{"id":8183,"date":"2015-03-27T19:17:54","date_gmt":"2015-03-27T19:17:54","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8183"},"modified":"2015-03-27T19:17:54","modified_gmt":"2015-03-27T19:17:54","slug":"maxaa-kootada-loogu-xidhay-shaqaallaha-cusub-ee-dawladda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/27\/maxaa-kootada-loogu-xidhay-shaqaallaha-cusub-ee-dawladda\/","title":{"rendered":"Maxaa Kootada loogu Xidhay Shaqaallaha Cusub Ee Dawladda?"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Yool)-\u201cKuma khaldana qof kasta oo yidhaahda Khayraadkii dalku ma qaybsana, annigoo Wasiir ahna waan leeyahay Maanta horena waan u idhi\u201d, ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu tusaalle u soo qaatay \u201cwaxa laga yaabaa inay dalka ka shaqeeyaan ilaa 14 Kun oo shaqaale ah.<br \/>\nWaxa laga yaabaa in saddexda Gobol ee Bari iyo galbeed ugu xiga Somaliland(Awdal, Sool iyo Sanaag), inaan shaqaalahoodu gaadhin kun iyo shan boqol oo shaqaale ah\u201d sidaas waxa yidhi Wasiirka hawlaha guud Guriyeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo todobaadka ina dhaafay waraysi uu siiyey Telefishanka Universal.<br \/>\nWasiir Khaliif ayaa si aan gabasho lahayn uga dhawaajiyey inay bulshada degtaa Gobollada SSC laysku yidhaahdo ay qabto tabasho xooggan oo salka ku haysa saami-qaybsiga Xukuumiga ah shaqaalaha iyo adeegyada horumarinta Gobollada intaba.<br \/>\nTani waa dareen ku dhisan xaqiiqo dhab ah, kaasoo la odhan karo waa xudunta sababta ay Bulshada ku dhaqan Gobollada SSC, dibada ka joogaan Siyaasada Somaliland, balse hadana lama miisaami karo qadiyada uu arrintan uga sanqadhiyey Wasiirka Xukuumadda ku jiray shanta sannadood ee muddo-xileedka Siilaanyo xilligan kala guurka la gelayo. Waxaase loo arkaa mid xeellad ama xaaladi ku keliftay oo la jaan-qaadaya arrimaha taagan wacyiga lagu jiro ee Qasriga Madaxtooyada gil-gilay (Tabashada reer Awdal).<br \/>\nWaa dhab oo Shaqaallaha u shaqeeya dawladda, waxa ugu badan Gobollada u dhow Caasimada. Laakiinse ma jirto qiimeyn si cilmiyeysan loogu sameeyay arrintaasi oo loo daliilshan karo cabashada beellaha darafyada.<br \/>\nIyadoo aanay jirin daraasad si cad arrintan u daah-furtay, hadana muran kuma jiro inay shaqaalaha Dawladda ee heerkood yahay Darada A, ay ugu badanyihiin Bulshada Gobollada dhexe ee Somaliland. \u201cWaa dhab oo Agaasime-waaxeedyadu waxay u badanyihiin Deegaanka Hargeysa, laakiinse reer Awdal laftoodu waxay leeyihiin agaasimeyaal badan. Mida kale dee cid saami lagu siiyey ma jirtee Wasiir kastaaba isagaa magacaabayey Agaasime-waaxeedyada ilaa Dawladii Marxuum Cigaal\u201d sidaas waxa GNA u sheegay Ismaaciil Haybe oo muddo shan iyo toban sannadooda Shaqaale dawladdeed ahaa.<\/p>\n<p>Sababta keentay Farqiga kala saraynta Shaqaalaha Dawladda ee Bulshooyinka Gobollada, waxa loo aanaynayaa arrimo badan, oo ay hogaaminta siyaasaddu qayb ka tahay. hase-ahaatee arrinta ugu muhiimsan ee loo sibir-saarayaa waxay tahay mid ku taxaluqda xagga Masaafada.<\/p>\n<p>Sida uu sheegay Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif helida fursadaha shaqaaleyntu waxay ku xidhantay Masaafada qofku u jiro caasimada. \u201cHaddii maanta la yidhaa Kun Qof oo shaqaale ah baa la kordhiyay, Imtixaankii Hargeysa ayaa lagu qaadayaa, intee baa intay Laascaanood ama Ceerigaabo intay ka yimaadaan halkan(Hargeysa) soo gaadhi kara oo Imtixaan ku gali kara, waa laga yaabaa Qolada reer Boorama inay uga dhaw dahaye, ama Saylac intay ka timaado halkan Imtixaan ku gali karta\u201d. Ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu sheegay inay haboon tahay in laga yeesho siyaasad saami-qaybsiga Shaqaalaha iyo Kuraasta Siyaasiga ah si meesha looga saaro cuqubbo ka timaada ku kala saraynta Bulshooyinka ee Khayraadka Dawladda. \u201cWaxaa haboon in siyaasad cad laga yeesho arrintaasi oo bal ugu yaraan boqolkiiba konton halkan(Hargeysa) halaga dhigee inta kale Gobolada kale la gaadhsiiyo\u201d.Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Bariga Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in dalku u baahanyahay xeer lagu kala saarayo qaabka saamiga loogu qaybinayo Shacbiga Gobollada. Xildhibaanka oo ay dulucda hadalkiisu ku aroorayso tabasho la mida tan Wasiir Khaliif ka hadlay, ayaa Golaha Wakiillada dhex geeyey Dood looga hadlayo amuurtaa qaybsiga Qaniimmada waddanka.<br \/>\n\u201cXeerka kala sarraynta qabyaaladda oo aan muhiim u arko ayaan soo jeedin lahaa, Qabyaalad baynu ku shaqayno haddii ay Somaliland nahay, waana kala sarraynaa oo A,B,C,D-baanu kala nahay, caalamkuna waa la socdaa anaguna waa la soconaa, markaa yeynaan Been isu sheegin oo odhan waxbaynu wada leenahay oo Somaliland baynu nahay, waxba ma wada lihine been baynu isu sheegaynaa Dawladdiina idinkaa wada haystaa Haddii aad Beeshe Dhexe tihiin, Meel wal oo ugu sarraysa oo A, ah idinkaa jooga, Ciidamada oo dhan idinkaa wada Haysta kuwa nafta leh, ilaa Hoggaamada ilaa iyo meel walba, kun Janan baad leedihiin iyo kun Kormeere oo meel ay ka yimaadeen aanaan garanayn.\u201d Ayuu yidhi Bulqaas.<br \/>\nBulqaas waxa uu sheegay Xilalka shilis oo dhan ay Beesha dhexe tunka ku wada sidato, waxana uu yidhi, \u201cWasiirrada ugu wanaagsan ee Wada A-da ah idinkaa wada lehe annaga waa D, iyo wasiir-ku-xigeenno iska gidaar ah iyo wasiirro aan naf lahayn oo aan waxba loo dirsan karin oo aan waxba tari Karin oo aan qof shaqo geyn Karin.\u201d<br \/>\nXildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Shaqaalaha kala duwan ee Dalka hannaan qabyaaladeed lagu qaato, waxana uu intaas ku daray in ka-hadalka arrimhaaas aanu ka hadhi doonin ilaa iyo inta shacabka uu metelaa xaqooda la keenayo,<br \/>\nShaqaalaha Dawladda Qabyaalad iyo reero ayaa lagu qoraa waynu ognahay waxaas, mana jeclin inaynu runta isku sheegno qofka sheegana waa la neceb yahay annaguse runtaanu sheegaynaa waligayna ka Hadhimayno waayo dadbaa nasoo doortay oo aanu u joognaa meesha kana hadhimayno ilaa xuquuqdii dadkaas halkaas lasoo dhigo, bahasha dee ama inagu kala kaxeeya ama waa inaynu siday u helnaa Xuquuqda dalka.\u201d Ayuu yidhi Mudane Bulqaas<\/p>\n<p>\u2018Xataa saluuga Kuraasta xukuumiga ah waxa Xildhibaanka la wadaaga Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Golaha Xukuumadda Siilaanyo, sida uu ku sheegay waraysiga lala yeeshay \u201c xagga xilalka laftigeeda marka laga hadlayo, waxaa laga yaabaa wasaaraddaheena 26-ka ah Agaasimeyaashooda waaxyaha iyo isku duweyaasha marka la isku geeyo waxaa laga yaabaa inaanay Gobolada darafyadu boqolkiiba shan ka noqon, markaa runtii tabashadu way jirtaa\u201d ayuu yidhi Wasiirku.Shaqaalaha Dawladda oo Kooto loo xidhay<br \/>\nXukuumadda Somaliland, ayaa sannadkan 2015-ka aan wax shaqaalle ah wali qoran, iyadoo ay jiraan dad badan oo Shaqo-sugeyaal ah oo Xafiisyada dawliga ah muddo kaga shaqeynayay rejo-ku nool.<br \/>\nWaxa jira qorshe la doonayo in Shaqaalaha ku jira ku-talo-galka Miisaaniyad looga foodh-yeello Gobollada Awdal, Selel, Sool iyo Sanaag, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.