{"id":7502,"date":"2015-03-07T19:43:37","date_gmt":"2015-03-07T19:43:37","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=7502"},"modified":"2015-03-07T19:43:37","modified_gmt":"2015-03-07T19:43:37","slug":"siilaanyo-oo-xeer-madaxweyne-ku-aas-aasay-xafiiska-diiwaan-gelinta-sekeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/07\/siilaanyo-oo-xeer-madaxweyne-ku-aas-aasay-xafiiska-diiwaan-gelinta-sekeda\/","title":{"rendered":"Siilaanyo Oo Xeer Madaxweyne Ku Aas-aasay Xafiiska Diiwaan-Gelinta Sekeda."},"content":{"rendered":"<p>Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas&#8217;uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka.<\/p>\n<p>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo<\/p>\n<p>wuxuu maanta aas-aasay xafiiska Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada, Gudoomiye ku xigeen iyo Agaasime guud.<br \/>\nMadaxweynuhu:-<br \/>\nMarkuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<br \/>\nMarkuu Arkay: Qodobka 12aad, Faqradiisa 7aad ee Dastuurka<br \/>\nJamhuuriyadda Somaliland;<br \/>\nMarkuu Arkay: Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<br \/>\nMarkuu Helay: Qoraalka Talada Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta;<br \/>\nWuxuu Go\u2019aamiyey<br \/>\nXeerkan oo lagu aasaasayo Xafiiska Diiwaanka Sekada ee Jamhuuriyadda Somaliland.<br \/>\nQodobka 1aad<br \/>\nAasaasidda Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Waxa halkan lagu aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada oo yeelanaya qofnimo qaanuuneed, shaambad u gaar ah iyo astaan, isla markaana hoos tegaya Wasaaradda Diinta<br \/>\niyo Awqaafta.<\/p>\n<p>Qodobka 2aad<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyadda Xafiiska Diiwaana Sekada<\/p>\n<p>Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas&#8217;uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka.<\/p>\n<p>Qodobka 3aad<\/p>\n<p>Ujeeddooyinka Loo Aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Ujeeddada Xafiiska loo aasaasay waa:<\/p>\n<p>1. Dhaqan-gelinta waajibka Sekada.<\/p>\n<p>2. Faafinta iyo ku wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada.<\/p>\n<p>3. Guddoomidda, uruurinta, qaybinta iyo maamulka sekada si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada dadka dhexdooda<\/p>\n<p>Qodobka 4aad<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Xafiisku waa:<\/p>\n<p>1. Qaadashada iyo dejinta shuruudaha shaqaalaha sekada.<\/p>\n<p>2. Ka-guddoomidda qofka bixinaya sekada qadarka sekada ee ku waajibtay.<\/p>\n<p>3. Aqbalaada qiraalka saka-bixiyaha.<\/p>\n<p>4. Dhigidda sekada Xisaabta Xafiiska ee Baanka Dhexe ee Somaliland.<\/p>\n<p>5. U qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada.<\/p>\n<p>Qodobka 5aad<\/p>\n<p>Qaab-dhsimeedka Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Qaab-dhsimeedka Xafiisku wuxuu ka kooban-yahay:<\/p>\n<p>1. Guddida La-talinta<\/p>\n<p>2. Guddoomiye.<\/p>\n<p>3. Guddoomiye Ku-xigeen.<\/p>\n<p>4. Agaasimaha Guud.<\/p>\n<p>Qodobka 6aad<\/p>\n<p>Guddida La-talinta<\/p>\n<p>Guddidu waxay ka koob-naan doontaa:<\/p>\n<p>1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.<\/p>\n<p>2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.<\/p>\n<p>3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.<\/p>\n<p>4. Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.<\/p>\n<p>Qodobka 7aad<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Guddida<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Guddida waa ka talo-bixinta:<\/p>\n<p>1. Hagidda iyo maamulidda hawl-qabadka Xafiiska.<\/p>\n<p>2. Hubinta in hawlaha sekadu u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.<\/p>\n<p>3. Miisaaniyada xafiiska.<\/p>\n<p>4. Qorshaha fog iyo ka dhow ee xafiiska.<\/p>\n<p>5. Uruurinta iyo qaybinta sekada.<\/p>\n<p>6. Baahiyaha iyo arrimaha la soo gudboonaada xafiiska.<\/p>\n<p>7. Qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.<\/p>\n<p>Qodobka 8aad<\/p>\n<p>Shuruudaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka<\/p>\n<p>Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiisku waa in:<\/p>\n<p>1. Uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, da\u2019diisuna aanay ka yarayn 35 sanno;<\/p>\n<p>2. Uu leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay\u2019addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka-yarayn 3 sanno.<\/p>\n<p>3. Aanuu kicin (musalifin) ama aanu caydhoobin.<\/p>\n<p>4. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.<\/p>\n<p>Qodobka 9aad<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Xafiisku wuxuu u xil-saaran-yahay:<\/p>\n<p>1. Go\u2019aaminta qaybinta Maalka sekada.<\/p>\n<p>2. Kobcinta iyo isku-duwidda xidhiidhka uu la leeyahay Xafiisku laamaha kale ee Dawladda.