaha oo ay weheliyaan wasiiro kale ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inaan Somaliland qaabili doonin dadka u dhashay koonfurta Somalia ee ka soo cararaya dagaalka yemen. Waxa uu sheegay in hay\u2019addaha ku shaqada leh qaxoontiga iyo wadamada caalamku diideen inay taakuleeyaan dadka islamarkaana Somaliland aanay u taag hayn.<a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/05\/dbh.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-9815\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/05\/dbh.jpg?resize=696%2C370\" alt=\"dbh\" width=\"696\" height=\"370\" \/><\/a><\/p>\n<p>Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran Cade ayaa sheegay inay hadda fasaxeen qoxoontiga Somalida ah ee ka soo cararay dagaalada Yemen\u201csiddii aad la socoteen hore waxa aanu u sheegnay inaanu hakinay imaashaha dadka Somalida ah ee ka soo cararay dagaalada Yemen ,laba sababoodba waa loo hakiyay,xagga amniga oo loo baahday inaanu isla kaashano caalamka.Ta labaadna waa inaanay haayada qoxoontigu\u00a0 wax\u00a0 kaalmo ah ka gaysan dadkaasi ,hadda waxa aanu wada kulanay haayadihii caalamiga ah ee ku shaqadda lahaa,siddii loo maarayn lahaa dadkaa masaakiinta ah ee yemen ka imanaya dalkoodiina loo gaadhsiin lahaa,in wixii kharashaad ah ee dalkoodii gaadhsiinaya ay bixiyaan hayadaha qoxoontiga iyo waliba dadka reer Somaliland ee gacan ka gaysan karaya ay ka gaystaan\u201dayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade.<\/p>\n<p>Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade waxa uu sheegay in dhaqaalihii loogu talo galay qoxoontiga Somaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada Yemen Somaliya oo lagu soo hagaajiyay ay musuqmaasuqday\u201cwaxa aan doonayaa inaan umadda u sheego in qaramada midoobay ay lacag ku bixisay siddii dadkaa loo daad guran lahaa ee dhulkooda loo gayn lahaa,lacagtaa waxa loo dhiibay\u00a0 dawlada Xamar,dawladaasi way musuq maasuqday ,taasina waxa aanu u aragnaa masuuliyad darro ay sameeyeen dadka Reer Somaliya\u201dayu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiir Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in hay\u2019adda qaxoontiga aduunka ee UNHCR iyo Hay\u2019adda socdaalka dunidu soo gaadhsiiyeen qoraalo rasmi ah\u00a0 oo ay ku balan qaadeen inay dadkaasi taakulaynayaan islamarkaana kafaalo qaadayaan inay gaadhsiiyaan degaanada koonfureed ee ay u dhasheen.<\/p>\n<p>\u201cqoraal rasmi ah oo ayaa nooga yimid hayada qoxoontiga caalamiga ah UNCHR \u00a0iyo socdaalka aduunka IOM oo ay noogu sheegayaan inay wax nagala qabanayaan isla markaan dadkaasi ku taakulaynayaan\u201dayuu yidhi wasiirka dib u dajinta Somaliland Md Cali Siciid Raygal.<\/p>\n<p>Wasiirka dib u dajinta Somaliland Md Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay inay dawlada muqdisho siyaasadaysay dadka qoxoontiga ah ee ka soo qaxaya dagaalada Yemen\u201cDadka reer Somaliya ayaanay siyaasadaynin qoxoontiga\u201d<\/p>\n<p>Xukumadda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaxoonti Soomaali ah oo loo diiday inay soo galaan dekedda Berbera muddo kooban. Muuqaal laga duubay dadkaasi ayaa muujinayay arxan darro kadib markii hooyooyin caruur wataa ku muusanaabeen inay badda isku tuurayaan haddii aan la dejin, waxaana arrintaasi ka soo horjeestay shacabka Somaliland oo khibrad u leh dhibaatada qaxoontiga<\/p>\n<p><strong>Hay\u2019adda UNHCR oo Xukuumadda Somaliland ku dhaliishay hakinta qoxoontiga<\/strong><\/p>\n<p>Hay\u2019adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa jawaab ka bixisay go\u2019aan dawladda Somaliland ku mamnuucday inay qaabisho, isla markaana qaxooti cusub ka soo degaan dekadaha dalkeeda, go\u2019aankaas oo la sheegay inuu dhaqan-galay 25 May , 2015.<\/p>\n<p>Sida lagu faafiyey wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency, hay\u2019adda UNHCR ayaa nasiib-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaantay go\u2019aanka Somaliland ku joojiyey inay qaabisho qaxooti cusub oo soo qaxa dhinaca Yemen.\u201cNabadgelyo iyo deganaansho buuxda ayaa ka jirta Somaliland, iyadoo la rajaynayo in qaxooti badan oo kale gaadhaan dekedda Berbera, laakiin go\u2019aanka ay qaadatay Somaliland ayaa ah mid laga qoomamoodo, annaga oo rajaynaya in Hargeysa dib uga noqoto go\u2019aankaas.\u201d Sidaa waxa wakaaladda wararka Turkiga u sheegay sarkaal la yidhaa Cismaan Cali oo ka mid ah masuuliyiinta UNHCR ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Somaliya oo Joojinta qoxoontiga ku cambaaraysay Somaliland<\/strong><\/p>\n<p>Wasiir arimaha dibada Cabdisalaan Hadliye oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in sharciga adduunka aanu qabin in dadka baahida qaba ama qaxootiga Soomaaliyeed la celiyo ama is hor-taag lagu sameeyo\u201cAniga ma fahmin waxa laga damacsan yahay, waayo sharciga adduunka u dhigan in dadka baahida qaba ama qaxootiga in la celiyo wax sax ah ma ahan, dadka soo noqonaya waa qaxooti Soomaaliyeed oo dalkooda ku soo laabanaya, hadii ay ahaan laheyd Berbera, Lughaya, Seylac, Boosaaso, Hobyo, Muqdisho iyo Kismaayo\u201dayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ku dhawaaqay in dib\u00a0 loo fasaxay qaxoontiga u dhashay koonfurta Somalia kadib markii dhawaan xukumaddu mamnuucday qaxoontiga koonfurta u dhashay ee Somaliland soo gaadhaya.waxa uu sheegay in hadda laga bilaabo ay sidii caadiga ahayd u iman doonaan doonyaha iyo maraakiibta sida qaxoontiga Somalia. &nbsp; Wasiirka arrimaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9815,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-9814","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2yi","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9814","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9814"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9814\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9814"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9814"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9814"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}