{"id":8812,"date":"2015-04-16T17:31:24","date_gmt":"2015-04-16T17:31:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8812"},"modified":"2015-04-16T17:31:24","modified_gmt":"2015-04-16T17:31:24","slug":"daawo-xukuumada-sland-oo-ka-jawaabtay-naqdigii-midowga-yurub-ka-soo-saaray-xukunkii-qisaasta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/04\/16\/daawo-xukuumada-sland-oo-ka-jawaabtay-naqdigii-midowga-yurub-ka-soo-saaray-xukunkii-qisaasta\/","title":{"rendered":"Daawo Xukuumada S\/land Oo Ka Jawaabtay Naqdigii Midowga Yurub Ka Soo Saaray Xukunkii Qisaasta"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Midawga Yurub oo ka hadlay lix qof oo dil sugayaal ah oo maalintii Isniintii toddobaadkan lagu fuliyay dil qisaas ah kuwaas oo hore dad ugu dilay deegaanno kala duwan oo Somaliland ah.<!--more--><\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa Naqdiga ka soo yeedhay Midawga Yurub ku tilmaamay mid aan ka hirgalayn Somaliland isla markaana aan joojinayn ku dhaqanka qawaaniinta u degsan Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo u warramay warayska afka xukuumadda ku hadla ee Dawan. \u201cDalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,\u201d ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladdu.<\/p>\n<p>Wasiirka oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi. \u201cHorena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka\u201dXuseen Axmed Caydiid<\/p>\n<p>Waxaanu intaasi raaciyay \u201cCidda ay khusayso qawaaniinta dalku eeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen\u201dWasiirka Cadaaladda Somaliland<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Midawga Yurub oo ka hadlay lix qof oo dil sugayaal ah oo maalintii Isniintii toddobaadkan lagu fuliyay dil qisaas ah kuwaas oo hore dad ugu dilay deegaanno kala duwan oo Somaliland ah.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8813,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8812","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2i8","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8812","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8812"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8812\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8812"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8812"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8812"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}