{"id":73316,"date":"2023-09-28T20:32:16","date_gmt":"2023-09-28T20:32:16","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=73316"},"modified":"2023-09-28T20:32:16","modified_gmt":"2023-09-28T20:32:16","slug":"ciidamada-qaranka-oo-bilaabay-dhaqdhaqaaqyo-xoog-leh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/09\/28\/ciidamada-qaranka-oo-bilaabay-dhaqdhaqaaqyo-xoog-leh\/","title":{"rendered":"Ciidamada Qaranka Oo Bilaabay Dhaqdhaqaaqyo Xoog Leh"},"content":{"rendered":"<p>Oog (Arabsiyo) &#8211; Ciidamada Qaranka JSL, ayaa dhaqdhaqaaqyo xoog leh ka bilaabay deegaannada dhanka galbeed ka xiga Magaalada Laascaanood.<\/p>\n<p>Ciidanka Qaranka oo Saldhigga Oog ka wada diyaar-garowga dagaal culus oo ay Maleeshiyaadka Huwanta kaga saaraan deegaannada kaga sugan yihiin galbeedka Laascanood, ayaa labadii Maalmood ee u dambeeyay dhaqdhaqaaq sameeyay.<\/p>\n<p>Warar ay Warbaahinta Arabsiyo ka heshay Oog, ayaa sheegay in Ciidanku ay gaadheen duleedka degmada Guumays oo ay dhanka bariga ka fadhiyaan Huwantu, halkaana ka sameeyeen hawl-gal qiimayn ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa la weriyey in Ciidanku gaadheen deegaannada loo yaqaano dhoodiga iyo meelo kale, si ay qiimayn ugu sameeyaan Maleeshiyaadka ku sugan.<\/p>\n<p>Wararka dheeraadka ah ee halkaa naga soo gaadhay, ayaa sheegay in kooxaha Huwanta ah ay soo wajahday cabsi weyn oo ay ka qabaan weerarrada u qorshaysan Ciidamada Qaranka.<\/p>\n<p>Cabsida Soo waajahday Huwanta isku urursaday Deegaannada Guumays iyo Yagoori ka xiga dhanka Laascaanood, ayaa waxa sii xoojiyey dhawaaqa Hub cusub oo Ciidamada Qaranku ay Maalmihii u dambeeyay tijaabinayeen, hubkaas oo uu ku jiro hub wax ka dilaya masaafo dhan 60KM.<\/p>\n<p>Xogaha ayaa Intaa ku daraya in Maleeshiyaadka Huwanta ee ku sugnaa duleedka degmada Yagoori ay halkaas dib uga guuraan, ka dib markii ay ogaadeen awoodda hubka Ciidamada Somaliland tijaabiyeen.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Ciidamada Qaranka JSL oo Toddobaadyadii u dambeeyay si weyn ugu diyaar-garoobayey saldhiggooda Oog, ayaa la saadaalinayaa Inay Maalmaha soo socda ruqaansadaan, si ay meesha uga saaraan Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan deegaannada galbeedka Laascaanood, hawl-galkaas oo noqonaya wejiga koowad ee gulufka u qorshaysan Ciidamada Qaranku inay qaadaan, halka Wejiga 2-aad noqonayo hawl-galka dib loogu soo celinayo gacan ku haynta Laascaanood.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Oog (Arabsiyo) &#8211; Ciidamada Qaranka JSL, ayaa dhaqdhaqaaqyo xoog leh ka bilaabay deegaannada dhanka galbeed ka xiga Magaalada Laascaanood. Ciidanka Qaranka oo Saldhigga Oog ka wada diyaar-garowga dagaal culus oo ay Maleeshiyaadka Huwanta kaga saaraan deegaannada kaga sugan yihiin galbeedka Laascanood, ayaa labadii Maalmood ee u dambeeyay dhaqdhaqaaq sameeyay. Warar ay Warbaahinta Arabsiyo ka heshay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":41307,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-73316","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/ciidanka-qaranka.jpg?fit=696%2C379&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-j4w","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73316","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73316"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73316\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73317,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73316\/revisions\/73317"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41307"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73316"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73316"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73316"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}