{"id":72929,"date":"2023-08-17T16:26:16","date_gmt":"2023-08-17T16:26:16","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=72929"},"modified":"2023-08-17T16:26:16","modified_gmt":"2023-08-17T16:26:16","slug":"kulmiye-oo-shaaciyey-musharrax-madaxweyne","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2023\/08\/17\/kulmiye-oo-shaaciyey-musharrax-madaxweyne\/","title":{"rendered":"KULMIYE Oo Shaaciyey Musharrax Madaxweyne"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa shaaciyey Musharraxiisa Madaxweyne iyo Musharraxii kale.<\/p>\n<p>Xisbigu wuxuu iclaamiyey in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Musharrax u yahay doorashada soo socota ee Madaxtooyada, taasi oo hore komiishanku ugu muddeeyay dabayaaqada bisha November ee sannadka dambe.<\/p>\n<p>Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay inuu laba xilli tartamo, sidaa darteed uu Madaxweynuhu xilligiisii 2-aad sharraxan yahay.<\/p>\n<p>Sidaana waxa shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco oo uu ka dhacayo shirka 8-aad ee Golaha dhexe.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku-xigeenka, ayaa sheegay in Madaxweynuhu soo xulanayo Qofka Madaxweyne ku-xigeenka u noqonaya doorashada soo socota, maaddaama oo Saylici dhamaystay labadiisii wareeg ee sharcigu u ogolaa inuu ku-xigeen noqdo.<\/p>\n<p>Axmed Cabdi-dheere, waxa uu sheegay in Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa qofka u sharraxan Madaxweyne ku-xigeenka, illaa haddana 3 xubnood buuxiyeen shuruudaha laga rabo Siyaasiyiinta u tartamaya xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0<\/strong><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa shaaciyey Musharraxiisa Madaxweyne iyo Musharraxii kale. Xisbigu wuxuu iclaamiyey in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Musharrax u yahay doorashada soo socota ee Madaxtooyada, taasi oo hore komiishanku ugu muddeeyay dabayaaqada bisha November ee sannadka dambe. Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay inuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27952,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-72929","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/kulmiye.jpeg?fit=120%2C90&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-iYh","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72929","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=72929"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72929\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72930,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/72929\/revisions\/72930"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27952"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=72929"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=72929"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=72929"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}