{"id":8596,"date":"2015-04-07T19:44:30","date_gmt":"2015-04-07T19:44:30","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8596"},"modified":"2015-04-07T19:44:30","modified_gmt":"2015-04-07T19:44:30","slug":"wasaaradda-macdanta-iyo-tamarta-oo-si-weyn-uga-qaybqaadatay-maalinta-nadaafadda-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/04\/07\/wasaaradda-macdanta-iyo-tamarta-oo-si-weyn-uga-qaybqaadatay-maalinta-nadaafadda-qaranka\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo si weyn uga qaybqaadatay Maalinta Nadaafadda Qaranka"},"content":{"rendered":"<div class=\"ContentRightInner t_mbgc t_qtc t_urtc\">\n<div id=\"inboxControl0fv-ReadMessageContainer\" class=\"v-ReadMessageContainer slideOnResize\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"c-ReadMessage\" data-link=\"class{readMessageClass: ~tag.Show}\">\n<div id=\"ReadMessageScrollableSection\" class=\"rmMessages ClearBoth\" tabindex=\"-1\">\n<div id=\"readMessagePartControl382f\" class=\"c-ReadMessagePart ReadMsgContainer HasLayout ClearBoth HideShadows FullPart NoHistory Read RmIc\" data-link=\"class{:~tag.getHeaderCssClass(IsConversationPart, IsRead, IsDraft, IsTrustedSender, Items.length)}\">\n<div class=\"c-ReadMessagePartBody\" data-link=\"class{getClass:IsBodyExpanded}\">\n<div class=\"readMsgBody\">\n<div id=\"bodyreadMessagePartBodyControl387f\" class=\"ExternalClass MsgBodyContainer ContentFiltered\" data-link=\"class{:~tag.cssClasses(PlainText, IsContentFiltered)}\">\n<div dir=\"ltr\">Hargeysa (AN) \u2013 Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo ay wehelinayaan madaxda iyo hawlwadeennada laamaha kala geddisan ee Wasaaraddiisu ayaa si weyn uga qayb qaatay olalaha qaran ee nadaafadda oo April 7, 2015 laga fuliyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo hawlwadeennada wasaaraddiisa ayaa ololaha nadaafadeed ka fuliyay inta u dhexaysa garoonka kubbadda cagta iyo xaafadda Siinaay ee degmada Axmed-Dhagax.<\/p>\n<p>Wasiir Ducaale oo intii uu hawlgalkan nadaafaddu socday la hadlay Warbaahinta ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay nadaafaddu u leedahay mujtamaca iyo sida loogu baahan yahay in ilaalinteeda xil la iska wada saaro.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu ammaan u soo jeediyay cid kasta oo ka qaybgashay hawlgalkan, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay hawlwadeennada Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo si baaxad leh uga qaybqaatay maalinta nadaafadda Qaranka.<\/p>\n<p>Badhasaabka gobolka Maroodijeex, Xoghayaha Gobolka, iyo Guddoomiyaha degmada Axmed-Dhagax ayaa iyaguna si weyn u soo dhoweeyay hawlgalka nadaafadeed ee ay Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ka fulisay xaafadaha degmada Axmed-Dhagax.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha kala duwan ee dawladda Somaliland ayaa maanta isugu soo baxay hawlgalka nadaafadda qaranka, iyada oo laamaha kala duwan ee dawladdu ay hawlgalkaas ka fuliyeen deegaanno kala duwan.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/LLL.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-8597\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/LLL.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"LLL\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"v-InboxFooterContainer\"><\/div>\n<div class=\"AppContainer\"><\/div>\n<p><iframe loading=\"lazy\" id=\"telemetryIframe\" src=\"https:\/\/skypewebexperience.live.com\/content\/3-14-1804\/telemetry-iframe-outlook.html?sts=1428492229287&amp;sessionid=85900cce-26d1-47af-ffe6-bb7b4e4b4e2f&amp;hostproperty=outlook&amp;origin=https%3A%2F%2Fdub127.mail.live.com&amp;dynamicConfig=%7B%22Data%22%3A%7B%22visitorSampling%22%3A0.001%7D%7D\" width=\"0\" height=\"0\"><\/iframe><iframe loading=\"lazy\" id=\"SWEiFrame\" src=\"https:\/\/skypewebexperience.live.com\/content\/3-14-1804\/swe-iframe.html?sts=1428492229294&amp;sessionid=85900cce-26d1-47af-ffe6-bb7b4e4b4e2f&amp;hostproperty=outlook&amp;origin=dub127.mail.live.com\" width=\"0\" height=\"0\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo ay wehelinayaan madaxda iyo hawlwadeennada laamaha kala geddisan ee Wasaaraddiisu ayaa si weyn uga qayb qaatay olalaha qaran ee nadaafadda oo April 7, 2015 laga fuliyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8597,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8596","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2eE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8596","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8596"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8596\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8596"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8596"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8596"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}