{"id":9238,"date":"2015-05-08T16:49:13","date_gmt":"2015-05-08T16:49:13","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9238"},"modified":"2015-05-08T16:49:13","modified_gmt":"2015-05-08T16:49:13","slug":"san-francisco-guddoomiyaha-guddiga-xuquuqal-iinsaanka-geeska-afrika-oo-caawa-guddoomay-abaal-marin-caalami-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/05\/08\/san-francisco-guddoomiyaha-guddiga-xuquuqal-iinsaanka-geeska-afrika-oo-caawa-guddoomay-abaal-marin-caalami-ah\/","title":{"rendered":"San Francisco: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal-iinsaanka Geeska Afrika oo Caawa Guddoomay Abaal-marin Caalami ah."},"content":{"rendered":"<p><strong>Afhayeenka Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo Noqday Qofkii ugu horreeyey Qaaradda Afrika ee Abaalmarintan la guddoonsiiyo<\/strong><\/p>\n<p>San Francisco (AN)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa caawa lagu guddoonsiiyey magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award oo sannad kasta la guddoonsiiyo shakhsiyaadka iyo Ururrada juhdiga galiya u dagaalanka Xuquuqda bani\u2019aadamka iyo Cadaaladda.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-38866\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/slp\/wp-content\/uploads\/2015\/05\/suleiman-ismail-bulaleh.jpg?resize=600%2C772\" alt=\"suleiman-ismail-bulaleh\" width=\"600\" height=\"772\" \/>Munaasibadda loo qabtay guddoonsiinta Abaalmarinaha oo noqonaysa tii 17aad oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cadaaladda iyo Ku-ilaalinteeda (CJA) oo fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxa sannadkan nasiib u helay guddoomista abaalmarinaha Qaalliga ah hay\u2019ad u dhaq-dhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha iyo Saddex qof uu ku jiro Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo 20-kii sanno ee u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha xuquuqda Aadamaha iyo dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland iyo Geeska Afrikaba.<\/p>\n<p>Munaasibadda loo qabtay Abaalmarinaha ay bixinayso Xarunta CJA, waxa ka qayb-galay boqolaal qof oo isaga kala tagay Dunida dacalladeeda, kuwaas oo isugu jira daneeyayaasha Cadaaladda iyo ilaalinta Xuquuqal-Iinsaanka.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\" wp-image-38868\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/slp\/wp-content\/uploads\/2015\/05\/QAQA.jpg?resize=427%2C320\" alt=\"Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday HRW \" width=\"427\" height=\"320\" \/><\/p>\n<p>Saleebaan Ismaaciil Bullaale ayaa noqonaya Qofka kaliya ee qaaradda Afrika u dhashay ee la guddoonsiiyo\u00a0 abaalmarinta Judith Lee Stronach oo loogu magac-daray haweenay u dhaq-dhaqaaqi jiray xuquuqda Aadamaha isla markaana ahayd aasaasihii Xarunta CJA, taas oo geeriyootay sannadkii 2002-dii.<\/p>\n<div class=\"ezAdsense adsense adsense-midtext\"><\/div>\n<p>Bixinta Abaalmarintan oo la bilaabay sannadkii 2007-dii waxa hore ugu guulaystay todoba isugu jira shakhsiyaad iyo Ururro u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Aadamaha iyo Cadaaladda, kuwaas oo u kala dhashay waddamada Maraykanka, Haiti, Guatamela iyo Peru.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\" wp-image-38867\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/slp\/wp-content\/uploads\/2015\/05\/RER.jpg?resize=563%2C423\" alt=\"Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday AMESTY International\" width=\"563\" height=\"423\" \/><\/p>\n<p>Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa ah shakhsiyaadka faro-ku-tiriska ah ee labaatankii sanno u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha ilaalinta xuquuqda bani\u2019aadamka iyo dadka laga tirada badan yahay, isaga oo sidoo kale si toos ah uga hadli jiray musuq-maasuqa iyo wax-is-dabamarinta ka jira hay\u2019adaha dowladda iyo kuwa gar-gaarka.<\/p>\n<p>Xarunta CJA, ayaa ujeedaddii loo abuuray ahayd in sharciga la horgeeyo shakhsiyaadka iyo ururrada lagu helo dambi ka dhan\u00a0 ah ku-tumashada Xuquuqda Bani\u2019aadamka, waxaana aasaasay\u00a0 Haweenay la odhan jiray Judith Lee Stronach oo sannad kasta magaceeda lagu bixiyo abaalmarinta shakhsiga ugu mudan ee wakhtigiisa siiyey u-doodista Xuquuqda bani\u2019aadamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afhayeenka Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo Noqday Qofkii ugu horreeyey Qaaradda Afrika ee Abaalmarintan la guddoonsiiyo San Francisco (AN)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa caawa lagu guddoonsiiyey magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9239,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-9238","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2p0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9238","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9238"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9238\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9238"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9238"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9238"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}