{"id":73044,"date":"2023-08-31T20:45:25","date_gmt":"2023-08-31T20:45:25","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=73044"},"modified":"2023-08-31T20:45:25","modified_gmt":"2023-08-31T20:45:25","slug":"millateriga-afgambiyey-gabon-oo-ku-dhawaaqay-madaxweyne-ku-meel-gaadh-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/31\/millateriga-afgambiyey-gabon-oo-ku-dhawaaqay-madaxweyne-ku-meel-gaadh-ah\/","title":{"rendered":"Millateriga Afgambiyey Gabon Oo Ku Dhawaaqay Madaxweyne Ku Meel-gaadh Ah"},"content":{"rendered":"<p>Gabon (Arabsiyo)- Hoggaamiyayaasha afgambiga ka gaystay dalka Gabon, ayaa sheegay in Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalkaasi General Brice Oligui Nguema la dhaarin doono maalinta Isniinta ah.<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale isku dayeen inay dejiyaan beesha caalamka iyagoo ballanqaaday inay ixtiraamayaan dhammaan ballanqaadyada dalka oo ay ku jiraan bixinta deymaha lagu leeyahay.<\/p>\n<p>Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu maanta yeeshay kulan ay uga wada hadlayaan afgambiga dhacay Arbacadii.<\/p>\n<p>Telefishanka qaranka ayuu afhayeenku ka sheegay in si tartiib tartiib ah loo dhisi doono hay\u2019adaha dawliga ah.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika ayaa sugaya in ay maqlaan ilaa inta ay madaxdan militariga ahi doonayaan in ay xukunka sii hayaan ka hor inta ayna shacabka u gacan gelin.<\/p>\n<p>Hadda isbahaysiga mucaaradka ayaa ku baaqay in la soo gabagabeeyo tirinta codadka si musharaxooda loogu dhawaaqo inuu ku guuleystay. Fursadaha in taasi dhacdo ah ayaa liita.<\/p>\n<p>Afgambiga, ayaa dhacay xilli ay dalkaas ka socotay doorasho, taasi oo natiijadeeda loogu dhawaaqay Cali Bongo oo muddo dheer hayey xilka Madaxweyne-nimada ee dalkaas.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gabon (Arabsiyo)- Hoggaamiyayaasha afgambiga ka gaystay dalka Gabon, ayaa sheegay in Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalkaasi General Brice Oligui Nguema la dhaarin doono maalinta Isniinta ah. Waxay sidoo kale isku dayeen inay dejiyaan beesha caalamka iyagoo ballanqaaday inay ixtiraamayaan dhammaan ballanqaadyada dalka oo ay ku jiraan bixinta deymaha lagu leeyahay. Tani waxay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":73045,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-73044","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/130944735_mediaitem130944732.jpg?fit=976%2C549&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-j08","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73044","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=73044"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73044\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73046,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/73044\/revisions\/73046"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/73045"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=73044"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=73044"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=73044"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}