{"id":72977,"date":"2023-08-21T20:02:04","date_gmt":"2023-08-21T20:02:04","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72977"},"modified":"2023-08-21T20:02:04","modified_gmt":"2023-08-21T20:02:04","slug":"madaxweynaha-pakistan-oo-lagu-dheggan-yahay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/21\/madaxweynaha-pakistan-oo-lagu-dheggan-yahay\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Pakistan Oo Lagu Dheggan Yahay"},"content":{"rendered":"<p>Pakistan (Arabsiy) &#8211; Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray &#8220;Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan&#8221; ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su&#8217;aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku amray shaqaalaha xafiiskiisu, inay sharciyadan dib u celiyaan iyaga oo aan saxeexnayn, hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu maanta ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha xafiiskiisu inay iska indho tireen amarka uu siiyey.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in mid ka mida shaqaalaha xafiiskiisu uu been abuuray saxeexiisa, isaga oo ka dhigaya in madaxweynuhu uu saxeexay sharciyadan.<\/p>\n<p>Khubarada dhinaca sharciga ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay dhabar jab ku tahay ciidamada milateriga ee awoodda badan, taasoo dalkan u hor-seedi karta qalalaase dastuur.<\/p>\n<p>Wasaaradda Shuruucda iyo Cadaaladda ee Pakistan oo ka falcelinaysay hadalka madaxweynaha ayaa ku eedaysay inuu si ula kac ah u daahiyey ansixinta shuruucdan, waxayna sheegeen in madaxweynuhuu qaato masuuliyadda arrinaas ka dhalanaysa.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Pakistan (Arabsiy) &#8211; Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka. Madaxweynaha Pakistan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72978,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72977","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/download-1-2.jpeg?fit=300%2C168&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iZ3","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72977","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72977"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72977\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72979,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72977\/revisions\/72979"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72978"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72977"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72977"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72977"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}