{"id":9156,"date":"2015-05-03T12:48:14","date_gmt":"2015-05-03T12:48:14","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=9156"},"modified":"2015-05-03T12:48:14","modified_gmt":"2015-05-03T12:48:14","slug":"wasiirka-khaarajiga-somaliland-oo-sharraxay-qaabka-somaliland-uga-qaybqaadan-karto-xallinta-baahiyaha-caalamka-haddii-aqoonsi-buuxa-la-siiyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/05\/03\/wasiirka-khaarajiga-somaliland-oo-sharraxay-qaabka-somaliland-uga-qaybqaadan-karto-xallinta-baahiyaha-caalamka-haddii-aqoonsi-buuxa-la-siiyo\/","title":{"rendered":"Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo sharraxay qaabka Somaliland uga qaybqaadan karto xallinta baahiyaha caalamka haddii aqoonsi buuxa la siiyo."},"content":{"rendered":"<p>Waraysi; Wasiir Maxamed Biixi Yoonis<\/p>\n<p>Hargeysa (AN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa caddeeyey inay dawlad ahaan door weyn ka qaadan karaan ammaanka adduunka haddii ay aqoonsi buuxa ka helaan beesha caalamka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi siiyey telefishanka NRK TV ee laga leeyahay dalka Norway, waxa uu tilmaamay in Somaliland buuxisay dhammaanba shuruudaha dawladnimo ee looga baahan yahay dalkasta oo aqoonsi raadinaya, isagoo xusay inay xilligan si fiican xidhiidh ula leeyahay beesha caalamka, una wada shaqeeyaan sidii dal la aqoonsan yahay oo kale.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo la weydiiyey su\u2019aal ahayd; \u2018Waa maxay sababta ay muhiimka idiinku tahay in aad aqoonsi ka heshaan beesha caalamka? Waxa uu ku jawaabay; \u201cAad ayey muhiim noogu tahay in aannu aqoonsi ka heli beesha caalamka, sida aad ogtahayna dalka Somaliland waxa uu ahaa waddan madaxbannaan oo hore u jiray (26 June 1960), iyadoo aannu madaxbannaani ka qaadanay Boqortooyadda UK, annagoo markiiba si mutadawacnimo ah ugu biirnay Soomaaliya oo dariskayaga ahayd.\u201d<\/p>\n<p>Waxa kaloo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis sheegay in Somaliland muddo 24 sanno ah haysatay madaxbannaani buuxda, isla markaana ay buuxisay shuruudaha dal lagu aqoonsan karo, isla markaana haddii ay aqoonsi buuxda ka hesho beesha caalamka ay heli doonto fursado badan oo dhinaca maalgashiga iyo ka faa\u2019iidaysiga khayraadka dalka ah.<\/p>\n<p>\u201cHadda waxa aannu ka mid nahay beesha caalamka oo si dawladnimo ah aannu u wada dhaqano, waxa aannu helnaa fursado aannu uga qaybgalno fagaarasha caalamka ee siyaaddaha adduunka laga hayo, haddii ay yihiin Qarammada Midoobay, Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD, waxaanan aamisan nahay in aannu wax badan ku kordhin karo, kuna caawin karto adduunka haddii aannu helno aqoonsi buuxa, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, la-dagaalanka budhcad-badeeda, argagixisada, markaa haddii aannu helno aqoonsi buuxa waxa aannu aaminsanahay in aannu door wax-ku-ool ah ka qaadan karno caalamka,\u201d ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis, isagoo intaas ku daray; \u201cTaasina waa sababta aan u wareegayo dalal badan oo caalamka oo aan ka dhaadhicinayo, kana iibinayo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo in ay Somaliland u baahan tahay inay aqoonsi caalami ah ka hesho adduunka, iyadoo la gaadhay waqtigii aannu ictiraaf ka heli lahayn beesha caalamka.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirka Khaarajiga oo la weydiiyey su\u2019aal ahayd inuu kala saaro farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi; \u201cSomaliland waa dal degen oo ammaan iyo xasilooni buuxda haysta oo dimuqraadi ah, waxa uu haystaa ammaan heerkiisu sareeyo oo ay hay\u2019adaha ammaanku si fiican uga shaqeeyaan, dawlad aannu leenahay ayaana dalkayaga ka shaqaynaysay ilaa 24-kii sanno ee u dambeeyey, doorashooyin kala duwan ayaanu qabsanay, waxa aannu isku maamulnaa sharciga iyo kala dambaynta, iyadoo aannu tixgelino xuquuqal-insaanka, waxaanan rumaysanahay in aannu u dhaqano sida dawlad jirta oo qaangaadh ah, aad ayaanan uga duwanahay Soomaaliya oo aanay ka jirin dawlad dalkeeda maamusha, xasillooni-darro iyo burbur ayaana ka jira Soomaaliya, waxaanna sidoo kale ka socda dagaalo iyo in dadka la iska dillo, waxaanan aaminsanahay in aanu wax badan u qaban karno Soomaaliya haddii marka hore ay beesha caalamku aqoonsato Somaliland, waxaanan door weyn ka qaadan karnaa in aannu xal u raadino dhibaatooyinka ka jira xilligan Soomaaliya.\u201d<\/p>\n<p>Waxa kaloo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis sheegay inay dawlad ahaan ka shaqaynayaan sidii wax looga qaban lahaa shaqo la\u2019aanta ka jirta Somaliland, loona joojin lahaa tahriibka, isagoo sidoo kale xusay inay dalalka caalamka kala kaashanayaan sidii dadka loogu samayn lahaa shaqo abuurka, loona maalgelin lahaa khayraadka kala duwan ee dalka Somaliland hodanka ku yahay si looga shaqeeyo horumarka waddanka iyo dadkiisa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waraysi; Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Hargeysa (AN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa caddeeyey inay dawlad ahaan door weyn ka qaadan karaan ammaanka adduunka haddii ay aqoonsi buuxa ka helaan beesha caalamka. &nbsp; Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi siiyey telefishanka NRK TV ee laga leeyahay dalka Norway, waxa uu tilmaamay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5793,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-9156","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2nG","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9156","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9156"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9156\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9156"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9156"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9156"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}