{"id":73512,"date":"2024-02-07T19:51:15","date_gmt":"2024-02-07T19:51:15","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=73512"},"modified":"2024-02-07T19:51:15","modified_gmt":"2024-02-07T19:51:15","slug":"puntland-oo-qabatay-budhcad-badeed-hubaysan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2024\/02\/07\/puntland-oo-qabatay-budhcad-badeed-hubaysan\/","title":{"rendered":"Puntland Oo Qabatay Budhcad-badeed Hubaysan"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Wararka naga soo gaadhaya deegaanada Puntland ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanku lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen budhcad badeed.<\/p>\n<p>Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka\u00a0 Raas Caseer ee maamulkaasi, iyada oo gacanta lagu soo dhigay doonidaas iyo saddex qof oo la socday.<\/p>\n<p>Taliyaha qaybta ee gobolkaasi, Fu\u2019aad Maxamuud Xuseen oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay iska kaashaadeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamul goboleedka Puntland.<\/p>\n<p>Fu\u2019aad ayaa sheegay in hubka gacanta u soo galay uu yahay mid casri ah, uuna ka kooban yahay qoryo, rasaas iyo shidaal ay wateen budhcadda la soo qabtay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in eedeysanayaasha saddexda ah ee la qabtay la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna la dagaalami doonaan burcad badeeda iyo cid kasta oo halis ku ah amniga deegaanka.<\/p>\n<p>Laakiin, arrintan ayaa loo arkaa mid ay Puntland ugu talo-gashay inay Caalamka iskugu tusto inay la dagaalamayso budhcad-badeedda, wallow Xeebaha Eyl oo Puntland ka tirsan ay saldhig u tahay Budhcad&#8211;badeedda Soomaalida, kuwaasi oo bishii hore halkaa la tagay Maraakiib ay qafaasheen.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Wararka naga soo gaadhaya deegaanada Puntland ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanku lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen budhcad badeed. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka\u00a0 Raas Caseer ee maamulkaasi, iyada oo gacanta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":73513,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-73512","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2024\/02\/badeed.jpg?fit=480%2C269&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-j7G","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73512","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73512"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73512\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73514,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73512\/revisions\/73514"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/73513"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73512"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73512"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73512"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}