{"id":8408,"date":"2015-04-01T16:12:31","date_gmt":"2015-04-01T16:12:31","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8408"},"modified":"2015-04-01T16:12:31","modified_gmt":"2015-04-01T16:12:31","slug":"maanso-xurmo-hooyo-waxa-curisay-yaasmiin-maxamed-kaahin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/04\/01\/maanso-xurmo-hooyo-waxa-curisay-yaasmiin-maxamed-kaahin\/","title":{"rendered":"Maanso: Xurmo Hooyo: Waxa Curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin"},"content":{"rendered":"<p>Maanso cusub oo ay Curisay Abwaan Yaasmiin Maxamed Kaahin, 0104\/2015, taasoo la magac-baxday Xurmo Hooyo, waxaannu iyadoo idil idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka bogoasho wanaagsan<!--more--><\/p>\n<p>Anoo xab ahaa caloosha,<\/p>\n<p>Anoo xubin le\u2019eg jidhkaaga,<\/p>\n<p>Anoo xidid kula wadaagay,<\/p>\n<p>Anoo xudduntaada quutay,<\/p>\n<p>Anoo cunto kaa xammeeyey,<\/p>\n<p>Anoo xiska kaa tabcaanshay,<\/p>\n<p>Anoo kaarkiyo xannuunka,<\/p>\n<p>Ahaa xummad shidda naftaada,<\/p>\n<p>Xaraarka umushiyo dhibkeeda,<\/p>\n<p>Xaddiga damaq fooli leeday,<\/p>\n<p>Adaa xammiloo dulqaatay<\/p>\n<p>Weliba xamdi-naqa Illaahay<\/p>\n<p>Kolnaba ka xabeeban Hooyo.<\/p>\n<p>Adoo i xannaanshay Hooyo,<\/p>\n<p>Adoo i xambaaray Hooyo,<\/p>\n<p>Adoo i xurmeeyey Hooyo,<\/p>\n<p>Weliba xubbigiyo kalgacalka,<\/p>\n<p>Xisaab li\u2019i ii jeclaaday,<\/p>\n<p>Adoo xilli adag maraaya,<\/p>\n<p>Adaa Hooyooy xurmaynta,<\/p>\n<p>Xilkiyo garashada wanaagga,<\/p>\n<p>Adaa xilkasnimo bilaayey,<\/p>\n<p>Weliba Aabbana xaq-dhawrka,<\/p>\n<p>Xaqiisa adaa gudaayey,<\/p>\n<p>Adaa u xamaalay Hooyo,<\/p>\n<p>Xilkii Marwo adaan ka leexan,<\/p>\n<p>Adaan ka hambaysan xoogga.<\/p>\n<p>Nasab Hooyaday xariireey<\/p>\n<p>Xayaatada aad ku nooshay,<\/p>\n<p>Xushmad abidkaa ku joogoo,<\/p>\n<p>Haddaad Hooyoy xerooto,<\/p>\n<p>Qabriga Hoosiyo Xabaasha,<\/p>\n<p>Xuladka Naartiyo Cadaabta,<\/p>\n<p>Xujada imtaxaanka Eebbe,<\/p>\n<p>Illaah kaa xoree lurkooda,<\/p>\n<p>Xareed kugu soor Jannada<\/p>\n<p>Xabiibku wehelkaaga noqoy.<\/p>\n<p>W\/C Yaasmiin Maxamed Kaahin<\/p>\n<p>01\/April\/2015.<\/p>\n<p><strong>Hargeysa\/Somaliland.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maanso cusub oo ay Curisay Abwaan Yaasmiin Maxamed Kaahin, 0104\/2015, taasoo la magac-baxday Xurmo Hooyo, waxaannu iyadoo idil idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka bogoasho wanaagsan<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8410,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5],"tags":[],"class_list":["post-8408","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2bC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8408","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8408"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8408\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8408"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8408"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8408"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}