{"id":858,"date":"2014-12-05T16:16:11","date_gmt":"2014-12-05T16:16:11","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=858"},"modified":"2014-12-05T16:16:11","modified_gmt":"2014-12-05T16:16:11","slug":"madaxweynaha-puntland-oo-martiqaad-loogu-sameeyey-deegaanka-karin-gobolka-bari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/05\/madaxweynaha-puntland-oo-martiqaad-loogu-sameeyey-deegaanka-karin-gobolka-bari\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Puntland oo martiqaad loogu sameeyey deegaanka Karin Gobolka Bari"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali gaas ayaa maanta bulshada degan tuulada Karin ee Gobolka Bari u sameeyeen martiqaad.<\/p>\n<p>Tuulada Karin oo qiyaastii magaalada Boosaaso u jirta 40km ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran ugu sameeyey Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayey qaybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Karin.<br \/>\nMadaxweyne Gaas ayaa waxa uu kormeer ku sameeyey beeraha ay tabcadaan dadka degan deegaanka Karin kuwaas oo ku yaal banaanka magaalada sidookalana waxa uu booqday guri taariikhi ah oo la dhisay sanadku markuu ahaa 1944-tii.<\/p>\n<p>\u201cDhulkaan barwaaqada ahi waa muhim in aan ka faa\u2019iidaysano lagana sameeyo dhul dalxiis oo wanaagsan beerihii aan maanta soo arkay, dadkuna ay yimaadaan oo weliba lagu sameeyo maalgelin rasmi ah si markaas quruxdiisa iyo horumarkiisu dadku ay uwada arkaan\u201d Ayuu yiri Madaxweyne Gaas mar uu ka hadlaayey wixii uu soo arkey.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddiisu muhimad sinto tacabka iyo wax-soosaarka<\/p>\n<p>\u201cMeelaha aan muhiimada gaar ka ah aanu siinayno ayaa waxaa kamid ah horumarinta ,horumarku haduu yimaado waxkasta waa imaanayaan, waxaana aad ugu mahadcelinayaa ciidamada ka howlgalaya halkaan si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa waxbadan ayeyna runtii ka badaleen nabadgelyada jidka dheer iyo weliba nabadgelyada deegaanka\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in uu si aad ah u tixgelinayo codsi ay u soo jeediyaan waxgaradka deegaanka kaasi oo ahaa in Karin oo hadda tuulo ah laga dhigo degmo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan rabaa marka si taasi u rumowdo waxbadan oo looga baahan yahay deegaan ama degmo in aanu ka shaqeyno ama hanoqoto nabadgelyada ama hanoqoto horumarka ,hadhow haday meeshu noqoto degmo waa in tasiilaadki looga baahnaa sida canshuurihii iyo khidmadaadki dawliga ahaa laga helo\u201d ayuu yiri Madaxweyne Gaas.<\/p>\n<p>Madaxweyne Gaas ayaa kadib markii uu saacado kooban lasoo qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Karin, waxaa uu isla gelinkii danbe ee maantaba uu kusoo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo uu maalmahanba hawlo shaqo u joogay.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<br \/>\nBoosaaso office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali gaas ayaa maanta bulshada degan tuulada Karin ee Gobolka Bari u sameeyeen martiqaad. Tuulada Karin oo qiyaastii magaalada Boosaaso u jirta 40km ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran ugu sameeyey Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayey qaybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Karin. Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu kormeer ku sameeyey beeraha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":859,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-858","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dQ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/858","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=858"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/858\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=858"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=858"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=858"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}