{"id":73334,"date":"2023-09-29T19:53:43","date_gmt":"2023-09-29T19:53:43","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=73334"},"modified":"2023-09-29T19:53:43","modified_gmt":"2023-09-29T19:53:43","slug":"2500-oo-muhaajiriin-ah-oo-ku-dhintay-badda-meditareeniyaanka-2023","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/09\/29\/2500-oo-muhaajiriin-ah-oo-ku-dhintay-badda-meditareeniyaanka-2023\/","title":{"rendered":"2,500 Oo Muhaajiriin Ah Oo Ku Dhintay Badda Meditareeniyaanka 2023"},"content":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay\u2019adda qaxootiga QM ee UNHCR.<\/p>\n<p>\u201cIllaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la\u2019yahay 2023 kaliya,\u201d waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay Ruven Menikdiwela, agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York.<\/p>\n<p>Tiradan ayaa dhigan korodh weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022.<\/p>\n<p>&#8220;Nolol ayaa sidoo kale ku luntay dhulka, oo aan dareenka dadweynaha ku jeedin,&#8221; ayay tidhi Ruven Menikdiwela.<\/p>\n<p>Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya &#8220;ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka,&#8221; ayey tidhi Menikdiwela.<\/p>\n<p>Muhaajiriinta iyo qaxootiga &#8220;waxay halis u yihiin dhimasho iyo xad-gudubyo xuquuqul insaan, tallaabo kasta oo ay qaadaan,&#8221; ayey raacisay Menikdiwela.<\/p>\n<p>Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, January ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.<\/p>\n<p>Badankood, oo ah 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taasi oo ka dhigan korodh 83 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo isla muddadan oo kale ee 2022.<\/p>\n<p>Marka ay noqoto halka laga soo baxo, intii u dhaxeysay January iyo August ee sannadkan, waxaa la qiyaasayaa in in ka badan 102,000 oo qaxooti ay isku dayeen inay badda Meditareeniyaanka uga soo gudbaan Tunisia, halka 45,000 ay kasoo baxeen Libya.<\/p>\n<p>Qiyaastii 31,000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyay badda ama dhexda laga qabtay oo laga soo dejiyay Tunisia, halka 10,600 laga dejiyey Libya, ayey tidhi Menikdiwela.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay\u2019adda qaxootiga QM ee UNHCR. \u201cIllaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la\u2019yahay 2023 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":28443,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-73334","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tah.jpg?fit=300%2C169&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-j4O","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73334","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73334"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73334\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73335,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73334\/revisions\/73335"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28443"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73334"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73334"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73334"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}