{"id":9233,"date":"2015-05-08T15:54:54","date_gmt":"2015-05-08T15:54:54","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9233"},"modified":"2015-05-08T15:54:54","modified_gmt":"2015-05-08T15:54:54","slug":"aqoonsiga-nooca-faaliga-qofka-ku-dhacay-waxay-fududaysaa-helitaanka-daawaynta-q2aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/05\/08\/aqoonsiga-nooca-faaliga-qofka-ku-dhacay-waxay-fududaysaa-helitaanka-daawaynta-q2aad\/","title":{"rendered":"AQOONSIGA NOOCA FAALIGA QOFKA KU DHACAY WAXAY FUDUDAYSAA HELITAANKA DAAWAYNTA.Q2aad"},"content":{"rendered":"<p>Aqoonsashada nooca faaliga qofka ku dhacay\u00a0 waxay fududaysaa helitaanka daawayn dagdag ah. Haddaba isagoo faalig oo dhamiba uu ku dhaco maskaxda haddana waxaa noocyo kala duwan<!--more--><br \/>\n1.|HEMORRHAGIC STROKE<br \/>\nHemorhagic stroke wuxuu dhacaa marka xidid dhiig oo maskaxda dhexdiisa ahi uu qarxo ama xidido daciifa oo maskaxda ahi ay liigaan, kadib uu dhiig ku daato maskaxda dhexdeeda iyo hareereheeda. dhiigaas ku daatay maskaxda dhexdeeda\/hareereheedu wuxuu sameeya barar\u00a0 iyo cadaadis waxyeeleeya nudayaasha iyo unugyada maskaxda waxyaabo badan ayaa sababi kara oo ay ugu mudan yihiib dhiig karka oo xididada ka dhiga daciif\u00a0 iyo dada qofka oo waynaata.<br \/>\nFaaliga noocan ah waxaa loo sii qaybiyaa laba nooc<br \/>\nINTRACEREBRAL HEMORRHAGE<br \/>\nWaa marka xidid dhiig oo maskaxda dhexdiisa ahi uu qarxo ka dib uu dhiig umuuso nudayaasha maskaxda ku xeeran Dhiigaas oo keena in unugyadii maskaxdu ay dhintaan. waaxdaas maskaxduna ay joojiso shaqadii ay haysay. dhiig karka ayaa ugu badan waxa sababa noocan.<\/p>\n<p>SUBARACHNOID HEMORRHAGE<br \/>\nFaaliga noocan ahi wuxuu yimadaa marka uu dhiig ku furmo inta u dhaxaysa maskaxda iyo nudayaasha ku xeeran maskaxda. faaliga noocan ah waxaa keeni kara waxa loo yaqaano ANEURISM-oo hadaynu si kooban u sharaxno noqonaya gidaarada xididada oo yeesha meelo daciifa oo\u00a0 uuu dhiigu ka soo gudbo.<\/p>\n<p>2) ISCHEMIC STROKE<br \/>\nIschemic stroke waa nooca ugu badan faaliga. Faaliga noocan ahi wuxuu\u00a0 imaada marka xidid halbawle ah oo maskaxda ku yaalaa uu xidhmo amaba awdmo, Ischemic stroke waxaa loo sii qaybiyaa laba qaybood.<br \/>\na) EMBOLIC STROKE<br \/>\nWaa marka xinjir dhiiga oo ku samaysantay wadnaha dhexdiisa amaba halbawle dhiig ay tagto ama gaadho maskaxda. xinjirtaas oo markay maskaxda gaadho xidha xidid halbawle oo maskaxda dhexdeeda ah+_ halkaas oo uu ka abuurmo faalig.<br \/>\nb)THROMBOLIC STROKE<br \/>\nWuxuu dhacaa marka xinjir ay ku samaysanto halbawle dhiiga geeya maskaxda xinjirtaas oo xanibta qulqulkii dhiiga ka dibna sababta faaalig. Faaliga noocan ah waxaa lagu arkaa dadka subaga leh.<br \/>\n3)TRANSIENT\u00a0 ISCHEMIC ATTACK (TIA)<br \/>\nMarka halbawle dhiig oo maskaxda ahi ama mid ku socda maskaxdu uu uu awdmo muddo kooban,qulqulkii dhiiga ee waaxdaasi\u00a0 hoos ayuu udhacaa amaba wuu istaagaa. Halkaana waxa ka dhasha nooca faaliga loo yaqaan TRANSIENT ISCHEMIC ATTACK(TIA), sidoo alana loo yaqaan faaliga yar..<br \/>\nastaamaha TIA waxaa ka mida<br \/>\nhadalka oo kugu adkaada<br \/>\nindhaha oo waxba ka arki waydo<br \/>\nsocodka oo uu qofku kari waayo.<br \/>\nMarka uu TIA uu dhaco halbawlihii xidhmay dib ayuu u furmaa ama wada cusub ayaa furanta kadibna qulqulkii dhiigu sidiisii ayuu ku soo noqdaa, Waa sababta ay astaamaha TIA lagu garto ay muddo kooban ujiraan.<br \/>\nTIA waa astaan muujinaysa inuu faalig wayni kugu soo socdo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxa diyaariyey\u00a0 Aqoonyahan Axmed Maxamed Ciidle<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Aqoonsashada nooca faaliga qofka ku dhacay\u00a0 waxay fududaysaa helitaanka daawayn dagdag ah. Haddaba isagoo faalig oo dhamiba uu ku dhaco maskaxda haddana waxaa noocyo kala duwan<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8983,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,10],"tags":[],"class_list":["post-9233","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2oV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9233","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9233"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9233\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9233"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9233"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9233"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}