{"id":72952,"date":"2023-08-19T18:42:31","date_gmt":"2023-08-19T18:42:31","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72952"},"modified":"2023-08-19T18:42:31","modified_gmt":"2023-08-19T18:42:31","slug":"shirkadda-dp-world-oo-maraykanka-u-diray-farriin-ah-inuu-soo-dego-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/19\/shirkadda-dp-world-oo-maraykanka-u-diray-farriin-ah-inuu-soo-dego-somaliland\/","title":{"rendered":"Shirkadda DP WORLD Oo Maraykanka U Diray Farriin Ah Inuu Soo Dego Somaliland\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Los Angeles (Arabsiyo) &#8211; Shirkadda DP WORLD oo Maalgelin ku samaysay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa ka hadashay sababta Shirkadda Ingiriiska ah ee British International Investment ay ugu soo biirtay Shirkadaha Maalgeshaday Dekedda Berbera.<\/p>\n<p>Agaasimaha DP World Ahmed Bin Sulayman oo booqasho ku joogay magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa Telefiishanka NBC News weydiiyey sababta ay Dekedda Berbera shuraakada ugula galeen shirkadda British Investment International.<\/p>\n<p>Agaasimaha oo su&#8217;aashaas ka jawaabayey, ayaa sheegay in British Investment International markii hore ay ka warwarsanaayeen sida ay u maalgashan karaan Somaliland, laakiin markii ay ogaadeen in Somaliland ay leedahay dawlad u gaar ah, lacag u gaar ah, dastuur u gaar ah, ciidamo u gaar ah iyo xitaa baasaboor u gaar ah ay si buuxda u aqbaleen in ay maalgaliyaan Dekeda Berbera.<\/p>\n<p>Ahmed Bin Sulayem oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray Dawladda Maraykanka, waxaanu yidhi &#8221; Mallayiin doolar oo kaash ah ayaan u diyaarinay in aan ku bilowno Dekedda Berbera, waan haynaa kharashkaas, waxa aan kuugu dhaaranayaa in caalamka oo dhan ay ku soo jabi doonaan Dekedda Berbera, taasi waa balan aan kuu qaaday..&#8221;<\/p>\n<p>Agaasimaha DP WORLD, wuxuu si gaar ah farriin ugu diray Dawladda Maraykanka &#8220;Hadda gobolka waxa haysta Shiinaha, Maraykanka waxa aan leeyahay soo dheeree, maxaad sugaysaa..&#8221; ? Ayuu yidhi Axmed Bin Salmaan<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Los Angeles (Arabsiyo) &#8211; Shirkadda DP WORLD oo Maalgelin ku samaysay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa ka hadashay sababta Shirkadda Ingiriiska ah ee British International Investment ay ugu soo biirtay Shirkadaha Maalgeshaday Dekedda Berbera. Agaasimaha DP World Ahmed Bin Sulayman oo booqasho ku joogay magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":41989,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72952","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/dp-world.png?fit=613%2C290&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iYE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72952","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72952"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72952\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72953,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72952\/revisions\/72953"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41989"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72952"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72952"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72952"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}