{"id":9549,"date":"2015-05-21T14:53:33","date_gmt":"2015-05-21T14:53:33","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9549"},"modified":"2015-05-21T14:53:33","modified_gmt":"2015-05-21T14:53:33","slug":"madixii-sirdoonka-al-shabab-zakariye-ismaaciil-oo-waraysi-kaga-hadlay-ku-biiridii-iyo-goosashadii","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/05\/21\/madixii-sirdoonka-al-shabab-zakariye-ismaaciil-oo-waraysi-kaga-hadlay-ku-biiridii-iyo-goosashadii\/","title":{"rendered":"Madixii Sirdoonka Al Shabab Zakariye Ismaaciil oo Waraysi Kaga Hadlay ku biiridii iyo goosashadii."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN)-Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wariyaha BBC-da ee arrimaha Afrika Andrew Harding kaga hadlay sababtii uu Al-Shabaab uga soo goostay, xaalada noloshiisa iyo mustaqbalka waxa uu jecel yahay.<!--more--><\/p>\n<p>Mr Zakariya ayaa muddo saddex bilood ka badan ku nool dhismo aad loo ilaaliyo oo ay gacanta ku heyso Hey\u2019adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, waa markii u horeysay oo uu suxufi ajnabi ah uu la fadhiisto, tan iyo markii uu soo goostay.<\/p>\n<p>Zakariye oo 33-jir ah ayaa ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2007-dii, waxaa uu xusay in ujeedadii hore ugu biiray Al-Shabaab ay aheyd in Soomaaliya la xoreeyo, xilligaasoo ay ku soo duuleen wadamo ka tirsan kuwa deriska.\u201cWaqtiyadii bilowga ujeedada waxay aheyd in Soomaaliya la xoreeyo oo wadamada Gobolka ay soo fara geliyeen, in wadanka la bad baadiyo, mar kale dib loo dhiso, laakiin dhabihii ayaa la qalday\u201dayuu yidhi Zakariye oo ka jawaabayay su\u2019aal aheyd sababtii uu Al-Shabaab ugu \u00a0biiray<\/p>\n<p>Zakariye oo si wanaagsan luqada English-ka uga hadlayay, isla markaana horay Jaamacad ku taal Pakistan uga soo qalin jebiyay ayaa sheegay in markii uu dalka ku soo laabanayay ujeedadiisa ay aheyd inuu guursado oo uu mustaqbal wanaagsan sameysto.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mar la weydiiyay in sababtii Al-Shabaab uga soo goostay ay aheyd markii uu ku guuldareystay dagaalka xaga awooda ee Al-Shabaab, ayuu ku tilmaamay mid aan sax aheyn\u201cTaasi ma ahan wax sax ah, awood aan lumiyay ma jirto, marka ka soo tagayay awoodeyda jago ayaa sareysay, go\u2019aankeyga ayaan qaatay\u201dayuu yidhi Zakariye oo iska fogeeyay inuu wax ka ogaa weerarkii Westgate ee Al-Shabaab ku qaaday bishii September 2013, hase ahaatee uu isaga Shabaab ka baxay June 2013.<\/p>\n<p>Zakariye ayaa sheegay inuu xubin ka noqday qeybta Sirdoonka milateriga Al-Shabaab sanadkii 2010, balse waxaa uu diiday inuu xubin ka ahaa qeybta Amniyad ee qorsheysa weerarada is qarxinta.<\/p>\n<p>Waxaa uu xusay in hogaankii hore Al-Shabaab uunu wax wada hadal ah la gelin hogaamiyeyaashii kale, isla markaana ay dhacday qaar ka mid ah saaxibadiisa la dilo, kuwo kalena la xidho oo ilaa iyo haatan xabsi ku jira.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay isku dayayaan inay isaga dilaan, isla markaana ay haatan ugu yeedhayaan MURTAD, sida uu yidhi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mar la weydiiyay waxa uu qabto ayuu sheegay in buugaagta uu akhriyo, taleefanada uu isticmaalo, isla markaana uu leeyahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu u arko weerarkii Jaamacada Gaarisa ee Al-Shabaab ku qaaday bishii April, waxaa uu xusay inuu aad uga naxay weerarkaas.\u201cRuntii aad ayaan uga naxay arrin sax ah ma aheyn, arday dhalinyaro jaamacad dhiganeysay, anigaba aan iska soo qaado marka jaamacada dhiganayay, waa weerar aan raad ku laheyn Islaamka, aad ayaana uga xumahay\u201dayuu yidhi Zakariye.<\/p>\n<p>Wariyaha wareysanayay ayaa sheegay in Zakariye aad loo dhaqaaleeyo, dowladdana ay si wanaagsan ula dhaqantay, waxaana uu Zakariye qudhiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhoweeyay oo loola dhaqmay.<\/p>\n<p>Xukuumadda Soomaaliya ayaa dooneysa inay Zakariye u adeegsato sidii saaxibadiisii hore ugu tartarsiin lahaa inay ku soo biiraan dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn mar la weydiiyay qorshihiisa siyaasada oo ah Zakariya oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab inuu Xildhibaan noqonayo, ayuu aad u dhoola cadeeyay, kuna yidhi wariyaha \u201cJagadu muhiim ma aha ee waxaa muhiim ah inaad dalka bad baadiso\u201d<\/p>\n<p>Xigasho BBC<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN)-Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wariyaha BBC-da ee arrimaha Afrika Andrew Harding kaga hadlay sababtii uu Al-Shabaab uga soo goostay, xaalada noloshiisa iyo mustaqbalka waxa uu jecel yahay.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9550,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-9549","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2u1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9549","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9549"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9549\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9549"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9549"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9549"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}