<\/p>\n<p>3. Matelaada iyo ku hadalka magaca Xafiiska Diiwaanka Sekada.<\/p>\n<p>4. Saxeexidda qoraallada rasmiga ah ee Xafiiska.<\/p>\n<p>5. Magacaabista guddi-hoosaadyo, Isku-dubaridka iyo daba-galka hawlaha guddi-hoosaadyada.<\/p>\n<p>6. Furidda lambar xisaabeedka Xafiiska.<\/p>\n<p>7. Daba-galka iyo hubinta in hawlaha Xafiiska Diiwaanku u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.<\/p>\n<p>Qodobka 10aad<\/p>\n<p>Awoodaha Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Guddoomiyuhu si uu u gud-to xilkiisa wuxuu awood u leeyahay:<\/p>\n<p>1. Gelidda heshiisyada lagama-maarmaanka u ah xil gudashada Xafiiska.<\/p>\n<p>2. Go\u2019aaminta qaybinta maalka sekada iyo sadaqooyinka si waafaqsan shareecada islaamka.<\/p>\n<p>3. Qaadista talaabooyinka lagu horumarinayo maamulka, soo ururinta iyo qaybinta sekada.<\/p>\n<p>4. Dejinta qorshayaasha Xafiiska.<\/p>\n<p>5. La-xisaabtanka iyo kormeeridda Agaasimaha Xafiiska iyo shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>6. Ansixinta qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.<\/p>\n<p>7. Hubinta in qorshayaasha Diiwaanku ay u fuleen sidii loo dejiyay.<\/p>\n<p>8. U yeedhista hanti-dhowrayaal maaliyadeed oo madax-bannaan iyo kuwa dawladdaba si ay baadhis xisaabeed ugu sameeyaan Xafiiska.<\/p>\n<p>Qodobka 11aad<\/p>\n<p>Xilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska<\/p>\n<p>Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanku wuxuu u xil-saaran-yahay:<\/p>\n<p>1. In uu ka caawiyo Guddoomiyaha xil gudashadiisa.<\/p>\n<p>2. In uu qabto xilka uu u igmado.<\/p>\n<p>3. In marka uu maqan-yahay Guddoomiyuhu ama sababo ka baxsan awoodiisa u gudan-kari waayo xilkiisa, fuliyo xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan, isla markaana adeegsado awoodaha Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 10aad ee isla Xeerkan.<\/p>\n<p>Qodobka 12aad<\/p>\n<p>Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekadu waa in uu:<\/p>\n<p>1. Yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka.<\/p>\n<p>2. Da\u2019diisuna aanay ka yarayn 25 sanno;<\/p>\n<p>3. Leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay\u2019addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka yarayn 3 sanno.<\/p>\n<p>4. Yahay ruux aan kicin (musalifin) ama aan caydhoobin.<\/p>\n<p>5. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.<\/p>\n<p>Qodobka 13aad<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waa:<\/p>\n<p>1. Diyaar-garaynta miisaaniyad sannadeedka.<\/p>\n<p>2. Hagidda, maamulidda iyo kor u qaadida tayada shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka.<\/p>\n<p>3. Diyaarinta qorshaha qaab-dhismeed iyo shaqaalaynta kaas oo ay ku jirto cabirka mushaharka iyo qaabka shaqo qorista.<\/p>\n<p>4. Isu-dheelitirka miisaaniyadda iyo diyaar-garaynta xisaab-xidhada Xafiiska.<\/p>\n<p>5. Diyaar-garaynta qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Xafiiska.<\/p>\n<p>Qodobka 14aad<\/p>\n<p>Maaliyadda Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Maaliyadda Xafiisku waxay ka imanaysaa ilahan soo socda:<\/p>\n<p>1. Sekada laga guddoomo ama laga soo ururiyo dadka ay ku waajibtey.<\/p>\n<p>2. Qadarka maaliyadeed ee looga qoondeeyo Miisaaniyadda Qaranka.<\/p>\n<p>3. Hibada iyo sadaqadaha aan shuruudda ku xidhnayn.<\/p>\n<p>Qodobka 15aad<\/p>\n<p>Maaliyadda iyo Hab-Xisaabeedka Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Hab-Xisaabeedka Xafiisku waa in uu:<\/p>\n<p>1. Ahaado mid sax ah oo hufan islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashkuba taas oo ku salaysan hannaan xisaabeedka dalka.<\/p>\n<p>2. Xisaab-xidh saddex biloodle ah u gudbiyo Madaxweynaha iyada oo uu u soo marinayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.<\/p>\n<p>Magacaabida Masuuliyiinta Xafiiska Diiwaanka Sekada JSL.<\/p>\n<p>1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>2. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>3. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH<br \/>\nNaasir Yuusuf Daahir<br \/>\nXoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas&#8217;uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka. Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu maanta aas-aasay xafiiska Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7503,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7502","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1X0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7502","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7502"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7502\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7502"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7502"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7502"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}