{"id":8288,"date":"2015-03-29T20:59:18","date_gmt":"2015-03-29T20:59:18","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8288"},"modified":"2015-03-29T20:59:18","modified_gmt":"2015-03-29T20:59:18","slug":"dhawaaqa-madaxweyne-axmed-siilaanyo-beeninta-puntland-sirta-diblomaasiyadda-iyo-falanqaynta-faddeexadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/29\/dhawaaqa-madaxweyne-axmed-siilaanyo-beeninta-puntland-sirta-diblomaasiyadda-iyo-falanqaynta-faddeexadda\/","title":{"rendered":"Dhawaaqa Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Beeninta Puntland, Sirta Diblomaasiyadda Iyo Falanqaynta Faddeexadda"},"content":{"rendered":"<p>Hargeisa-(AN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ka raali geliyay somaliland xajiimayn siyaasadeed oo marar badan ay ku eeddeeyeen Somaliland. Hase yeeshee maamul goboleedka Puntland ayaa isla shalay beeniyay warkaa, isla markaana sheegay in aanay jirin raali gelin uu madaxweyne Cabdiweli Gaas siiyay Somaliland.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/axmed-Iyo-gaas.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-8289\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/03\/axmed-Iyo-gaas-300x281.jpg?resize=696%2C652\" alt=\"????????????????????????????????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"652\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland oo shalay la hadlay labada gole ayaa si gaar ah khubadiisii ugu soo qaatay xidhiidhka Somaliland iyo Puntland, waxaanuu sheegay in muddooyinkan dambe dacaayado iyo hadalo ka dhan ah Qaranimada Somaliland uu ka soo baxayay Puntland, isla markaana wuxuu intaa ku ladhay in raaligelin arrintaa la xidhiidha uu ka<\/p>\n<p>helay Madaxweynaha maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Weli Gaas.&#8221;In dhawayd waxaa ka imaanayay Dawlad Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah Qaranimada Somaliland. Inkasta oo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu iga raali geliyay, waan soo dhawaynayaa raali gelintaas, waxaana naga go\u2019an nabad kuwada noolaansho iyo in la iska kaashado adkaynta amaanka&#8221;.ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.<br \/>\nDhinaca kale Wasiirka Warfaafinta u qaabilsan maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ( indhogudhan) oo shalay galabta shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray raali gelintaa uu madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu ka helay hogaamiyaha maamul goboleedkaa, isla markaana wuxuu sheegay in aanuu jirin xidhiidh uu madaxweyne Cabdiweli Gaas la sameeyay Madaxweynaha Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiir Indha Gudhan jawaab kooban oo uu ka bixiyay hadalka madaxweynaha Somaliland ka soo yeedhay, wuxuu ku yidhi;&#8221;hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Somaliland, kaasoo uu ku yidhi waxa xidhiidh ila soo sameeyay madaxweyne Puntland, kaasoo ahaa inuu iga raaligeliyo erayo iyo khalad kaga yimi dawladda Puntland, haddaba waxaanu cadaynaynaa hadalkaa uu yidhi Siilaanyo ee uu ka sheegay labada gole ee Somaliland, oo ahaa in madaxweyne cabdiweli uu telefoon u soo diray oo uu leeyahay, waxaan kaa raaligelinayaa khalad iyo qadaf kaaga yimi dawladda Puntland, in aan warkaa waxba ka jirin, madaxweyne Cabdiweli Gaasna aanuu la xidhiidhin, raaligelina ka bixin. Waxa kale oo aanu cadaynaynaa mar walba dawladda Puntland, inay diyaar u tahay nabadgelyo iyo deris ku wada noolaansho wanaagsan, laakiin erayo aanay odhan in aan lagu been abuuran oo ay tahay khalad masuuliyadeed.&#8221;<\/p>\n<p>Qalinka Ogaal Iyo Falaynqaynta labada weedhood:<\/p>\n<p>Marka dhan kastaba laga dhadhamiyo ama laga tafniido labadaa weedhood, isla markaana loo sibirsaaro siday ugu kala san banaan yihiin af siyaasadeedka ama luqada diblomaasiyadda, wuxuu qalinka Ogaal ku kalsoon yahay in ay run tahay in xidhiidh jiro, labada madaxweyne dhex maray. Hase yeeshee Xidhiidhkaasi waxa suuragal ah inuu ahaa, mid afka dadban ee asturaada diblomaasiyadda wax laysugu sheegay, oo aan loo baahnayn inuu dibadda ugu soo baxo siduu hadda ugu soo baxay. Kelmad keliya ayaa falanqeeyayaashu u arkaan, inay tahay mushkiladu. Kelmadaasi waa, RAALI GELIN. Haddii aanuu madaxweyne Siilaanyo ugu dhawaaqin, siduu hadda ugu dhawaaqay ee u qayaxay, waxaan odhan karaa Puntland kamay jawaabteen. Balse imika waxaan qarsoonayn in kelmadaasi dhibtay, kalsoonida siyaasada arrimaha gudaha ee Cabdiweli Gaasna ay saamaysay, sidaa awgeedna ay ku keliftay, in aanuu isagu muuqan(madaxweynaha Puntland) ee jawaabtu maamulkiisu muuqato. Waxa kale oo taa sii xoojinaya, Puntland jawaabteedan kumay darin oo kumay soo celin eedihii hore ay Somaliland ugu jeedin jirtay.<\/p>\n<p>Erayga ugu dambeeya jawaabta wasiirka maamul goboleedka Puntland ee ah; KHALAD MASUULIYADEED, ayay u muuqataa inuu iftiimin buuxda ka bixinayo khalad diblomaasiyadeed oo dhacay. Dhan kasta oo loo jiido xaajadan lugteedaba, waxa cad in arrintani weji gabax ku tahay xukuumadda Somaliland, diyaariyayaashii khudbada madaxweynuhuna aanay ku talax tegin deecaaminta erayada loo adeegsanayo gudbinta dareen diblomaasiyadeed oo noocaas oo kale ah, ama ay ku xisaabtameen oo keliya saamaynta gudaha. Dhan kale marka laga eegana waxa dhici karta in aqoon ahaan iyo dareen ahaanba dhugmadaasi maqnayd xiligii diyaarinta. Keliya waxay ahayd in la yidhaahdo, &#8220;somaliland iyo puntland waxay sii xoojin doonaan ka wada shaqayntii amniga iyo iska kaashigii la dagaalanka argagixisada, eeddo dhawr goor dhinaca Puntland ka soo yeedhay oo aanay somaliland u aanoobina , waanu ka wada hadalay, waana ku kala bogsanay, wixii hadda ka dambeeyana wax wada qabsi derisnimo iyo walaalnimo oo horeba u jiray ayaanu sii amba qaadi doonaa.&#8221; Ama weedho u dhigma oo hodan ka ah xulashada erayadda loo yaqaano kuwa lebisan ama dahsoonayaasha.xigasho ogaal<br \/>\nMaxamed Juba Arabsiyonews@gmail. com<br \/>\nArabsiyonews.com Office Gabiley somaliland<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa-(AN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ka raali geliyay somaliland xajiimayn siyaasadeed oo marar badan ay ku eeddeeyeen Somaliland. Hase yeeshee maamul goboleedka Puntland ayaa isla shalay beeniyay warkaa, isla markaana sheegay in aanay jirin raali gelin uu madaxweyne Cabdiweli Gaas siiyay Somaliland. Madaxweynaha Somaliland oo shalay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8289,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8288","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-29G","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8288","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8288"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8288\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8288"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8288"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8288"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}