{"id":8142,"date":"2015-03-26T13:20:37","date_gmt":"2015-03-26T13:20:37","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=8142"},"modified":"2015-03-26T13:20:37","modified_gmt":"2015-03-26T13:20:37","slug":"rabbigu-kugu-hoy-janadamaaso-abwaan-ckariim-ismaaciil-abiib-ku-maamuusaayo-abwaanka-weyn-ee-soomaaliyeed-abwaan-maxamed-ibraahim-warsame-hadraawi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/26\/rabbigu-kugu-hoy-janadamaaso-abwaan-ckariim-ismaaciil-abiib-ku-maamuusaayo-abwaanka-weyn-ee-soomaaliyeed-abwaan-maxamed-ibraahim-warsame-hadraawi\/","title":{"rendered":"Rabbigu kugu hoy janada:Maaso abwaan C\/kariim Ismaaciil Abiib ku Maamuusaayo Abwaanka Weyn Ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi."},"content":{"rendered":"<p>Akhristayaasha Sharafta leh waxan maanta Halkan idiinka soo gudbinaynaa Maanso Mug iyo Miisaan culus leh oo abwaan C\/kariim Ismaaciil Abiib ku Maamuusaayo Abwaanka Weyn Ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Maansadan oo uu isla markaana kaga waramaayo Taariikhda dheer uu leeyahay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo sidoo kale qiimaha iyo abaalka ay u Bulshadu hayso Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo runtii ah Shaqsi Qiimo iyo Qaayo Mug weyn ku leh Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Qaranka Somaliland<!--more--><br \/>\nHadaba Maansadan oo magaceedu yahay Rabbigu kugu hoy janada waxa ay ku bilaabmaysaa sidan Akhris Wacan Oo Xiiso leh<\/p>\n<p>Hadraawi Hadraawi maanso<br \/>\nRabba hibadeed ku saaray<br \/>\nHirka hiray baad abaartay<br \/>\nHayaanka tub dheer astaystay<br \/>\nHadhaaga dhaxalka iyo aqoonta<br \/>\nHaldoorka taarikhdu sheegtay<br \/>\nAdaa u horeeya maahir<br \/>\nIntaan ku hubsaday diwaanka<br \/>\nMarkaad hidinayso maanso<br \/>\nTiiyo hufan oo habaysan<br \/>\nHaloosiga qaabkaad u tebiso<br \/>\nNaftayda hammum ku reebe<br \/>\nHobaanta afkeed na siisay<br \/>\nGaraadka hantaan ilaawin<br \/>\nTan iyo hanaqaad filkaagi<br \/>\nMarkaad hinbiriirsi dhaaftay<br \/>\nHoheeyda hoheeyda foofis<br \/>\nMaxaad hawd geel ku raacday<br \/>\nMaxaad haybad so xaraysay<br \/>\nMaxaad dhulka hobaantu taalo<br \/>\nu xirisay geel hor wayna<br \/>\nMarkaad miyiga iyo heeryadisa<br \/>\nIntaad dhigtay haylihiisa<br \/>\nWatad haw ka tiri badwaynta<br \/>\nWatad Cadan haylo dhigatay<br \/>\nHalka ka bilawday barasho<br \/>\nMarkad hadal ruugsan noqtay<br \/>\nBulshadu ku huwiyeen nanaysta<br \/>\nHadraawi lagugu yeedhay<br \/>\nTubtaad waaga haleeshay<br \/>\nMurtida halac dhoominteda<br \/>\nHalka kala raacday jaraha<br \/>\nHawraartiyo suganta miidhan<br \/>\nBadwayn huwuntaad abuurtay<br \/>\nTixaha sida heego muuqday<br \/>\nMidiba mida ay hadhaysay<br \/>\nHal aan ka haleelo mooye<br \/>\nInaan tiriyaa habsaan leh<br \/>\nIntaad heeliyo mug waynta<br \/>\nIntaad gabay same hanaansan<br \/>\nIntaad geraaro hammuga<br \/>\nIntaad heer kastaba mulaaxda<br \/>\nKor iyo hoos nogu sheegtay<br \/>\nMaxaad hawawaal aduunyo<br \/>\nDadkaga haraati gaadhay<br \/>\nDhibiyo haydaaro taartay<br \/>\nBoraan hadimo qarsoontay<br \/>\nMaxaad halis noga baaqday<br \/>\nMaxad cadawyada na hiishay<br \/>\nHujuunka jahliyada na ciilay<br \/>\nIntaad hiil noga fidisay<br \/>\nMacalin u hub qatay noqotay<br \/>\nDadkiisa hagar li gargaara<br \/>\nAdo ku hawshoon xaqiiqda<br \/>\nXoriyatul qawlkana hagaaya<br \/>\nHumaaga qarson qalaaya<br \/>\nmuxu xag jir nacab ku heeray<br \/>\nKacaanku hogi ku galiyay<br \/>\nHalka