{"id":8516,"date":"2015-04-04T14:54:51","date_gmt":"2015-04-04T14:54:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8516"},"modified":"2015-04-04T14:54:51","modified_gmt":"2015-04-04T14:54:51","slug":"ciidamada-kenya-oo-gacanta-ku-dhigay-shan-ruux-oo-looga-shakiyey-weerarkii-jaamacadda-gaarisa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/04\/04\/ciidamada-kenya-oo-gacanta-ku-dhigay-shan-ruux-oo-looga-shakiyey-weerarkii-jaamacadda-gaarisa\/","title":{"rendered":"Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay shan ruux Oo looga shakiyey weerarkii Jaamacadda Gaarisa"},"content":{"rendered":"<p>Kenya(AN)-Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa xabsiga dhigay ilaa shan ruux oo looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen weerarkii Khamiistii ay Al-Shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay ilaa 150-ruux.<!--more--><\/p>\n<p>Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa afar ruux oo bad-qabay jimcihii shalay laga soo saaray gudaha Jaamacadda, kuwaasoo labo ka mid ah laga shaki qabo inay weerarka ku lug lahaayeen.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah raggaas oo aanay Ardaydu aqoonsan ayaa u dhashay Tanzania, halka ruuxa kalena aan la garan karin.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah dadkan ayaa la qabtay, xilli ay isku dayayeen inay u baxsadaan Soomaaliya, sida ay xaqiijisay Wasaarada Amniga Gudaha Kenya<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa sheegatay mas\u2019uuliyada weerarkan, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadeyso weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya, iyadoo jawaab uga dhigaysa in Ciidamada Kenya qeyb ka yihiin hawl galka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wargeysyada dalka Kenya ayaa kol hore daabacay inay jirtay khatar ku wajahneyd jaamacadaha iyo iskuulada, iyadoo hore looga digay weeraro laga geysto Jaamacadaha ku yaal Kenya.<\/p>\n<p>Digniin soo baxday 25-kii bishii hore ayaa muujisay in la hayay macluumaad sheegayay in la weerarayo jaamacado ku yaal Kenya, waxaana si aad ah wax la isaga weydiinayaa dabacsanaanta xaga amniga iyo in Jaamacadaha qaar ay lahaayeen kaliya laba ilaalo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Nairobi Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kenya(AN)-Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa xabsiga dhigay ilaa shan ruux oo looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen weerarkii Khamiistii ay Al-Shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay ilaa 150-ruux.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8517,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8516","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2dm","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8516","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8516"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8516\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8516"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8516"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8516"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}