{"id":72934,"date":"2023-08-17T16:34:24","date_gmt":"2023-08-17T16:34:24","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72934"},"modified":"2023-08-17T16:34:24","modified_gmt":"2023-08-17T16:34:24","slug":"xog-dheeraad-ah-oo-laga-helay-dilkii-abwaan-jaamac-kadiye-iyo-warka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/17\/xog-dheeraad-ah-oo-laga-helay-dilkii-abwaan-jaamac-kadiye-iyo-warka-somaliland\/","title":{"rendered":"Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Dilkii Abwaan Jaamac Kadiye Iyo Warka Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Laascaanood, waxa shalay lagu dilay Abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa Suugaanyahannada Soomaalida ee caanka ah.<\/p>\n<p>Dilka Abwaanka oo Soomaalidu ka naxday, ayaa waxa ka soo baxaya Warar muran geliyey sida loo dilay.<\/p>\n<p>Marka koowaad, Warar ay baahiyeen dadka baraha Bulshada ka taageera Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan Laascaanood, ayaa lagu sheega in Abwaan Jaamac Kadiye uu ku dhintay Madfac ay Ciidamada Qaranka Somaliland ku rideen gudaha Laascaanood, kaasi oo cuskaday gaadhigiisa oo Magaalada dhex marayey, laakiin ma jirto cid rasmiya oo arrintaasi xaqiijin karta, maaddaama oo Laascaanood qasan tahay, dadka ku sugana ay yihiin kuwo kala ujeedooyin ah.<\/p>\n<p>Marka labaad, Warar ay si hoose u soo tebiyeen dad ku sugan gudaha Laascaanood, ayaa lagu sheegay in Abwaanka lagu dilay shirqool ay soo Maleegeen kooxaha Huwanta ee dhawaan doortay xubnaha lagu xidhiidhiyey kooxaha Xagjirka ah.<\/p>\n<p>Waxa la sheegay in Abwaanka oo ku jiray dadka waxgaradka ahi uu waayeelka deegaankaas maalmihii u dambeeyay kula talinayey in Puntland la hoos tago, isagoo aaminsanaa in Laascaanood gacanta u gashay kooxo Xagjir ah, sidaa darteedna la tashado.<\/p>\n<p>Waxa la soo weriyey in kooxaha xagjirka ah oo helay in Abwaanku ka soo horjeedo ay maleegeen dilkiisa isla-markaana isaga oo maraya badhtamaha Laascaanood tacshiirad la huwiyey, halkaana uu ku dhintay, laakiin Warbaahinta Bulshada la geliyey in Somaliland ku dhufatay Hoobiye.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dillka Abwaanka, waxayna sheegtay in Jaamac Kadiye lagu khaarajiyey shirqool ay u maleegeen kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan Laascaanood.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo War-saxaafadeed ka soo saartay dilkaasi ayaa sheegtay inay Xukuumadda Somaliland ka xun tahay dilkaasi, laakiin ay Caalamka ogaysiinayso in Abwaanka ay dileen kooxaha Argagixisada ah.<\/p>\n<p>&#8220;Wasaaradda Gaashaandhigu waxay ka murugaysantahay in ay ku dhawaaqdo dilkii naxdinta lahaa ee abwaankii caanka ahaa ee Jaamac Kadiye, oo ahaa shakhsi laga jecelyahay hidaha iyo dhaqanka waddanka&#8230;waa arrin murugo leh in aanu ku dhawaaqno in uu ku baxay gacmaha argagixiso caan ah shalay&#8221;.<\/p>\n<p>Somaliland waxay sheegtay in dilka loola jeeday in magaca lagaga xumeeyo Somaliland, isla markaana la abuuro dhaqan cabsi galin ah, waxa kale oo ay xustay in eeda loo soo jeedinayo Somaliland ay beentahay, isla markaana ay samayn doonaan baadhis madaxbannaan si kuwii dilka gaystay cadaalada loo horkeeno.<\/p>\n<p>Waxay intaa ku dartay in Somaliland ay u taagantahay nabad, midnimo iyo cadaalad, isla markaana waxay beesha caalamka ugu baaqday in cambaarayso dilka argagixisadu u gaysanayso shacabka, sida warxinta lagu yidhi.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna geerida Jaamac Kadiye ku tilmaamay &#8220;geeri culus oo naxdin leh&#8221; waxana uu sheegay in waxa la gudboon Soomaalida ay tahay in ay abwaanka u duceeyaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laascaanood (Arabsiyo) &#8211; Magaalada Laascaanood, waxa shalay lagu dilay Abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa Suugaanyahannada Soomaalida ee caanka ah. Dilka Abwaanka oo Soomaalidu ka naxday, ayaa waxa ka soo baxaya Warar muran geliyey sida loo dilay. Marka koowaad, Warar ay baahiyeen dadka baraha Bulshada ka taageera Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan Laascaanood, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":72935,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72934","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/460bdbb5-0b76-41fe-af1b-5e1336724ed8.jpg?fit=624%2C416&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iYm","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72934","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72934"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72934\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72936,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72934\/revisions\/72936"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/72935"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72934"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72934"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72934"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}