kugu daayay waayo<br \/>\nInaad hoorsatu filaaye<br \/>\nMarkaad hansal qaadi wayday<br \/>\nHawada dib u timi iftiinka<br \/>\nIntaad mudo hugunka daysay<br \/>\nHareer iyo hoos ka eegtay<br \/>\nWixi xumo laysku huurshay<br \/>\nNaftaadu ma haysan wayday<br \/>\nHormuudka raggi talaabay<br \/>\nHogaanka wataad u qabatay<br \/>\nMaxaad kolba kayn u hoyatay<br \/>\nMaxaad dogob meel ka hurisay<br \/>\nMaxaad heeso iyo gubaabo<br \/>\nLa dhigan hubka culus misaanka<br \/>\nKu toosisay ruux hurdaaya<br \/>\nKu heertay faqash hugmaysa<br \/>\nWaxay hagaaya diwaankiyo<br \/>\nHadhaaga dhaxalkiyo taarikhde<br \/>\nDhufaysku marku higooday<br \/>\nMarku idin yidhi halgaadka<br \/>\nHalka ku yar jooga maanta<br \/>\nWataad ku shirteen hortiisa<br \/>\nGoaan ku hesheen dhaqaaqa<br \/>\nHudiyo ku jarteen gundhada<br \/>\nBurco iyo Hargaysaba la galay<br \/>\nWaana kii geesigu hujuunka<br \/>\nDharaar kaga dhigay habeenka<br \/>\nDadki guduhuna habhaabtay<br \/>\nHubkiyo u qaatay weerka<br \/>\nHareer ka galeen dagaalka<br \/>\nWaxay is hiigtaan cadaawe<br \/>\nHoraanti badhba huleelay<br \/>\nBadhki hadhay waa la didiyay<br \/>\nXornimada geedkeda hawray<br \/>\nIntaan dhimanba haleeshay<br \/>\nInti dhalataa u heestay<br \/>\nHoobaanta bislaatay gurratay<br \/>\nHooska gobonime na deeqay<br \/>\nRaggi u hibeeyay ruuxda<br \/>\nAdaa ka aha horseedka<br \/>\nHalka libin baad haleeshay<br \/>\nHalyaay magac laad ku noqotay<br \/>\nWaxaad hindista dhaboobay<br \/>\nHal aad tidhi ba rummoobay<br \/>\nWaxaad tahay heegadiyo<br \/>\nHilaac ifayoon dammayn<br \/>\nHogol daaysaad tahoo<br \/>\nHaraadka kaski ka biisay<br \/>\nHanki ummadaad tahoo<br \/>\nHuggi dhaqaankaad tahee<br \/>\nRabbigu kugu hoy janada<br \/>\nIfkana hodan dharagsano<br \/>\nHadhuubku u buuxa oo<br \/>\nHubsaystay ayaan ahaw<br \/>\nKu hawshood duciyo khayr<br \/>\nInta hadhay wakhtiga oo<br \/>\nMeel haboon ku mari wayne<br \/>\nAnigana hiigsiga dhankayga<br \/>\nMarlayba waa i hayaane<br \/>\nHiraalka adigay astaysan<br \/>\nIntaan heegada u baxayo<br \/>\nIntaan hananaayo booska<br \/>\nAllaha hiliyee awoodaa<br \/>\nHaddiyo ajashaada baaji<br \/>\nHabeen dhalad baad taho<br \/>\nAduunka libbaad ka hooysay<br \/>\nDadka qiray haybadaada<br \/>\nDadnima hoganaysa maanka<br \/>\nAlluhu hohob kaga yeelay<br \/>\nHal aan ku masaalo iyo<br \/>\nMiyaan helaya masaalka<br \/>\nWaxaad mudan tee haboon<br \/>\nRabbigu kugu hoy janada<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Akhristayaasha Sharafta leh waxan maanta Halkan idiinka soo gudbinaynaa Maanso Mug iyo Miisaan culus leh oo abwaan C\/kariim Ismaaciil Abiib ku Maamuusaayo Abwaanka Weyn Ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Maansadan oo uu isla markaana kaga waramaayo Taariikhda dheer uu leeyahay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo sidoo kale qiimaha iyo abaalka ay u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8143,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5],"tags":[],"class_list":["post-8142","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-27k","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8142","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8142"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8142\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8142"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8142"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8142"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}