<br \/>\nHindisahan, ayaa waxa la sheegay inuu ka dhashay go\u2019aan Madaxweyne oo soo baxay horaantii Bishii January ee sannadka, kaasoo Madaxweynuhu Madaxda Wasaaradaha kaga codsaday inay hakiyaan qorista Shaqaalaha cusub, sii loo dejiyo siyaasad Saami mugleh loogu loogayo Gobollada cabanaya.<br \/>\nMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sida muuqata talaabadan ay ku keliftay cabbanaan Maamul, ayaa qaaday talaabo loo arko inay hordhac u tahay qorshaha daadejinta Saami-qaybsiga Shaqaalaha iyo Xukuumadda.<br \/>\nMagacaabista Guddoomiyaha Hay\u2019adda Shaqaalaha ee ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo Isku-shaandheynta Golah Wasiirrada iyo Talisyada Ciidanka, ayaa tilmaan cad ka bixinaysa in si tartiib-tartiib ah loo fulinayo qorshaha Madaxweyne ee qorista Shaqaallaha cusub, kaasoo ahayn qorshe hore looga baaraan-degay, balse nuxur ahaan dhadhamaya aragti ka curtay gondihiisa markii uu socdaalka ugu baxay Gobollada Dalka Madaxweynaha dalku.<br \/>\nIyadoo ay dhanka xukuumadda arintu wali ku taagantahay, siiba Madaxweynaha oo aan ilaa hada ka sanqadhin go\u2019aan rasmiya, ayaa waxa la dareemayaa inay Bulshada reer Awdal u dhegtaagayaan in kor loogu dhawaaqo fursadaha shaqo abuuriseed ee kootada loogu xidhay, taasoo ah arrinta ay jaanta ku darsadeen siyaasiyiinta reer SSC xilligan, si aanay u dayicin jaaniska albaabka sida khaldan loogu furay reer Awdal oo ay iskaga dhadhowyihiin xagga dhaqanka la tacaamulka Siyaasadda Beesha dhexe hogaaminayso.<br \/>\nSi cad looma beyaamin karo halka ay arrimahani ku dambeyn doonaan, balse waxaan la dafirin Karin in kooto Gobollo gaar ah loogu xidho Shaqaalleysiinta dawladdu saameyn taban ku yeellan doono niyadsamaanta Dhalinyarada waddanka ee sanad walba ka baxaya jaamacadaha waddanka, kuwaasoo intooda badani markay Waxbarashada dhamaystaan shaqo u doonta xafiisyada dawladda, maadaama ay aad u koobanyihiin mashaariicda shaqo abuuriseed ee gaarka loo leeyahay oo ay isha kaliya ee hada furani tahay Shirkadaha Ganacsiga oo tiro xadidan qaata Ardayda Jaamacadaha. Waxa kale oo aan la dafiri Karin in talaabada Kooteynta Shaqaallaha Dawliga ahi ka hor-imanayo Dastuurka iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda, isla markaana qaab ahaan saameynayo Siyaasadda wax wada lahaanshiyaha iyo loollanka u sinaanta Qaniimada waddanka.<\/p>\n<p>Wargeyska Yool<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Yool)-\u201cKuma khaldana qof kasta oo yidhaahda Khayraadkii dalku ma qaybsana, annigoo Wasiir ahna waan leeyahay Maanta horena waan u idhi\u201d, ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu tusaalle u soo qaatay \u201cwaxa laga yaabaa inay dalka ka shaqeeyaan ilaa 14 Kun oo shaqaale ah. Waxa laga yaabaa in saddexda Gobol ee Bari iyo galbeed ugu xiga Somaliland(Awdal, Sool [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8184,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8183","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-27Z","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8183","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8183"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8183\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8183"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8183"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8183"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}