{"id":9810,"date":"2015-05-30T12:40:10","date_gmt":"2015-05-30T12:40:10","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9810"},"modified":"2015-05-30T12:40:10","modified_gmt":"2015-05-30T12:40:10","slug":"golaha-guurtida-sland-oo-mar-labaad-sheegay-in-ay-ku-adkaysanayaan-goaankii-hore-uga-gaadhen-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/05\/30\/golaha-guurtida-sland-oo-mar-labaad-sheegay-in-ay-ku-adkaysanayaan-goaankii-hore-uga-gaadhen-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Golaha Guurtida S\/land oo mar labaad sheegay in ay ku adkaysanayaan Goaankii hore uga gaadhen doorashooyinka"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay xaruntooda ku yeesheen galinkii hore ee sabtida maanta waxay ku sii adkeeyeen go\u2019aankooda ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweyne Siilaanyo, kuxigeenkiisa iyo wakiilada, iyagoo deedafeeyay heshiiska Asxaabta qaranka iyo Xukumadda.<\/p>\n<p>Golaha ayaa sheegay in go\u2019aankoodu yahay mid sharci ah kana mid ah shuruucda qaranka, waxaanay diideen heshiiska saddexda xisbi qaran iyo xukumadda ee jidaynaya in mudada guurtidu kordhisay laga noqdo doorashadana la qabto badhtamaha December 2016-ka halka guurtidu u astaysay doorashada March 2017-ka.\u2019warbaahinta Tooshnews.net ayaa lagu daabacay\u2019<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Guurtida Somaliland ayaa heshiiska Asxaabta iyo Xukumadda Siilaanyo uga warbixiyay mudaneyaasha waxaanu yidhi \u201cMadaxweynuhu habeen hore aniga iyo xoghayaha golaha guurtida wuu noo yeedhay, waxaanu\u00a0 Madaxweynuhu nagu yidhi \u201cAsxaabtu waxay soo jeediyeen in doorashada la qabto December 2016-ka, aniguna\u00a0 Madaxweyne ahaan waxba kama qabo in wakhtigaasi la qabto doorashada, sidaas darteed waa inaad go\u2019aankiinii waafajisaan wakhtigan lagu heshiiyay\u201dayuu yidhi guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.<\/p>\n<p>Waxaanu intaasi ku daray\u201cSidoo kale\u00a0 gudoomiyeyaasha saddexda Xisbi iyo Madaxeyne xigeenka waanu la kulanay waanan dhegaysanay, waxay noo sheegeen inay go\u2019aan ku gaadheen in doorashada la qabto December 2016\u201d.gudoomiyaha guurtida<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo mudaneyaasha la hadlayaa waxa uu sheegay in dalabkaasi kaga yimid Saddexda Xisbi qaran, Madaxeyne xigeenka iyo Madaxweynaha uu kaga jawaabay inaan go\u2019aanka guurtidu ahayn mid laga noqonayo inay heshiiyaana ay haboonayd intii aan guurtidu samayn go\u2019aanka muddo kordhinta\u201cMaanta go\u2019aankii guurtidu wuu dhacay, Shuruucda qarankaanu ka mid yahay. Waxaan saxaafadda ka maqlayay saxeexii madaxweynahaa u hadhay, waar uma hadhin oo Madaxweynuhu ma saxeexo go\u2019aan gole guurti ee mashruuc sharci oo saddexda goleba soo maray ayuu saxeexaa. \u201cAyuu yidhi guddoomiye Saleebaan M.Aadan.<\/p>\n<p>Waxaanu intaasi ku daray \u201cKani waxa weeye go\u2019aan guurti oo dastuurku siiyay. Arrintani waxay ahayd intii aanu goluhu go\u2019aanka ka gaadhin muddo kordhinta, Saddexdiina Xisbiba waynu is aragnay oo waad is khilaafteen. Go\u2019aanka guurtida waanu faafinay oo maanta shuruucda qaranka ayuu ka mid yahay. Maanta waxaan idiin sheegaya in iyaguna go\u2019aankooda iska gaadheen inaguna jawaabta aynu siinay tahay Guurtida go\u2019aankeedii baa sharci ah, halkaas bay inoo joogtaa\u201d ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan<\/p>\n<p>Mudane Saleebaan, waxa uu Mudaneyaasha guurtidu u sheegay in la isku dayi doono in la kala xado la iskuna dayo in laga dhaadhiciyo heshiiska Xukumadda iyo asxaabta balse aanay arrintaasi dheg u dhigin islamarkaana isku duubnaadaan \u201cWaxaan ogahay in la idin kala xadayo, in la idinku soo noqonayo ayaan ogahay, golaha waxaan jeclahay inaan xasuusiyo in goluhu mid yahay, goluhu wuxuu aaraa kala leeyahay oo nin walba u madax banaan yahay fikirkiisa inta doodi socoto Mar haddii go\u2019aan la qaato kii ka aamusay,kii diiday iyo kii ogolaaday intuba way u hogaansamayaan, Sidaas baynu gole ku nahay, ayuu yidhi Gudoomiyaha guurtidu.<\/p>\n<p>Waxa uu digniin u diray mudaneyaasha saxaafadda ka sheegay inay taageersan yihiin heshiiska Asxaabta, isagoo sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono \u201cWaxaan maqlayaa xildhibaano warbaahinta ka leh go\u2019aanka guurtida waa lagu degdegay, wixii sharci u dhigay ayaa kuwaasna laga yeeli,\u201dayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.<\/p>\n<p>Golaha ayaa sacab ku soo dhaweeyay hadalka iyo mawqifka Gudoomiye Saleebaan iska taagay heshiiska Asxaabta ee lagu afjaray murankii ka dhashay muddo kordhinta guurtidu samaysay<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhi ay xaruntooda ku yeesheen galinkii hore ee sabtida maanta waxay ku sii adkeeyeen go\u2019aankooda ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweyne Siilaanyo, kuxigeenkiisa iyo wakiilada, iyagoo deedafeeyay heshiiska Asxaabta qaranka iyo Xukumadda. Golaha ayaa sheegay in go\u2019aankoodu yahay mid sharci ah kana mid ah shuruucda qaranka, waxaanay diideen heshiiska saddexda xisbi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2746,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-9810","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2ye","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9810","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9810"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9810\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9810"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9810"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9810"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}