{"id":7463,"date":"2015-03-07T14:02:28","date_gmt":"2015-03-07T14:02:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=7463"},"modified":"2015-03-07T14:02:28","modified_gmt":"2015-03-07T14:02:28","slug":"madaxweyne-siilanyo-oo-markale-4-sano-kadib-magacabay-xafiska-diwaanka-sakada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/03\/07\/madaxweyne-siilanyo-oo-markale-4-sano-kadib-magacabay-xafiska-diwaanka-sakada\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Siilanyo Oo Markale 4 Sano Kadib Magacabay Xafiska Diwaanka Sakada"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Madaxweynaha Somaliland ayaa Markii labad Magacabay Xafiska Diwaanka Sakada Oo Uu Hore Umagacabay Markii Uu Soo Dhisayaay Xukumadiisi U Horeysay waxanay U Qornayd Wargtada Lbad Emadaxweynu Sida :-<\/p>\n<p>WAR-SAXAAFADEED-Taariikhda: &#8211; 07\/03\/2015<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo<br \/>\nwuxuu maanta aas-aasay xafiiska Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada, Gudoomiye ku xigeen iyo Agaasime guud.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu:-<\/p>\n<p>Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<\/p>\n<p>Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Faqradiisa 7aad ee Dastuurka<br \/>\nJamhuuriyadda Somaliland;<\/p>\n<p>Markuu Arkay: Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<\/p>\n<p>Markuu Helay: Qoraalka Talada Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta;<\/p>\n<p>Wuxuu Go\u2019aamiyey<\/p>\n<p>Xeerkan oo lagu aasaasayo Xafiiska Diiwaanka Sekada ee Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Qodobka 1aad<br \/>\nAasaasidda Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Waxa halkan lagu aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada oo yeelanaya qofnimo qaanuuneed, shaambad u gaar ah iyo astaan, isla markaana hoos tegaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.<\/p>\n<p>Qodobka 2aad<br \/>\nMas\u2019uuliyadda Xafiiska Diiwaana Sekada<\/p>\n<p>Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas\u2019uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka.<\/p>\n<p>Qodobka 3aad<br \/>\nUjeeddooyinka Loo Aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Ujeeddada Xafiiska loo aasaasay waa:<\/p>\n<p>1. Dhaqan-gelinta waajibka Sekada.<br \/>\n2. Faafinta iyo ku wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada.<br \/>\n3. Guddoomidda, uruurinta, qaybinta iyo maamulka sekada si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada dadka dhexdooda<\/p>\n<p>Qodobka 4aad<br \/>\nXilka iyo Waajibaadka Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Xafiisku waa:<\/p>\n<p>1. Qaadashada iyo dejinta shuruudaha shaqaalaha sekada.<br \/>\n2. Ka-guddoomidda qofka bixinaya sekada qadarka sekada ee ku waajibtay.<br \/>\n3. Aqbalaada qiraalka saka-bixiyaha.<br \/>\n4. Dhigidda sekada Xisaabta Xafiiska ee Baanka Dhexe ee Somaliland.<br \/>\n5. U qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada.<\/p>\n<p>Qodobka 5aad<br \/>\nQaab-dhsimeedka Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Qaab-dhsimeedka Xafiisku wuxuu ka kooban-yahay:<\/p>\n<p>1. Guddida La-talinta<br \/>\n2. Guddoomiye.<br \/>\n3. Guddoomiye Ku-xigeen.<br \/>\n4. Agaasimaha Guud.<\/p>\n<p>Qodobka 6aad<br \/>\nGuddida La-talinta<\/p>\n<p>Guddidu waxay ka koob-naan doontaa:<\/p>\n<p>1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.<br \/>\n2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.<br \/>\n3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.<br \/>\n4. Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.<\/p>\n<p>Qodobka 7aad<br \/>\nXilka iyo Waajibaadka Guddida<\/p>\n<p>Xilka iyo Waajibaadka Guddida waa ka talo-bixinta:<\/p>\n<p>1. Hagidda iyo maamulidda hawl-qabadka Xafiiska.<br \/>\n2. Hubinta in hawlaha sekadu u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.<br \/>\n3. Miisaaniyada xafiiska.<br \/>\n4. Qorshaha fog iyo ka dhow ee xafiiska.<br \/>\n5. Uruurinta iyo qaybinta sekada.<br \/>\n6. Baahiyaha iyo arrimaha la soo gudboonaada xafiiska.<br \/>\n7. Qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.<\/p>\n<p>Qodobka 8aad<br \/>\nShuruudaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka<\/p>\n<p>Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiisku waa in:<\/p>\n<p>1. Uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, da\u2019diisuna aanay ka yarayn 35 sanno;<br \/>\n2. Uu leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay\u2019addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka-yarayn 3 sanno.<br \/>\n3. Aanuu kicin (musalifin) ama aanu caydhoobin.<br \/>\n4. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.<\/p>\n<p>Qodobka 9aad<br \/>\nXilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Xafiisku wuxuu u xil-saaran-yahay:<\/p>\n<p>1. Go\u2019aaminta qaybinta Maalka sekada.<br \/>\n2. Kobcinta iyo isku-duwidda xidhiidhka uu la leeyahay Xafiisku laamaha kale ee Dawladda.<br \/>\n3. Matelaada iyo ku hadalka magaca Xafiiska Diiwaanka Sekada.