{"id":8545,"date":"2015-04-05T18:03:51","date_gmt":"2015-04-05T18:03:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8545"},"modified":"2015-04-05T18:03:51","modified_gmt":"2015-04-05T18:03:51","slug":"xisbiga-wadani-oo-xili-xeedho-iyo-fadhaal-kaladhaceen-warsaxafadeed-ka-soo-saaray-ilaalinta-tayada-baabuurta-oo-muran-xogan-ka-jiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/04\/05\/xisbiga-wadani-oo-xili-xeedho-iyo-fadhaal-kaladhaceen-warsaxafadeed-ka-soo-saaray-ilaalinta-tayada-baabuurta-oo-muran-xogan-ka-jiro\/","title":{"rendered":"Xisbiga Wadani oo xili xeedho iyo fadhaal kaladhaceen warsaxafadeed ka soo saaray ilaalinta tayada baabuurta oo muran xogan ka jiro"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN) Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ayaa xili\u00a0 ay xeedho iyo fadhaal kala dhaceen ku soo baraarugay muran maalmihii udan beeyey ka jiray adeeg cusub oo lagu soo kordhiyey dekeda barbara kaas oo lagu sheegay in uu ilaalin doono tayada Baabuurta dhanka kale waxa taas ganafka ku dhuftay shirkadaha iyo ganacsatada macdarlaha ee ka ganacsada iibka baabuurta\u00a0 kaas oo xisbiga Wadani mudo kadib maanta soo saaray warsaxaafadeedkan <!--more--><\/p>\n<p>Warsaxaafadeed<\/p>\n<p>Ilaalinta Tayada Baabuurta: Boob iyo dhac badheedh ah<\/p>\n<p>Xukuumaddeennan fadhiid ahi, ta ay keentaaba tii kale ka daran. Indhaheenna qaawan ayaynu ku aragnaa in aanay baabuurta dalka timaadda iyo ta socotaaba ahayn baabuur iyaga oo cusub la soo iibsaday. Albaabbadan waddada xiga ee basaska ayaa markhaati cad u ah. Isteerinkan dhinaca gurracan ku yaal ayaa markhaati kale ah. Ma aha xaalad aynu iska jeclaannay ee waa mid ka dhalatay bururkii dagaalladii dibuxoreyneed. Indhaheenna ayaynu ku aragnaa oo ku garan karnaa. Waan hubaa in aynu indhaha dadweynaha sidaa ugu aragno, bal se waxaynaan hubin in aynu Xukuumaddeenna isku indho nahay.<\/p>\n<p>Tuhunku meel kale kama iman ee Xukuumaddeenna dadkeed-moog danteed-raac, mishiinno iyo baakistaaniyiin ayay u soo kireysatay si ay u imtixaanto Tayada baabuurta soo degta oo 80 doollar oo aan geedna loogu soo gabban laga qaado. Hay&#8217;adda xilkan gudanaysaa ma bireysna oo sharci ay ku dhisan tahay ma jiro. Golaha Wakiillada ma ay soo marin. Dhismaheeda lama naadin oo tartan xalaal ah oo xalliiban (transparent) looma gelin. Goor madow ayaa meel madow lagu bixiyay. Waxa loo badinayaa in loo xidhay dad loo roon yahay oo lagu naas-nuujinayo dheecaanka wadhatada.<\/p>\n<p>Baabuurta dalka ka hawl-gashaa ha wada liidato e&#8217;, waxaanu muran ku jirin in ay ugu liidato inta Xukuumaddu wadataa oo mararka ay ku ag marayaan aad mooddo in kooxdii Durdur agtaada ka tumayso. Bal korodhsiimooyinkan aan garawshiiyaha lahayn eega: 2010kii, Toyotaha waxa lagu cashuuri jiray 1,400 oo Doollar, maantana waa 3,400 oo Doollar. Mark II wuxu ahaa 750 Doollar, maantana waa 1,550 oo Doollar. Suzukidu waxay ahaan jirtay 950 Doollar, maantana waa 1,900 oo Doollar. Haddana: &#8220;Gurey waa warramayaa, guulna waa akhriyayaa.&#8221;<\/p>\n<p>Aan ku soo xidho tuduc aan maansada Dhunkaal ee Timacadde ka soo ammaanaystay, waxaanu yidhi:<\/p>\n<p>&#8220;Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,<\/p>\n<p>Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,<\/p>\n<p>Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, baan la dheygagay,&#8221;<\/p>\n<p>Timacadde, berigaa wuxu dhaaday ama dareemayba in Soomaalinnimadii la iibsaday isaga oo garan la&#8217;aa qiimaha la siistay. Hadda taa teedii ayaynu taagan nahay oo waxaynu la dheygagsannahay Somalilandnimadii waxan la dhaafsaday inta uu qiime ahaan joogo. Xukuumadda wax qabataa doorashada ma sii dheerayso ee waa ay ku dheeraysaa.<\/p>\n<p>Md. Boobe Yuusuf Ducaale<\/p>\n<p>Xoghayaha Warfaafinta<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN) Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ayaa xili\u00a0 ay xeedho iyo fadhaal kala dhaceen ku soo baraarugay muran maalmihii udan beeyey ka jiray adeeg cusub oo lagu soo kordhiyey dekeda barbara kaas oo lagu sheegay in uu ilaalin doono tayada Baabuurta dhanka kale waxa taas ganafka ku dhuftay shirkadaha iyo ganacsatada macdarlaha ee ka ganacsada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8520,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8545","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2dP","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8545","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8545"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8545\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8545"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8545"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8545"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}