{"id":73082,"date":"2023-09-06T19:56:32","date_gmt":"2023-09-06T19:56:32","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=73082"},"modified":"2023-09-06T19:56:32","modified_gmt":"2023-09-06T19:56:32","slug":"iran-sucuudiga-oo-safiirro-is-dhaafsaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/09\/06\/iran-sucuudiga-oo-safiirro-is-dhaafsaday\/","title":{"rendered":"IRAN &#038; Sucuudiga Oo Safiirro Is-dhaafsaday"},"content":{"rendered":"<p>TEHRAN (Arabsiyo) &#8211; Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Salaasadii gaadhay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go\u2019naa toddoba sano.<\/p>\n<p>Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xidhiidhkooda, isla-maraana dib u furaan safaaradaha kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China oo lagu dhowaaqay bishii March.<\/p>\n<p>Riyadh iyo Tehran ayaa xidhiidhkaa kala goostay 2016 kadib markii xarumaha diblomaasi ee Sacuudi Carabiya ay ku laheyd Iran ay weerareen dibad-baxayaal ka careysan dilka Riyadh ee wadaad shiico ahaa Nimr al-Nimr.<\/p>\n<p>Hoggaanka Sacuudi Carabiya wuxuu aqoonsan yahay &#8220;muhiimadda xoojinta xiriirka, kordhinta la-macaamilka&#8230; iyo in xiriirka la gaarsiiyo heer ballaaran,&#8221; waxaa sidaas yidhi danjire Abdullah Alanazi markii uu Tehran gaaray si uu u billaabo shaqadiisa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.<\/p>\n<p>Sidoo kale salaasadii Safiirka Iran u fadhiya Sacuudi Carabiya, Alireza Enayati, ayaa gaaray caasimadda Riyadh, halkaas oo ay ku qaabileen mas\u2019uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo shaqaalaha safaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.<\/p>\n<p>Alanazi ayaa horay u ahaa safiirka Sacuudiga ee Cumaan, halka Enyati uu ahaa ergayga Iran ee Kuwait.<\/p>\n<p>Safaaradda Sacuudiga ee Tehran ayaa dib u shaqo billowday bishii hore. Bishii June, Iran waxay dib u furista safaaraddeeda Riyadh ku xustay iyada oo sameysay xaflad calan saar ah.<\/p>\n<p>Bishii hore, diblomaasiga ugu sarreeya Iran, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa xoojiyey midnimada iyo wada-hadallada intii lagu guda jiray booqashadiisi ugu horreysay ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii lagu dhawaaqay isu soo dhowaanshaha lama filaanka ah, isagoo sheegay in xiriirka laba geesoodka ah uu &#8220;ku socdo jihada saxda ah&#8221;.<\/p>\n<p>Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala taageerayey dhinacyada iska soo horjeeda ee goobaha ay dagaallada ka socdaan ee Bariga Dhexe muddo sanado ah.<\/p>\n<p>Tan iyo heshiiskii bishii March, Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celisay xiriirkii ay la lahayd Suuriya oo xulufo la ah Iran, waxayna xoojisay dadaallada nabadda ee Yemen, halkaas oo ay sannado badan hoggaaminaysay isbahaysi milateri oo ka dhan ah xoogagga Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>TEHRAN (Arabsiyo) &#8211; Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Salaasadii gaadhay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go\u2019naa toddoba sano. Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xidhiidhkooda, isla-maraana dib u furaan safaaradaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":73083,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-73082","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/01000000-0aff-0242-68c4-08dbae8dfcdd_w408_r1_st_s.jpg?fit=408%2C230&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-j0K","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73082","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73082"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73082\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73084,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73082\/revisions\/73084"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/73083"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73082"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73082"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73082"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}