{"id":73162,"date":"2023-09-13T19:18:44","date_gmt":"2023-09-13T19:18:44","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=73162"},"modified":"2023-09-13T19:18:44","modified_gmt":"2023-09-13T19:18:44","slug":"somaliland-oo-goaan-adag-ka-qaadatay-huwanta-iyo-al-shabaabta-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/09\/13\/somaliland-oo-goaan-adag-ka-qaadatay-huwanta-iyo-al-shabaabta-laascaanood\/","title":{"rendered":"Somaliland Oo Go&#8217;aan Adag Ka Qaadatay Huwanta Iyo Al-shabaabta Laascaanood"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda JSL, ayaa mar kale ka hadashay Dagaalameyaasha Al-shabaab ee Maalmihii u dambeeyay ku qulqulayey Magaalada Laascaanood.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa lagu faahfaahiyey halka ay ka soo kicitimeen dagaalameyaasha Al-shabaab ee Laascaanood gaadhay iyo tallaabada ay qaadayso Xukuumadda Somaliland, si ay meesha uga saarto kooxahaas iyo Huwanta is garabsanaya.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddda Arrimaha gudaha oo daba socda War-saxaafadeed ay xaaladda Laascaanood uga soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibeddu, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan &#8221;<\/p>\n<p>&#8220;Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar labaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood.<\/p>\n<p>Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August.<\/p>\n<p>Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay Maanta bulshada iyo Caalamkaba u caddaynaysaa meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika.<\/p>\n<p>1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalooyink Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xooggan yihiin Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.<\/p>\n<p>2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, sida Shabeelada Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaallada ka socda Soomaaliya.<\/p>\n<p>3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababbar oo uu leeyahay Cabdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-shabaab ee Buuhodle.<\/p>\n<p>Xeryahan tababbarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey ilaaladii gaarka ahayd ee Hoggaamiyihii Ururka Al-shabaab Aadan Xaashi Cayrow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaas oo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.<\/p>\n<p>Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladnimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaas oo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xududaheeda &amp; shacabkeeda.&#8221;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda JSL, ayaa mar kale ka hadashay Dagaalameyaasha Al-shabaab ee Maalmihii u dambeeyay ku qulqulayey Magaalada Laascaanood. War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa lagu faahfaahiyey halka ay ka soo kicitimeen dagaalameyaasha Al-shabaab ee Laascaanood gaadhay iyo tallaabada ay qaadayso Xukuumadda Somaliland, si ay meesha uga saarto kooxahaas iyo Huwanta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72806,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-73162","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/wasiir-kaahin.jpg?fit=727%2C499&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-j22","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73162","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73162"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73162\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73163,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73162\/revisions\/73163"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72806"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73162"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73162"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73162"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}