{"id":8948,"date":"2015-04-22T11:32:05","date_gmt":"2015-04-22T11:32:05","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8948"},"modified":"2015-04-22T11:32:05","modified_gmt":"2015-04-22T11:32:05","slug":"xukuumadda-somaliland-oo-nidar-ku-martay-inay-xabsiga-ku-guri-doonto-madaxda-somaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/04\/22\/xukuumadda-somaliland-oo-nidar-ku-martay-inay-xabsiga-ku-guri-doonto-madaxda-somaliya\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Somaliland oo Nidar ku martay inay xabsiga ku Guri doonto Madaxda Somaliya."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) warar hoose oo Waaheen heshay ayaa sheegaya xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Laanta Socdaalku inay cadho xoog leh ka muujiyeen talaabooyin is xiga oo xukuumadda Somaliya ku af-lagaadaysay Somaliland iyo waliba inay xidhay Dad reer Somaliland ah oo muqdisho ku tagay baasaaboor Somaliland.<!--more--><\/p>\n<p>Ma cada go\u2019aankan ay xukuumaddu qaadatay in uu noqon doono mid ficil ahaan u dhici doona iyo inay warbaahinta ka shaacin doonto, hase yeeshee sida Ilo wareedyo muhiim ahi waaheen u sheegeen waxay cadhadani ka dhalatay kadib markii Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya Gafow uu ku hanjabay inay dadka Somaliland uga safraya dhinaca Somaliya aanay u qaadan dooni baasaaboor marka ay madaarada iyo xuduudaha Somaliland galayaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, sida wararku sheegayaan waxa ay Xukuumadda Somaliya dhawaan ku xidhay muqdisho muwaadin Reer Somaliland ah oo dalkaasi ku galay baasaaboor Somaliland, kaasoo markii danbe la soo daayey markii uu arrintaas u xidhnaa muddo dhawr cisho ah.<\/p>\n<p>Ma aha oo kali ah dhibaatadda ay Somaliya ku hayso Somaliland dhinaca Socdaalka laakiin waxa soo baxaya inay caqabad xoogan ku hayso dhinaca dhaqaalaha iyo Horumarkii Somaliland, gaar ahaan Heshiisyada ay Xukuumadda Somaliland la gasho shirkadaha Ajanabiga ah.<\/p>\n<p>Hore xukuumadda Somaliya waxay hanjabaado hakiyo hawlihii ay Somaliland ka wadeen ugu jeedisay shirkaddo shiidaal, halka dhawaana mid Macdan ka baadhaysay Siimoodi ay shaqadii ku joojisay, iyadoo habeen hore-na wasiirka Dekeddaha Somaliya Digniin u diray shirkadd laga leeyahay dalka Imaaraadka oo donaysay inay casriyeyso Dekedda Berbera.<\/p>\n<p>Waxa kale, oo wax lala yaabo ku noqday masuuliyiinta Laanta Socdaalka Somaliland hadalkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ku sheegay inaan Somaliland loo qaadan baasaaboor ee ay tahay qayb ka mid ah Somaliya.<\/p>\n<p>Hanjabaadaha Somaliya ayaa sii cakiraya wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya ee istaagay, kuwaas oo ka dhashay dhibaatada joogtada ah ee ay Somaliya kula kacayso Somaliland.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p>Source Waaheen<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) warar hoose oo Waaheen heshay ayaa sheegaya xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Laanta Socdaalku inay cadho xoog leh ka muujiyeen talaabooyin is xiga oo xukuumadda Somaliya ku af-lagaadaysay Somaliland iyo waliba inay xidhay Dad reer Somaliland ah oo muqdisho ku tagay baasaaboor Somaliland.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8949,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"gallery","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-8948","post","type-post","status-publish","format-gallery","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka","post_format-post-format-gallery"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2kk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8948","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8948"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8948\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8948"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8948"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8948"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}