{"id":72983,"date":"2023-08-21T20:09:39","date_gmt":"2023-08-21T20:09:39","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72983"},"modified":"2023-08-21T20:09:39","modified_gmt":"2023-08-21T20:09:39","slug":"burco-kulmiye-oo-doortay-hoggaan-cusub-dhacdooyinkii-ku-lamaanaa-shirka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/21\/burco-kulmiye-oo-doortay-hoggaan-cusub-dhacdooyinkii-ku-lamaanaa-shirka\/","title":{"rendered":"Burco: Kulmiye Oo Doortay Hoggaan Cusub &#038; Dhacdooyinkii Ku Lamaanaa Shirka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Burco, waxa Maanta lagu soo gebogabeeyay shirka 8-aad 33 Golaha dhexe, kaasi oo labadii Maalmood ee u dambeeyay ka socda halkaasi.<\/p>\n<p>Shirkan waxa lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Xisbigaas oo noqday Maxamed Kaahin Axmed oo xilka kala wareegay Madaxweyne Biixi oo xilkaasi hayey 12-kii sano ee u dambeeyay.<\/p>\n<p>Waxa kale oo lagu doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo noqday Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga, waxaanu xilkaa kaga guulaystay Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse).<\/p>\n<p><strong>Maxaa ku cusub Shirka KULMIYE ?\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Haddii Taariikhda dib loo raaco, sannadkii 2008-dii oo shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye ka dhacay Magaalada Burco, waxa ku kala qaybsamay xisbiga, ka dib markii Musharrraxii xilligaas oo ahaa Axmed-siilaanyo uu Musharraxiisa Madaxweyne ka dhigay Cabdiraxmaan Saylici, isagoo ka baydhay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ahaa Musharixii ay wada dhaceen doorashadii 2003-kii.<\/p>\n<p>Khilaafkaas ayaa keenay in Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Dhego-weyne ay ka baxaan Shirkaasi isla-markaana xagga Hargeysa uga soo ambo-baxaan.<\/p>\n<p>Labadaa siyaasi keli kuma ahayn Cadhada ay ka qaadeen go&#8217;aanka Axmed-siilaanyo, balse waxa kala aragti ahaa Madaxweynaha xilligan Muuse Biixi Cabdi oo go&#8217;aankaa u arkayey Mid aan sax ahayn.<\/p>\n<p>Laakiin, 15 sano ka dib, waxa jira isbeddel weyn oo shirkan Golaha dhexe ee Burco ka dhacay uu kaga duwan yahay kaa hore.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan, waxa Maanta shirka lagu doortay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye iyo Musharrax Madaxweyne ku-xigeen, kuwaasi oo kala noqonaya Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkiisa Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin).<\/p>\n<p>Doorashada hoggaanka cusub ee Kulmiye iyo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, ayaan wax khilaaf ah ka dhex abuurin Xisbiga Kulmiye, sidaa darteed waxa ku cusub shirkaas, ayaa ah in dalka oo xaalad culus ku jira isla-markaana khilaafku badan yahay, in go&#8217;aammada ka soo baxay shirka Golaha dhexe aanay wax khilaaf ah oo muuqda sababin, taasi oo la micno ah in si wanaagsan loo maamulay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa cusub inay tahay markii koowaad ee Xisbiga Kulmiye doorto Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka iyadoon la gaadhin doorashada Madaxtooyada, taasi oo muujinaysa qorshaha cusub ee uu dhigtay Xisbigaasi, wallow ay ka midaysan yihiin Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee WADDANI, kaasi oo ay laba kala yihiin Musharraxa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga.<\/p>\n<p>Xubaha loo doortay hoggaanka cusub ee Xisbiga, ayaan ahayn wejiyo ku cusub saaxadda siyaasadda.<\/p>\n<p>Waxa xusid mudan, in Shirka Golaha dhexe uu ka maqnaa Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, inkasta oo Xisbigu sheegay inuu hawlo Qaran ku maqan yahay, sidoo kale waxaan shirka ka soo dhex muuqan Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool.<\/p>\n<p>Dhacdooyinka yaabka leh, ayaa waxa ka mid ah Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge magaciisa laga yeedhiyey Shirka Golaha dhexe, isagoo ka mid ah xubnaha la ansixiyey.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa jira Xildhibaano ka mid ah golaha Wakiillada, kana soo baxay Xisbiyada Mucaaradka, balse loo ansixiyey Inay ka mid yihiin Golaha dhexe ee Kulmiye.<\/p>\n<p>Isku soo wada duuboo, Shirweynaha 8-aad ee Golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa ahaa kii ugu xasilloonaa shirarkii uu hore u qabtay, wallow ay dadka qaarkood aaminsan yihiin in qoor-weyntii ku hirdami lahayn Kuraasta Xisbigu ay ka baxeen xisbiga, laakiin haddii dhinac kale laga istaago aan la dhayalsan karin xubnaha cusub ee ku biiray, tusaale ahaan Maayirka Caasimadda oo ahaa Xildhibaankii ugu codka badnaa Somaliland, waxaase indhaha lagu hayaa isbeddelka ay keenaan hoggaanka cusub ee shirkaa lagu doortay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Burco, waxa Maanta lagu soo gebogabeeyay shirka 8-aad 33 Golaha dhexe, kaasi oo labadii Maalmood ee u dambeeyay ka socda halkaasi. Shirkan waxa lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Xisbigaas oo noqday Maxamed Kaahin Axmed oo xilka kala wareegay Madaxweyne Biixi oo xilkaasi hayey 12-kii sano ee u dambeeyay. Waxa kale oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72984,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72983","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1692648551639.jpg?fit=720%2C612&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iZ9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72983","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72983"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72983\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72985,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72983\/revisions\/72985"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72984"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72983"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72983"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72983"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}