<br \/>\n4. Saxeexidda qoraallada rasmiga ah ee Xafiiska.<br \/>\n5. Magacaabista guddi-hoosaadyo, Isku-dubaridka iyo daba-galka hawlaha guddi-hoosaadyada.<br \/>\n6. Furidda lambar xisaabeedka Xafiiska.<br \/>\n7. Daba-galka iyo hubinta in hawlaha Xafiiska Diiwaanku u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.<\/p>\n<p>Qodobka 10aad<br \/>\nAwoodaha Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Guddoomiyuhu si uu u gud-to xilkiisa wuxuu awood u leeyahay:<\/p>\n<p>1. Gelidda heshiisyada lagama-maarmaanka u ah xil gudashada Xafiiska.<br \/>\n2. Go\u2019aaminta qaybinta maalka sekada iyo sadaqooyinka si waafaqsan shareecada islaamka.<br \/>\n3. Qaadista talaabooyinka lagu horumarinayo maamulka, soo ururinta iyo qaybinta sekada.<br \/>\n4. Dejinta qorshayaasha Xafiiska.<br \/>\n5. La-xisaabtanka iyo kormeeridda Agaasimaha Xafiiska iyo shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka<br \/>\n6. Ansixinta qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.<br \/>\n7. Hubinta in qorshayaasha Diiwaanku ay u fuleen sidii loo dejiyay.<br \/>\n8. U yeedhista hanti-dhowrayaal maaliyadeed oo madax-bannaan iyo kuwa dawladdaba si ay baadhis xisaabeed ugu sameeyaan Xafiiska.<\/p>\n<p>Qodobka 11aad<br \/>\nXilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska<\/p>\n<p>Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanku wuxuu u xil-saaran-yahay:<\/p>\n<p>1. In uu ka caawiyo Guddoomiyaha xil gudashadiisa.<br \/>\n2. In uu qabto xilka uu u igmado.<br \/>\n3. In marka uu maqan-yahay Guddoomiyuhu ama sababo ka baxsan awoodiisa u gudan-kari waayo xilkiisa, fuliyo xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan, isla markaana adeegsado awoodaha Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 10aad ee isla Xeerkan.<\/p>\n<p>Qodobka 12aad<br \/>\nShuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada<\/p>\n<p>Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekadu waa in uu:<\/p>\n<p>1. Yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka.<br \/>\n2. Da\u2019diisuna aanay ka yarayn 25 sanno;<br \/>\n3. Leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay\u2019addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka yarayn 3 sanno.<br \/>\n4. Yahay ruux aan kicin (musalifin) ama aan caydhoobin.<br \/>\n5. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.<\/p>\n<p>Qodobka 13aad<br \/>\nXilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waa:<\/p>\n<p>1. Diyaar-garaynta miisaaniyad sannadeedka.<br \/>\n2. Hagidda, maamulidda iyo kor u qaadida tayada shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka.<br \/>\n3. Diyaarinta qorshaha qaab-dhismeed iyo shaqaalaynta kaas oo ay ku jirto cabirka mushaharka iyo qaabka shaqo qorista.<br \/>\n4. Isu-dheelitirka miisaaniyadda iyo diyaar-garaynta xisaab-xidhada Xafiiska.<br \/>\n5. Diyaar-garaynta qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Xafiiska.<\/p>\n<p>Qodobka 14aad<br \/>\nMaaliyadda Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Maaliyadda Xafiisku waxay ka imanaysaa ilahan soo socda:<\/p>\n<p>1. Sekada laga guddoomo ama laga soo ururiyo dadka ay ku waajibtey.<br \/>\n2. Qadarka maaliyadeed ee looga qoondeeyo Miisaaniyadda Qaranka.<br \/>\n3. Hibada iyo sadaqadaha aan shuruudda ku xidhnayn.<\/p>\n<p>Qodobka 15aad<br \/>\nMaaliyadda iyo Hab-Xisaabeedka Xafiiska Diiwaanka<\/p>\n<p>Hab-Xisaabeedka Xafiisku waa in uu:<\/p>\n<p>1. Ahaado mid sax ah oo hufan islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashkuba taas oo ku salaysan hannaan xisaabeedka dalka.<br \/>\n2. Xisaab-xidh saddex biloodle ah u gudbiyo Madaxweynaha iyada oo uu u soo marinayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.<\/p>\n<p>Magacaabida Masuuliyiinta Xafiiska Diiwaanka Sekada JSL.<\/p>\n<p>1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>2. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>3. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH<\/p>\n<p>Naasir Yuusuf Daahir<br \/>\nXoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Madaxweynaha Somaliland ayaa Markii labad Magacabay Xafiska Diwaanka Sakada Oo Uu Hore Umagacabay Markii Uu Soo Dhisayaay Xukumadiisi U Horeysay waxanay U Qornayd Wargtada Lbad Emadaxweynu Sida :- WAR-SAXAAFADEED-Taariikhda: &#8211; 07\/03\/2015 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu maanta aas-aasay xafiiska Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":7464,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7463","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Wn","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7463","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7463"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7463\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7463"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7463"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7463"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}